muxaadaro1Hargeysa(Araweelo News Network)Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun, oo ka mid ah cullimada waaweyn ee dhulka Soomaalida aad looga yaqaan ayaa xalay ku qabtay Xarunta Jaamacadda ADMAS ee magaalada Hargeysa Muxaadiro diiniya, taas  oo uu halku dheg

 

uga dhigay ‘Liibaanta Nolosha’.

arnaamijkan oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda ADMAS,  waxa madasha Sheekh Mustafe ka jeediyay Muxaadarada  kasoo xaadiray Maamulka Jaamacadda oo uga mahadnaqay Sheekha fursaddan dahabiga ah iyo waqtigiisa uu u soo hurayba. Sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Ardayda Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyo dadweyn kale oo tiro badan.

Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waxa uu kaga hadlay khudbaddiisii loogu macag daray “Liibaanta Nolosha” wacdi khuseeya guusha nolosha iyo abaal-marinta qofka Islaamku ka heli karo Ilaahay agtiisa xasannaadka uu shaqaysto mudada yar ee adduunka joogo.

Waa maxay noloshu, yaase guushu agtiisa ahaatay, waakan Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun oo tilmaamo ka bixinaya qofka guulaysta abaalkiisa iyo natiijada guul-daraddu leedahay.“Nolosha haddii aad fahmi kari weydo inta ay leegtahay, qiyaaskaad ku qiimaynaysayna wuu qaldamayaa. Ilaahay SWTC dadka Muslimiinta ee diintan [Islaamka] rumeeyay ee loo soo dejiyay waxa uu siiyay miisaan ay wax ku qiimayn karaan; miisaal uu qofku garan karo goormuu guulaystay, goormuu khasaaray.miisaalkaas [tusaalahaas] Ilaahay SWTC  quraanka wuxuu ku tilmaamayaa Laba aayadood oo Suuratal Baqara ku jira Noloshu inaanay adduunkan oo qudha ahayn lixdanak sano amma todobaatanka sanno ee aad adduunka joogto, waxaase markasta Ilaahay tilmaamayaa noloshu inay gebogebaysmayso,” Naf waliba geerida way dhadhaminaysaa” Waxaa laydiin dhammaystirayaa adduunyada guullo yar yar inaad gaadho, laakiin marka cimrigaaga la eego noloshu waxay noqonaysaa wax aan gebogebaysmayn marka dib laysu soo saaro, markaa 60-ka sanno ee adduunyada iyo guushu wax la sheego maaha, lama tilmaamin guulaha yar yar ee bini’aadamku gaadho, waayo waad ka tegaysaa, Ilaahayna wuxuu yidhi, “Waxaa laydiin dhammaystirayaa waxaad shaqaysateen”.Qofku markuu juhdi bixiyo, maskax, itaal, hanti iyo wakhti natiijuu sugayaa, waxaad dedaal bixisay inaad natiijo hesho, “Nolol dambaa jirta oo laysu dhammaystirayo.”ayuu Ilaahay yidhi.Hadaba, waa maxay Guusha noloshu?  qofka naarta laga fogeeyo ee janno la geliyo, kaasaa guulaystay ayuu Ilaahay SWTC leeyahay. Halbeegaasi wuxuu yahay aakhiro ma guulaysatay ma ehlu naarkaad ku biiraysaa mise ehlu jannada?haddaad ehlu naarka ku biirto waad khasaartay.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *