Caddami

Inta inoo muuqatay Kulmiye waxa uu ahaa mid ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland laakiin wuxuu ka kooban yahay xisbiyo yaryar iyo kooxo kala aragti duwan ama kala ujeedo ah kaliya

 

waxay ku bahoobeen Umbrella-da Kulmiye .

Markii ay mucaaridka ahaayeen heshiis waxay ku ahaayeen hal qodob oo qudha oo ahaa in si kasta oo suurto gal ah loo rido xukuumadii Daahir Rayaale sharci iyo sharci daraba.

Xisbiyada yaryar iyo kooxaha kulmiye inkasta oo aanay wax badan isku wafaqsanayn hadana waxay leeyihiin dabeecado (Charateristics) isku mid ah waana arrimaha isku soo jiiday in ay meel ka wada duulaan, dhamaantood ma aaminsana dimuqraadiyada xataa xisbiga dhexdiisa waa dambi in la soo hadal qaado in lagu tartamo mansabyada qaar ka mid ah.

Kulmiye mucaaridnimada waxa uu u yaqaanaa in maamulka la curyaamiyo iyo in lays hor taago mashruuc kasta oo ay dawladu wadato.

Ma laha iyagu aragti siyaasadeed oo fog ma arkaan warna kama hayaan waxa ka socda caalamka, gobolka iyo siday u saamayn karaan Somaliland iyaga waxa u mudan ama ay isku mashquuliyaan xifaltanka  iyo dagaalka gudaha ama dhexdeena.

Xiliyada doorshada Istaraatijiyada kulmiye waxay ahayd in muran iyo khilaaf la abuuro si doorashadu dib uga dhacdo wakhtigi loogu talo galay si xukuumada loogu eedeeyo  dadweynahana lagu jiheeyo waxa kaloo ka mid ahaa in la abaabulo mudaharadyo rabshado wata si dad badani ugu dhinto iyaga oo ku khamaaraya nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka, waxay si qorshaysan uga sii shaqyan jireen sidii loo boobi lahaa codadka sanaaduuqada doorashada, Kulmiye wuxuu qoran jiray mutadawaciin rag iyo dumarba leh oo loo tababaray sida cododka loo khamkhamo ama loo xado  sida khadka oo la masaxo, muraaqibiinta xisbiyada kale oo la laaluusho, shaqaalaha goobaha fogfog oo la cabsi geliyo iyo in muran la geliyo sanaduuqda meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha labada xisbi ee kale .

Maalamaha doorashooyinka reer kulmiye waxa caado u ahayd inay buuq iyo goolaftan ka sameeyaan gudaha iyo hareeraha xarunta dhexe ee gudida doorashooyinka qaranka.

Hab-dhaqanka kulmiye haddii aan ku tilmaamay xisbigii sharka ma danbibaa iga raaci.

Dagaalkii sokeeye wixii ka danbeyay Somaliland dhowr jeer ayay ku sigatay inay ka siibato salanka inta badana waxa u sabab ahaa masuuliyad daradii ragii madaxda ka ahaa kulmiye, muwaadin bal dib u milicso dhacdooyinkii ina soo maray:

1. Doorashadii Madaxweynaha ee 2003 isagoo ku xisaabtamay cododkii uu boobay iyo sanaaduuqdii aan cododkooda la tirin (Cancelled) ee Gudida doorashooyinka la marsiiyay waxay iskood ugu dhawaaqeen inay doorashadii heleen, malintaa Somaliland way sigatay

2. Saacado ka dib markii Gudidu natiijadii rasmiga ahayd ku dhawaqay in Musharaxii UDUB ku guulaystay kooxihii sharku waxay isku raaceen inay dagaal ka ridaan dalka malintaa Somaliland waxay ku badbaaday diidamadii Gudoomiyihii UmbrelLa-da oo ah madaxweynaha talada maanta haya

3.2005 Doorashadii shir-gudoonka Wakiilada cusub Kulmiye oo taageero ka helay UCID wuxuu xoog iyo sifo sharciga baalmarsan ku fadhiistay kuraasidii shir-gudoonka malintaana Somaliland waxay ku badbaaday bisaylkii iyo dulqaadkii xukuumadii  Daahir Rayaale .

4.Dabayaaqadii 2009 iyo horaantii 2010 Somaliland waxay qarka u sarnayd inay burburto maalintaana waxa lagu badbaaday gurmadkii dawlada Itoobiya

5. lagama sheekayn karo wixii ka dhacay doorashadii ugu danbaysay ee Golayaasha Deegaanka —Waa Kudkii oo Kabo loo tolay, waaba kuwii oo boobkii dawlad u noqday, malintaana Somaliland waxay ku badbaaday dulqaadkii iyo samirkii Ururadii la tartamayay .

Si kastaba ah ahaatee kulmiye waxa ka dhex qarxay khilaafkii ugu cuslaa ee abid soo mara, maxaa se laysku hayaa ama laysku haystaa? Dalku wuxuu leeyahay Distoor, waxa la dajiyay oo jira xeerkii doorashooyinka, Xisbigu wuxuu leeyahay shuruucdiisa gaarka ah, in kasta oo qolo waliba  cuskanayso qodobo sharci  reer kulmiye ma aaminsana diyaarna uma aha in  lagu kala bixi karo sharciga iyo qaynuunka dalka koox waliba waxay doonaysa in damaceeda ku gaadho si jujuub ah qiimo kasta  iyaga oo aan  waxba  xeerin.

Lagama yaabo xisbi iyo xukuumadba reer kulmiye inay gartaan miisaanka xilka iyo masuuliyada saaran iyo in masiirkii ummadu gacantooda ku jirto,  maba dareensan in haddii khilaafku sii socdo uu samayn ku yeelanayo midnimada bulshada iyo xasiloonida dalka.

Akhriste Xisbiga markii uu ahaa mucaaridka masuul noqon waayay marka uu xukunka qabtana masuul noqon maayo.

Hadaba Somlialnd sharka kulmiye haddii ay dhowr jeer ka badbaaday maantaba ayaa ka badbaadin?

C/raxmaan Cadam

abdrirahmanadami@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *