Faaqidaadda Araweelonews

Mudooyinkii u danbeeyay waxa kusoo noq –noqnayay warbaahinta Somaliland Magaca Chief Of Cabinet oo siyaabo kala duwan warbaahinta loogaga bixinayay fasiraado iyo tacliiq. Kadib markii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo jagadaa u magcaabay Mr. Xirsi Xaaji Cali oo ahaa gudoomiye xigeenkii Komishankii fashilmay ee doorashooyinka Somaliland,

 

 balse isagu xilkaa komishanka iska casliy ka hor intii aan laka dirin xubinihii komishanka ee xiligaa.  
Magcaabista Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magcaabay jagadaa Chief Of Cabinet Mr. Xirsi, waxay markiiba  keentay inay dad badani ku mashquulaan, isla markaana saxaafada ayaa iyaduna jihooyin iyo dhinacyo kala duwan fasiraad uga bixisay, waxayna warbaahinta qaarkood ku ku fasireen Raysal wasaare qarsoon, kuwaas oo si toos ah ugu sameeyay Taytalkaa luqada Soomaaliga turjumid  (direct translation),  taas oo ay ku macneeyeen raysal wasaare, iyadoo weliba saxaafada qaarkood si weyn ugu canbaareeyeen  Madaxweyne Siilaanyo,   halka qaar kalena durbadiiba isku qanciyeen inuu  yahay  mid gebi ahaanba maamulaya Wasiiradda xukuumadda Axmed Siilaanyo.
Hase yeeshee gebi ahaanba waxay sheekooyinkaasi ahaayeen kuwo tafsiirkoodu aanu u muuqan mid ku dhisan xaqiiqda jiritaanka xilka loo magcaabay Ninkaa, basle waxa muuqatay inay jiraan ujeedooyin siyaasadeed oo kooxo iyo shaqsiyaad gaari uga faai’daysanayeen bulshada dhaleecayn durba dusha laga saaro Madaxweyne Siilaanyo, taas oo la odhan karo waxay  fursad ka heleen  kooxdaasi   inta badan warbaahinta Somaliland oo qaab caadifadaysan ku hagayay sheekadaa, kuwaas oo bulshada ugu sheegay inuu taytalka noocan ah ee Chief Of Cabinet  yahay Raysal waasare qarsoon oo uu sameeyay Madaxweynuhu.
Tusaale ahaan mid ka mid ah saaxiibaday oo maalmihii sheekadani cusbayd ila soo hadlay habeenimo xili danbe wuxuu ii sheegay inuu Madaxweynhu magcaabay raysal wasaare qarsoon, waxan weydiiyay Nidaamka Somaliland qaadatay ma (Presidential), habaka madaxweynhu awooda leeyahay ayaa mise waa (Parliamentarian) oo ah Nidaamka raysal wasaaraha uu awooda leeyahay. Waxan ku qanciyay inaanay Nidaamkaa Somaliland qaadan habkaa danbe , basle  nidaamka ay qaadatay yahay ka hore Madaxweyhaha. Sida ku cad dastuurka Somaliland.  Sidaa awgeed aanay macquul ahayn in lagu sheego Chief Of cabnite raysal wasaare, isla markaana aanu ahayn wax dhaafsiisan xogahaye golaha wasiiradda ah, ama Agaasime guud oo madaxtooyada ah, kaas oo ay suurta gal tahay inuu maamulo shaqaalaha iyo xafiisyada Madaxtooyada. Sidaa awgeed Taytalka uu sito aanu noqnayan raysal wasaare, maadaama aanu ahayn Nidaam ay Somaliland qaadatay.
Inkasta oo saaxiibakay aanu ku wada qancin qiyaasta tafsiirkayga, hadana wuxuu  muujiyay deganaan. Anigoo u raaciyay haddii ka warbaahin ahaan dadka loogu sheego xilka madaxweynuhu  magcaabay ee Chief Of cabinet raysal wasaare, waxay ceeb ku noqonaysaa saxaafada, taa macneheedu maaha in aan xilkaas wadamada  duinida qaar u isticmaalin siyaabo kala duwan oo qaarkood qofka xilkaa oo kale hayaa leeyahay awood dastuuri ah, qaarba sida ay doonaan.
Hase ahaatee waqtigan ujeedada qoraalkan falanqaynta arrintaa macneheedu maaha inaan tafsiir iyo sharaxaad ka bixinayno  taytalkaa Chief Of Cabinet, balse waxa  iyana marwalba sheekada iyo fasiradaha  laga bixinayay  loogu  sheegayay  Bulshada inay tahay markii ugu horaysay ee Somaliland uu soo maro qof xilkan oo kale ka haya Madaxtooyada. Sidaa awgeed  markaan  dib u jaleecno sooyaalka taariikhda Somaliland jagada noocan ah ee Chief Of cabinet, oo saxaafada Somaliland iyo dadka sida weyn isugu mashquuliyay ku sheegeen markii ugu horaysay ee Qof muwaadin ah Somaliland loo magcaabo xilkaa,  iyadoo  kooxaha weli ku sii dhegan ee dooonaya inay ku mashquuliyaan dadka  weydiiyeen su’aal aarintaa ku saabsan gudoomiyaha Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo waraysi siiyay  HCTV  maalmihii lasoo dhaafay, waxa uu yidhi, ““Awoodo qoraal ah, Chief-ka qolo waxa ay tidhaahdaa Agaasime, Xoghaye madaxweyen ayaa la yidhaahdaa, lakiin dadka qaar baa u haysta in Chief Cabinet-ku uu hogaamiye u yahay golaha wasiirada, waar maaha, wasiiradu dastuurka ayay ku yaalaan waxaanay la shaqeeyaan madaxweynaha, ninkani waa nin kaalin talo leh, qoraal uu madaxweynuhu qoray oo uu awood dheeraad ah ku siiyayna maynaan arag, markaa eragay Chief of Cabinet wadamo badan oo kale sida ay u isticmaalaan oo la soo xigtay ayaa ina geliyay sas badan, warbaahintuna si aad ah ayay wax uga qoreen malaha waxa wanaagsan in wax la hubsado’e, waa maxay xilka uu hayaa, muxuu qabtay, madaxweynuhu wuu u baahan yahay nin kaaliye ah oo taageera, ilaa hadda ninkaasi hawl qaran oo inti uu madaxweynuhu u igmaday oo xog hayntii madaxweynaha kumaynaan arag, walaa fagaare, walaa qoraal, walaa wax kale oo gacan buux ah kumaynaan arag, markaa waxa ay ila tahay yaan la sasine ha la is hubsado.” 
Laakiin  dhamaan arrimahaa waxa  meesha ka saaraya Ducumenti ga ku lifaaqan halkan hoose, kaas oo si cad u sheegaya qayb ka mid ah awooda Chief Of cabinet iyo jiritaanka xilkaa oo kale inuu ahaa mid ka jira  xilalka Madaxtooyada  xiligii  Maamulkii Madaxweynihii geeriydooday ee marxuum Cigaal  oo sida ka muuqata  qoraalkaa oo ku taariishaysan  23, March, 1995, isla markaana leh sumadii xafiiska madaxtooyada uu ku saxeen yahay Mr. Aadan Cabdi Xuseen oo ahaa Chief Of cabinet-ka madaxtooyada, kaas oo hawshiisu ahayd sida ka muuqata qoraalkaa faafinta go,aanada golaha wasiiradda.
Qoraalkaa oo lagu socodsiiyay hayad kuwa qaranka ah, waxa ogaysiin lagu siiyay wasaaraddaha  Beeraha  iyo Arrimaha Gudaha, waxaana  loogu sheegayaa cida ay khusayso ee sida tooska ah ugu socoto go’aankii shirka golaha wasiiradda  ee tirsigiisu ahaa 127, GW94 ee qabsoomay  13Oct, 1994, in golaha wasiiraddu ku go’aamiyeen ogolaanshaha Jamciyadda Sooyaal loogu dawladu ugu ogolaaday isticmaalka laba ka mid ah bakhaaradii ONT, iyadoo loogu sheegay qoraalka in bakhaarada kale ay sidii awalba wasaaradda Beeruhu u lahayd  ahaadaan.  

 

 

 

 
Si kastaba ha ahaate waxa ducumentigani uu si cad u iftiiminayaa inaanay ahayn markii ugu horaysay ee taytalka Chief Of Cabinet laga isticmaalo Somaliland, isla markaana wuxu muujinayaa qaybo ka mid ah hawsha uu qofka xilkaa haya Madaxweynhu u wakiisho. Sida ka muuqata qoraalka halkan ku lifaaqan ee uu ku saxeexan yahay masuulkii xilgaa ka ahaa Madaxtooyada Chief Of Cabinet.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *