Anigu cararimaayo sida Cali Khalif, state ayaan u samaynaynaa  hargeysa, haddii doorasho ka dhici waydo somaliland, madaxwayne siilaanyo isaga ayaa

cararidoona, haddii uu waajibka umada ka soo bixi waayo,
somaliland in ay burburto cid doonaysaa ma jirto , laakiin waxaa nagu kalifaya maamul xumada noo muuqata ee madaxwayne kasta oo samaliland soo maraa noo gaysanayo ,intii ay somaliland jirtay wali qof reer hargeysa ahi madaxwayne kamuu noqon somaliland, reer burco iyo reer boorama ayaa madaxwayne iyo kuxigeeno isku noqda,
taasaa sobobtay in la samayn waayo biyo galinta caasimada iyo waddooyinka wali la dhisi kari laayahay, wali maanu arag nin madaxwayne ka noqday somaliland  oo wadooyinka magaalada dhaxdeeda wax ka qabtay,
markaa madaxwaynahan hadda tallada haya waxaan leeyahay haddii aad sidaa garatay oo aad caasimadii dayacday xaqii ay reer hargeysi kugu lahaayeen waxaanu kaa sugaynaa doorasho dalka ka dhacda oo aadan dib noogu soo laaban, haddii ay dhici wayddo in aad doorasho qaban waydo, caasimada waanu u talin doonaa , oo state maroodijeex ayaanu u samayn doonaa , sidaa cali khaliifna cararimayno ee adiga ayaa cararidoona, dadka hargeysa ku nooli waa dad samir badan oo jecel gooni isutaaga somaliland waa dadka ugu badan ee cashuurta bixiya , waa dadka aan ka hadal  cashuurtooda halka lagu bixiyo,  waa dadka og in dawladnimadu iyaga ku dhisan tahay laakiin nasiib daro loo garan laayahay in wax loo dhiso in wadooyinka loo dhiso in airportdada loo dhiso iyo biyo ku filan ay helaan, oo waxaas oo dhan cashuurtooda looga dhiso,

Maroodijeex state ayaanu samaysan doonaa oo ah gobolka ay hargeysi ku fadhido haddii dadku waxay rabaan loo yeeli waayo, ahmed siilaanyona wuu ka cararidoonaa hargeysa,  laakiin anagu hargeysa ka cararimayno, sida  cali khaliifna cararimayno,

ahmed shadaaf ismail
shadaaf@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *