Madaxweynihii hore ee Jammhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Riyaale
Kaahin marku garawsaday ,kuna qancay baahida weyn  ee dalka iyo dadku
u qabo in la sameeyo Hay’ad dadka ka baadha cuntada,sharaabka,agabka
iyo walxaha  kale  ee ay dadku adeegsadaan, ama isticmaalaan  iyo
daawooyinka debeda laga soo waarido,wuxuu ku dhawaaqay Hay’adda
ilaalinta tayada agabka ee Somaaliland [Somaliland consumer
protection].
Dhismaha Hay’addaa oo ah mid si weyn loogu baahnaa, isla markaana dal
kasta oo dunida ah uu leeyahay,  wuxuu Madaxweyne Daahir Rayaale
waqtigaa u magacaabay inuu maareeye ka noqdo Hay’adda Ibraahim Diiriye
[Af-xakame].
In kasta oo Hay’addo ku cusbayd Somaliland, Masuulka uu xiliggaa
Daahir Rayaale u magcaabay oo ahaa  Ibraahim (Af-xakame) kumay
cusbayn, sababtoo ah  wuxuu kasoo shaqeeyay magaalada Riyaad ee
caasimada dalka sucuudiga muddo toban sanadood ah. Wuxuu tababar ka
qaatay khubaro maraykan ah oo ka socday Hay’adda F.D.A (food and drug
administration), taas oo ah  Hay’adda xukuumadda mareykanka u
xilsaaran baadhista cuntada iyo dawooyinka.
Khuburada tababartay Maareeyaha uu xiliggaa u magcaabay Daahir
Rayaale Hay’addaa, waxay ku yimaadeen xiliggaa dalka Sucuudiga heshiis
ay xukuumada sucuudigu la gashay si ay u dhisto goob lagu baadho
cuntada tababarna ay u siiyaan dadka u dhashay sacuudiga iyo cidii
kale oo markaa ka shaqeeya.
Hase yeeshee  muu hirgelin baranaamijka Madaxweyne Riyaale ee xiliggaa
sababo dhaqaale awgood, waynu la wada soconay in mushaharka shaqaalaha
loo la,aa hay’adda cusubna waxay u muuqatay  laab la kacay, lugase ma
hayo, waana sababta  hawsha  Hay’addu u noqotay fadhiid  ilaa ay
xukuumadii UDUB Talada ku wareejisay  xisbiga kulmiye iyo Madxweyne
Axmed Maxamed Silaanyo.
Madaxweyne Siilaanyo  markii uu talada madaxtooyada la wareegay July
2010,  wuxuu ku cadho bur-buray masuuliyiin loo aaneeyey in ay kasoo
jeedeen xisbigii uu talada kala wareegay ee UDUB, wuxuuna Ibraahin
(Af-xakame) Maareeyihii Hay’adda  ilaalinta tayada agabka ee
Somaaliland ee Daahir Rayaale mudo yar ka hor intii aan doorashada
lagaga guulaysan u magcaabay xilkaa ka mid noqday kuwii xilkooda ku
waayay inay ka mid ahaayeen, ama loo aaneeyay xisbigii lagaga
guulaystay doorashada ee UDUB.
Hase ahaate Madaxweyne Silaanyo muu laalin haya’ddii uu Madaxweyn
Riyaale magacaabey  ee uu Maareeye Ibraahim aqoonteeda iyo fekradeeda
lahaa, balse waxaa Hay’addii loo rogay commission.Wuxuuna Madaxweyne
Siilaanyo u  magacaabay gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo agaasime
guud, waxay ahayd awood uu madaxweynuhu leeyahay inuu wax ka bedelo
Hay’adda iyo Hay’addaha kale ee qaranka, ama kuwo cusub abuuro. sidoo
kalena uu u magcaabo cidii uu doodno, Balse markii Madaxweyne
Siilaanyo u magcaabay Hay’adda masuuliyiinta cusub, waxa muuqatay in
aanay is waafaqsanayn ujeedada loo aasaasay iyo waxa la doonayo inay
qabato ee shaqadeedu tahay, waxayna xubnaha loo magcaabay Hay’adda
dhawrista tayada Somaliland u muuqdaan inay yihiin shaqsiyaad lagu
abaal mariyay, iyadoo la fulinayo codsi ka yimi dad xtsbiga kulmiye
taageero,wax ku ool ah ku lahaa, isla markaana soo hooyay guushii
xisbiga  kulmiye ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka
dhacday 26 Jun 2010.
Dabcan waxay la mid yihiin saraakiil iyo masuuliyiin kale oo siyaabo
kala duwan xilka loogu magcaabay sidaana kaga mid noqday xukuumadda
Madaxweyne Siilaanyo. Laakiin marka aan usoo laabto mawduuca aan ka
hadlayay ee Masuuliyiinta loo magcaabay Hay’adda =ilaalinta tayada iyo
agabka ee Somaaliland, waxa xaqiiq ah  Aniga oo xaq dhawraya
aqoontooda iyo inay xaq u leeyihiin inay qabtaan xilalkaa iyo kuwo
kaleba, waxa hubaal ah in aan  midkoodna  aqoon u lahayn sida cuntada
loo baadho iyo gebei ahaanba shaqada la doonayay inay Hay’addasi
qabato oo ah mid ahmiyad weyn u leh qaranka iyo bulshadaba, maadaama
ay dalka soo galaan waxyaabo badan oo qalabka la isticmaalo oo daruuri
ah sida cuntooyinka iyo dawooyinka ay khatar ku hayaan bulshada, isla
markaana Hay’addani tahay mid ahmiyad weyn u leh caafimaadka iyo
nolosha bulshada.
Prof. Abdi Yusuf

(La soco…………………………..)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *