ibraahin khadar siciidQaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo 23 jirsaday waqtigan, isla markaana horumar bulsho iyo mid dhaqan-dhaqaaleba gaadhay wixii ka dambeeyey sannadkii 1991-kii oo

 

lagu dhawaaqay in Somaliland ka madaxbannaan tahay dawladda ammaan-darrada iyo taag-darradu dishootay ee Soomaaliya.

Somaliland waxa lagu yagleelay qaran nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah iyo dastuur (Governmental System and Constitution) la isku waafaqsan yahay oo 91% shacabku u codeeyeen, kaasoo si toos ah u tilmaama nidaamka maamul ee dawladda ku salaysan yahay hab dimuqraadi ah oo ah in qaranku saddex waaxood (sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka) ka  kooban tahay, kuwaasoo wada-shaqayn buuxda midba mida kale la leedahay, balse gebi ahaanba kala madaxbannaan oo aan midna ka kale faragelin karin, shaqadeedana aanay ku qabsan, waayo dastuurka wuxuu u sameeyey kala xaddayn (Demarcation) waaxyaha qaranka

Hadalka haddii aan saro weedhiisa, hilbihiisana kala saafo oo aan ujeeddadiisa u dhaadhaco Waaxda Garsoorka ah oo halka laga jaan-gooyo, lagagana garnaqo garaha iyo murannada dadka ka dhex dhasha, laguna go’aamiyo caddaaladda, taasoo qof kasta oo muwaadin ah iyo ku aan ahaynba u baahan yihiin inay helaan xaqooda oo ay ku gadhayaan nidaam garsoor oo caddaaladi amma daacad ah.

Haddaba, nidaamka garsoor ee Somaliland oo wixii ka dambeeyey dawladdii Soomaaliya ee millateri dib loo dhisay sannadkii 1993-kii, kaasoo lagu yagleelay Axdi Qarameedkii sannadkaas la sameeyey, waxaana si gaar ah loogu bud-dhigay nidaamka garsoor ee Somaliland qodobka 21aad ee Axdi Qarameedkaas.

Somaliland nidaamka garsoor ee ka  jira wuxuu asal ahaan ku daba leeyahay sharcigii 1962 la sameeyey ee la odhan jiray qaab-dhismeedka garsoorka (Organization of the Judiciary Law 1962) amma wareegto sharciyeedkii No 3 ee la soo saaray 12 June, 1962-kii, kaasaanay Somaliland dib u habayn ku samaysay aakhirkii, laguna ansixiyey Axdi Qarameedkii 1993-kii.

Sidoo kale, waxa nidaamka amma haykalka Maxkamada Somaliland dib loogu habeeyey, looguna ansixiyey Dastuurkii ku-meelgaadhka ahaa ee 1997-kii la sameeyey, kaasoo keenay in dastuurka waqtigan cusubkiisa 4aad lagu dhiso garsoorka iyo nidaamkiisa.

Marxaladahaas hore markii lagu guulaystay ee garsoorka xoogga laga fahmay, ayaa Barlamaanka Somaliland 16 March 2008 ay soo saareen xeerka Nidaamka Garsoorka (The Organization of the Judiciary Law), iyagoo aqblay wax-ka-beddel iyo kaabis uu Madaxweyne Rayaale ka dalbaday in xeerka nidaamka garsoorka lagu sameeyo, kaasoo waqtigan dhaqangal ah.

Taariikhdaas kooban ee garsoorka kadib, Somaliland waxay leedahay nidaam garsoor oo shuruucda garsoorka iyo dastuurkuba sheegaan, waxaanna jira hay’addo garsoor sida qodobka 124aad ee dastuurku sheego Hay’adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin Maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta, kuwaasoo u madaxbannaan shaqooyinkooda, iyagoo shuruucda oo qudha tixgelinaya.

Dabarrada Sharci ee Garsoorka:

Garsoorka Somaliland oo sida dastuurku tilmaamay ah Waax madaxbannaan oo ka mid ah waaxa dawladda ugu muhiimsan, la’aanteedna aan qarannimo iyo dawladnimo sii soconayn, maadaama ay tahay meesha lagu go’aamiyo caddaaladda, laguna sar gooyo ciqaabta qofka dambiila ah ee lagu heli dambi, dadka xaqa kala tirsanaya  lagu kala siiyo, haddana waxa jira shuruuc liicisay awoodda garsoorka, kuwaasoo uu ugu horreeyo dastuurka, sababtoo ah waxa uu dabar uga dhigay in waaxda fulintu, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda fuliso go’aannada maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaaladda oo ah hay’adda ugu sarraysa bahda garsoorka.

Qodobka 133aad ee dastuurka labadiisa farqadood ee 1aad iyo 2aad waxay dabar sharci ku noqonayaan garsoorka madaxbannaanidiisa, sababtoo ah go’aannada ka soo baxa Caddaaladdu waxay u baahan yihiin in loo sameeyo guddi fuliya sida caalamkaba, halka wada-shaqaynta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’adda Garsoorka aannu jirin sharci qeexaya habka ay u wada shaqaynayaan, taasina ay tahay qabyada dastuurka ku jirta ee muranka dhalin karta

Sidoo kale qodobka 131aad oo ka hadla Guddida Caddaaladda xubnahay ka kooban tahay oo ah:

Guddoomiyaha Maxkamada sare…. Guddoomiye.
Labada Garsoore ee ku-xiga dhinaca derjada.
Guddoomiyaha Maxkamada sare……… Xubno.
Xeer-ilaaliyaha Guud…….. Xubin.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda … Xubin.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha…. Xubin.
Laba Xubnood oo golaha wakiiladu labadii sanaba hal mar ka soo doorto dadweynaha; kana kala tirsan; aqoon-yahanada iyo ganacsatada; iyo laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadii sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar kana kala tirsan dhaqanyahannada iyo culimada Diinta.

Qodobkan waxa uu wiiq sharci ku noqonaya aqoonta iyo hawlkarnimada Guddida Caddaaladda oo ah halka ugu sarraysa ee Garsoorka laga hago, sababtoo ah waxa ku jira laba xubnood (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha) oo xukuumadda ka tirsan, taasoo loo baahna in aanay isku milmin garsoorka iyo xukuumadda, balse sidaas uu dastuurku u dhigay, halka 4 xubnood ee Golaha Barlamaanka (Wakiillada iyo Guurtidu) soo doortaan aanay lahayn aqoon sharci, balse aqoonyahan uun yihiin, loona baahna in dastuurku shardi uga dhigo in ay yihiin xubno aqoon sharci amma waayo-aragnimo sharci leh, maadaama guddidan tahay guddida ugu sarraysa  ee garsoorka Somaliland, waxyaabaha laga hadlayaana inta badan yahay sharci.

Dhammaan qodobaddaas dastuur waxay dabar adag ku yihiin madaxbannaanida garsoorka, iyadoo ay ahayd in Dastuurka la furo, kana mid noqdaan waxyaabaha wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyo.

Maxkamadaha oo ka arradan waax kaydisa faylasha kiisaska iyo xarun daraasadeed

Maxkadamaha dunidu waxay leeyihiin nidaam kaydinta dacwadaha (Archival System), kaasoo lagu kaydiyo kiisaska maalintaas soo gala, bisha soo gala amma sannadkaas,  waxana  fududaata in kiis kasta oo dhaca haddii loo baahdo waqti waqtiyada ka mid ah si fudud loo heli karo.

Maxkamadaha Somaliland marka aad booqato amma kiis kaa galo, waxaad ogaanaysaa in aanu jirin nidaam loo kaydiyo faylasha, waxaana  kaalinta amma kaaliyuhu isticmaala gacantiisa oo uu ku qoro (Manual Handwriting), kaidbna faylka amma gal-dacwadeedka wuxuu ku tuura meel hadhaw aan cidi ka heli Karin, iska daa marka uu kiisku dhammaadee waxa  dhacda inta dacwada lagu gudo jiro laba waayo faylka qofka, taasina waxay keenta in kiisasku si fiican u socon wayaan, qofka madluunka (Victim)  ahna  uu heli waayo xaqiisa, maadaama faylkiisa la waayey amma  uu ka raago.

Nidaamka habaynta gal-dacwadeedadu waxay faa’iido u tahay maxkamada, maadaama aynu joogno duni casrigu shaqeeyo, lana awooddi waayey in barnaamij amma Data base kiisaska maxkamadaha soo gala lagu guro, waxa fudud in garsoore walba uu samaysto kombuyuutar iyo Extra Hard Disk uu ku kaydsado macluumaadkiisa, gaar ahaan ka bishaas soo gala, kadibna sannadka oo dhan meel isugu uruursado si hadhaw u fududaato in la heli karo kiiskaas.

Waxa dhacda in marka qofku is yidhaa rafcaan kiiskiisa ka qaado in ay muddo ku qaadato, maadaama aan garmaqalkii muddada soo socday dhacdooyinkii dhacay iyo xukunkii meel lagu wada qorin, kaydina aan lagu samayn.

Nidaamkan waxa uu habsan ku keenaya caddaaladda, sababtoo ah waxa kala socon waaya dacwadaha, halka uu faa’iido u ahaan lahaa in ardaydu darasayso kiisaska la kaydiyey, waxna ku barato.

Jaamacadaha dalka waxa ardayda loo dhigaa markay sharciga dhiganayaan amma aan goob-joogba u ahaa kiisas Maraykanka amma Ingiriiska ka dhacay 100 sanno ka hor amma qarniyo ka hor, taasina waxay ceeb ku tahay in la awooddi waayey in la isugu duba  rido ardayda  kiisaska dalka ka dhaca ee ay fahmayaan, inkastoo ay jiraan shakhsiyaad isku hawlay in ay buuggaag ka diyaariyaan kiisaska madaniga iyo ciqaabta oo Jaamacadda Hargeysa ardaydu daraaseeyaan, haddana kuma filna oo maaha wax sannado sii socon kara, ardaydana wada gaadhi kara.

Maxkamaduhu waxay u baahan yihiin amma gebi ahaanba garsoorku waax samaysa cilmi-baadhis ku saabsan kiisaska Madaniga ah iyo kuwa Ciqaabta ah (Criminal and Civil Research Department), waaxdan waxay faa’iido u tahay qaranka oo dhan, sababtoo ah haddii la helo inta dambi ee dalka ka dhacday ee lagu helay shakhsiyaadka waxa fududaanaysa in si fudud looga hortago oo lagu talagalo in sannadka dambe la yareeyo.

Ciidammada bilayska waxay sannadkii soo saraan dambiyo maxkamada gaadhay iyo qaar tuhuno uun ahaa, bilayska waa halka ugu horraysa ee baadhista dambigu ka bilaabanto, waxaanay eegaan ciidanku dabeecada (Nature of Crime) waxa dhacay inuu dambi yahay iyo in kale  oo qofka maxkamad lagu gayn karo, mana aha dambi dhab ah (Final Crime), qofkuna dambiile markaas maaha ee waa qof la tuhmay (Suspect), balse kiiska Maxkamadddu goysa waa dambi, qofkuna waa dambiile, haddii uu noqdo mid lagu helay (Convicted Person)..

Waaxdan (Judicial Research Department) haddii maxkamaduhu helaan waxay keenaysa in caddaaladda wax badan laga qabto oo aan dambiyo badan dhicin, dawladduna oggaato dambiyada dhabta ah ee dhaca iyo waxyaabaha sababta u ah, xataa waxa si rasmi ah loo oggaan karaa sida kiisaska Maxkamaduhu u socdaan ee shacabku ugu qanacsan yihiin nidaamka caddaaladeed ee dalka ka jira.

Haddaba, haddii hay’adda UNDP oo tababarka garsoorka aad u caawisa lala kaashado in ay labadan waaxood ka caawiso way fududaan lahayd, wax badana kumay baxeen, balse waxa lagu mashquulay hawlo kale, garsoorayaasha laftigooduna waxay la daala-dhacayaan culayska kiisaska ay hayaan iyo shaqooyinkooda oo aad u miisaan culus….. la soco……

W/Q, Garyaqaan Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com), Jamhuuriya.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *