Sharaxaada Hubka iyo saannada Awooda Milateri  Col Qadaafi,  Khariirad  ku tusay goobaha ay duqeeyeen NATO iyo USA

Tripoli (ANN) Xulufada NATo iyo Maraykanka ayaa wejigabax kala kulamay qorshohoodii ku wajahnaa dalka Libya ee ay ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan hogaamiyaha dalkaa Mucmar Al Qadafi oo ay duqaymo dhinaca cirka iyo Badda ah ku wadeen maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo

 

garab siinaya mucaaridka aan awooda baddan lahayn ee gacanta ku dhigay magaalooyinka dhinaca woqooyi bari ee mihiimka ah.

Hase yeeshee xulufada NATO oo filayay inay gebi ahaanba naafeeyeen awoodii ciidamada Col Qadaafi iyo qalabkiisa Milateri ayaa hada u muuqada inay xaqiiqsadeen inaanay wax sidaa u buuran yeelin awoodii hubka  iyo qalabkii Milateri ee Qadaaffi, isla markaana waxa soo baxay warar weji gabax ku noqday siyaasadii xulufada NATO ee duqaynta iyo in la taageero mucaaridka. Kadib markii  hogaamiyihii hawlgalka dalka Libya ee NATO iyo Maraykanka   oo lagu magcaabo Adm.  James   Stavridis kulankii salaasaadii lagu qabtay London ee lagaga hadlayay xaaalada Libya inay kooxaha mucaaridka ku jiraan Unugyo Al-Qaeda iyo xisbul Islaam ah, taas oo muujinaysa kahatar weyn. Wuxuunaa ka dhawaajiyay in mukhaabaraadkoodu xaqiijiyeen inay unugyo ka mid ha kooxaha Al-Qaida iyo xisbul Islaam ku dhexjiraan mucaaridka.

Dhawaaqa kasoo yeedhay hogaamiyaha hawlagalka NATO ayaa abuuray xaalad wer wer hor leh ku abuuratay  xulufada, isla markaana waxay wararka noocaa ahi noqdeen kuwo fursad weyn siiya Mr. Qadafi oo isagu hore u sheegay in mucaaridka kacdoonka ka bilaabay magaalada Benghazi ay yihiin Al-Qaida doonaysa inay khal khal geliso xasiloonida dalka Libya, isla markaana ay gacanta ku dhigaan ceelasha shidaalka iyo marinka mihiimka ah ee  Mediterranean-ka. Laakiin dhawaaqyada qadaafi waxay  rayalcaamka bulshadu u arakayeen mid aan xiqiida ku dhisnayn. Sidoo kale xulufada NATO iyo USA ayaa waxba kama jiraan ka dhigayay weedhaha Col. Qadaafi ee ahaa inay Al-qaida wadaan fawdada ka jirta magaalooyinka dhinaca bariga ee dalkiisa.

Warbaahinta dhinaca galbeedka ayaa qaadaa dhigatay shakiga  ku yimi hawlgalkii NATO iyo USA, isla markaana wadamada qaarkood oo markii horeba diidanaa talaabadii ay NATO qaaday ayaa hada u arka in si siyaasiyan ah loogu badheedhay talaabooyin aan laga fiirsan oo aan shuruucda caalamagi ah waafaqsanayn, isla markaana aan ahayn go,aankii golaha amaanka laga ansixiyay.

Sidoo  kale waxa jira qaar ka mdi ah xulufada oo hada si uga caga jiidaya talaabada ku xigta duqayntii ee la qaadayo, balse dawladda Maraykanka oo iyadu hormood u ahayd duulaanka duqaynta iyo hawlagalka ayaa sheegtay inay taageero siinayso kooxaha mucaaridka, balse madaxweyne Obama ma cadayn taageeradu nooca ay noqnay. Laakiin waxa keliya ee uu si cad u sheegay in koox ka tirsan hay’adda  CIA  ee maraykanka  loo dirayo dhinaca mucaaridka Qadaafi si ay u caawiyaan, hase yeeshee waxa qorshahaa CIA-da loogu dirayo mucaaridka Libya ka dhashay dareen siyaasadeed dhinaca dalka Maraykanka gudihiisa iyo qaar ka mid ah xulufadaba, iyadoo hogaamiyaha NATO ganafka ku dhuftay qorshaha maraykanku hindisayo ee ah in hub la siiyo mucaaridka, taas oo u muuqata mid aanay aqbalayn Maraykanka iyo Britain,  waxayna warbaahinta maraykanku calaamatu su’aal saareen  sababta loogu dirayo mucaaridka Libya koox ka tirsan hay’adda CIA, iyadoo la ogyahay inay kooxda mucaaridka qadaafi ku jiraan  unugyo Al-Qaida iyo xisbul islaam ah. Waxay warbaahinta qaarkeed soo bandhigeen muuqaalo sawiro ay sheegeen inay ka mid yihiin kooxaha mucaaridka oo ay ku sifeeyeen inay leeyihiin astaamihii A-Qaida iyo Xisbul Islaam.

Wejigaba siyaasdeed ee waajahay xulufada NATO iyo USA ayaa fursad siiyay hogaamiyaha Mucamar Alqadaafi oo xoogaga ciidmadiisu Labadii Maamlood ee u danbeeyay qabsadeen magaalooyin mihiim ah oo hore mucaaridku u qabsadeen xiligii ay socotay duqaynta dhinaca cirka iyo Badda ee xulufada NATO , weriyayaasha warbaahinta reer galbeedka ayaa dagaaladii u danbeeyay ee ciidamada qadaafi ku tilmaamay kuwo dar dar qaba oo ay ka muuqato inay hayaan moral, kuwaas oo si isdaba joog ah u qabsady magaalooyin baddan oo mihiim ahaa, marka laga reebo Benghazi oo ahayd halkii ay koxaha mucaaridku kasoo bilaabmeen, balse ay hada u muuqdaan in ciidamada qadaafi ku ururinayaan mucaaridka magaalada ay markii hore kasoo fideen oo ay hada u jiraan 70km. kadib markii maanta laga caydhiyay mucaaridka magaalada Ajdabiya.  
Si kastaba ha haatee lama saadaalin karo sida ay xaaladu ku danbaynay, balse waxa hada muuqda astaamo yar yar oo muujinaya inay xulufadu qorshohoodii hore eek u wajahnaa Libya wax weyn ka bedelaan, waxaana muuqata inay cabsi weyn ku abuurtay  xulufada inay kooxaha Mayalka adage e ay sheegayaan ee k u jira mucaaridku gacanta ku dhigaan shidaalka dalka Libya, isla markaana uu  gacantooda galo hubka mihiimka ah ee dalkaa yaalay, isla markaana ay xaaladu ka darto Ciraaq iyo Afganistaan oo ay faraha ka baxdo.

Sharxada Hubka iyo saannada Awooda Milateri  Col Qadaafi,  Khariiradad  ku tusay goobaha ay duqeeyeen NATO iyo USA mudadii duqayntu socotay iyo khariirad ku tusay magaalooyinka dalka Libya.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *