KalshMadaxweyne wadada khilaafka xisbiga iyo xukuumaddu waa wadadii xiligii dawladii Cabdiraxmaan Tuur, madaxweyne dadku waa dadkii ku doortay, kuwa khilaafku idinka dhexeeyo ee xisbiguna

 

waa kuwii aad soo wada halganteen ee sodonka sanadood kulasoo dhaqaynayay.
Madaxweyne kuwa aad ka diiday ergada waa kuwii guusha kuu keenay 70%, guurtiduna waa kuwii ummada dhexda u ahaa ee ha diidin. Laakiin kuwa ku hareera joogaa kuuma keenin guusha, Madaxweyne khilaaf wuu yimaadaa. Laakiin khilaafka waa laga heshiiyaa ee Madaxweyne wadada saxda ah kusoo dabaal xisbiga iyo xukuumadda oo iska ilaw inaad dhegeysato dhinaca kooxda wadaada ah oo keliya. Sidaa darteed Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa inaad usoo laabato wadada saxda ah oo khilaafka xukuumadda iyo Xisbiga kusoo dabaasho wada hadal iyo isu tanaasul, maadamaa aad adigu tahay Madaxweynihii iyo Odaygii Xisbiga Kulmiye.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *