Waxa bilaabantay dabayshii doorshada Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiilada.
In kasta oo dadka qaar shaki kaga jiro

 

inay qabsoomayso waxaynu IILAAHAY ka rajaynaynaa in si nabad geliyo ah inoogu qabsoonto wakhtigii loogu talo galay.

Hadaba qoraalkan kooban waxaan ku eegayaa khaladaadka soo noqnoqday oo shantii doorasho ee ina soo marayba la galay iyo sidii looga waantoobi lahaa kuwa dambe.

Aadamuhu dhacdooyinka soo mara iyo qaladaadka uu galo wuxuu ka bartaa cashar iyo waayo-aragnimo,  yaalaa ma dhacdo inuu isla khaladaadkii mar kale ku dhaco ama sameeyo,  laakiin somaliland khaldaadkii doorashooyinikii hore ayaa mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar afraad-ba la sameeyay sidaa daraadeed miyaan la odhan Karin ama laynagu tilmaami Karin inaynu nahay ummad liidata oo waayahay iyo wixii soo maray aan waxba ka baran oo guuldarooyinka la nool ama iskala qabsaday ( If you Faild to Learn from your mistakes you are going to fail again and again).

Muwaadin maxaa lagu tilmaami karaa sababaha keena in khaladkii shalay la galay in hadana maantana la galo:

1.      Xulshada xubanaha golaha doorashooyinka oo aan Xil wayn layska saarin sida xeerka doorashooyinku ina farayo

2.      Koomishanada cusub oo aan isku taxalujin inay wax ka bartaan ama saxaan khaladaadkii hore ee la sameeyay

3.      Xubanaha koomishanka oo dhan oo u kala baxa gobolada marka laga reebo gudoomiyaha oo lagaga tago Xarunta Dhexe arrintaas oo sababta inuu ku hafto qaylo dhaanta iyo cabashooyinka iska soo daba dhacaya ee kaga imanaya gobolada iyo degmooyinka dalka

4.      Koomishanka qaranka oo marar badan u nuglaada culayska iyo cadaadiska kaga yimaada xukuumada, Xisbiyada iyo beelaha, tusaale ahaan waxa lagu dirqiyaa ama lagu qasbaa in sanaaduuq la geeyo meelo aanay nabad-geliyo ka jirin ama in la geeyo sanaaduuq dheeraad ah iyada oo aan baahiye ka jirin

5.      Madaxbanaani la’aanta kharashaadka doorashadu waxay noqon kartaa carqalad kale oo saamayn ku yeelan karta qorshe hawleedka koomishanka iyo Hay’adaha dawlada ee la shaqeeya

6.      Gudoomiyaha iyo xubanaha kale ee komishanka gobolada iyo degmooyinka oo aan loo xulin dad mudakar ah ama waayo-arag ah oo si masuuliyadi ku jirto uga soo baxa hawsha loo igmaday

7.      Koomishanada gobolada iyo degmooyinka hhaladaadka galay ama wax is daba mariyay oo aan wax talaabo ah laga qaadin haba yaraatee, waana arrimaha dhiiri geliyay in danbiyo culus la galo doorashooyinkii dambe

8.      Marnaba laguma guulaysan in la keeno khad ama calamad aan la tirtiri Karin ama aan la masixi Karin

9.      La’aanta kaadhka aqoonsigu waxay fududaysay in caruurta iyo ajaanibigu ka qayb qaataan cod bixinta

10. Saadka iyo gaadiidka loo adeegsanayay oo ka yaraa baaxada hawsha doorashada

11. Dadka ku noqnoqda cod bixinta oo aan lagu ciqaabin marka la qabto

12. Boobka waa loo dhamaa iyo in xisbi waliba ka bursado ka kale waxa si u gacan waynaa xisbiga kulmiye oo adeegsanayay awooda iyo Inkaaniyaadka Dawlada

13. Hay’adaha awooda sharci u leh oo la daaha magacaabista xubanaha koomishanka  ee loo qoondeeyay.

Si kastaba ha ahaatee waxa haboon in si mug leh loo darso ama loo qiimeeyo doorashooyinkii hore ka hor doorashada soo socota si looga digtoonaado khaladaadkii hore oo kale sidaa awgeed waxaan jecelahay inaan qodobadan soo socda la wadaago ama ku biiriyo dadka danaynaya  inay wax ka qoraan doorashooyinkii iyo taariikhda gedi socodka dimuqraadiyada Somaliland:

1.      In aad looga fiirsado Xulshada Xubanaha gudida doorashooyinka ee heer qaran, heer Gobol iyo heer Degmo-ba

2.      In Xisbiyada iyo musharaxiintu ka fogaadaan faro gelinta hawlaha Koomiishanka

3.      In la kordhiyo tirada xubnaha koomishanka

4.      In la maxkamadeeyo hawlwadeenada gobolada, degmooyinka iyo kuwa goobaha cod-bixinta ee lagu helo khiyaamo ama wax is daba marin

5.      In la ganaaxo kuwa caadaystay in ay mar wax ka badan codeeya

6.      In si dhab ah loo fuliyo amarka xayiraada isu socodka gaadiidka saacadaha cod-bixinta

7.      ummad ahaan haddii ay inaga dhab tahay in la helo doorasho xalaal ah halaysku waaniyo oo halaga waantoobo tabaha guracan ee cododka xaaranta ah lagu badsado

8.      Muranka iyo is qabqabsiga waxa keena sharciga oo layska Indho tiro ama layska baal maro,dhinac kasta ha ku dedaalo inuu ilaaliyo shuruucda dalka iyo xeerarka doorashooyinka .

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *