Hargeysa(ANN)Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wefti uu hoggaaminayay oo socdaal shaqo muddo laba maalmood ah ugu  magaalada Dirirdhaba ee dalka Ethopia  ayaa galabta ku soo laabtay dalka.  markii ay kulamo la yeesheen wasiirka amniga ee dawlada Federaalka Ethopia  Madaxweynaha kililka shanaad ee Somalida  iyo saraakiil ka tirsan milatariga dalkaa. 
Kulanka Labada dhinac oo ka danbeeyay. Kadib markii carqalado iyo madmadaw soo kala dhexgalay wada shaqaynta iyo isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, Balse markaa kadib ku baaqeen in kulan deg deg ah laga yeesho arrintaa, taas oo ay wefdiga uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr.  Maxamed C/llaahi kulamadaasi ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee dhinaca nabadgelyada ee u dhaxeeya labada dal, isla markaana lagu kala saxeexday heshiis iskaashi oo amniga la xidhiidha sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha debada Somaliland.
Wasiirka waxa socdaalkan ku weheliyay Taliyaha ciidanka Booliska Maxamed Sanqadhi Dubad,Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Xirsi, masuuliyiin iyo diplomaasiyiin kale.
War-saxaafadeedka wasaarada arrimaha dibadu soo saartay waxa uu u dhignaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal Shaqo ku tegey dalka Ethiopia ayaa 30 june, 2011 dib ugu soo laabtay Dalka.
Waxay shir qaatay labo maalmood kula yeesheen magaalada Diridhaba masuuliyiin ka tirsan dawlada Federaalka ee Ethiopa. Waxaana Arrimihii shirka lagaga hadlay ugu waawaynaa arrimo la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dal oo isugu jiray dhinaca nabadgalyada, ganacsiga iyo socdaalka.
Socdaalkan waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Bilayska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Xirsi, masuuliyiin iyo diplomaasiyiin kale.
Dhinaca Ethiopa waxaa wada hadaladan uga qayb galay wefti oo hogaaminayo Mudane Tsegaye Berhe, oo ah Wasiirka Xagga amniga qaabilsan oo ka tirsan dawlada Ethiopia ayna weheleniyeen, Taliyaha Guud ee Beri iyo K/Beri ee Ciidanka Milatariga Ethiopia, Major General Abraha W/Mariam, Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Wakiilka Ethiopia u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfaye.
Gunaanadkii Shirka Waxay labada Dal ee Federaalka Ethiopia iyo Jamhuuriyada Somaliland soo saareen heshiis laba geesood ah oo nuxurkiisu ka turjumayo sida ay labada dalba diyaarka ugu yihiin sii adkaynta iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexeysa labada dal ee jaarka ah. Waxaana qodobada heshiiska laga gaadhay ka mid ah arrimo si gaar ah u taabanayay Ilaalinta nabadgalyada, isku socodka labada geesood iyo iskaashiga iyo wada shaqaynta hawl-wadeenada xadka ee labada dal.
Heshiiskan waxaa dhinaca Ethiopia u saxeexay Mudane Tsegaye Berhe oo ah wasiir ka tirsan Golaha Wasiirada ee Dawlada Federaalka qaabilsanna arrimaha nabadgalayad, isla markaana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ee dhinaca Nabadgalyada, halka dhinaca Soomalilandna uu heshiiskaasi u saxeexay Dr. Maxamed C/lahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Waxaa kale oo munaasibada saxeexa heshiiskaasi goob-joog ka ahaa Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Somalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal.”
Kulanka Labada dhinac oo ka danbeeyay. Kadib markii carqalado iyo madmadaw soo kala dhexgalay wada shaqaynta iyo isu socodka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia taas oo kahatar gelisay xidhiidhka labada dawladood markii ay ciidanka News Police ee ismaamulka Soomaalidu ku kaceen falal afduub ah oo ay ku sameeyeen saraakiil sirdoonka Somaliland ah iyo gaadiid sifo sharci ku galay dalkaa iyo laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo ay maalmihii lasoo dhaafay afduubeen, taas oo   gef ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana carqaladaysay xidhiidhka labada dhinac iyo isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha. Laakiin qoraalka laguma sheegin in lasoo daayay labadii Askari ee ka xidhnaa Somaliland iyo sidoo kale inay xukuumadda Somaliland sii deysay shan ka mid ah sirdoonka Somaliland oo sabab u ahaa khilaafkan, kuwaas  oo horaantii bishan ciidanka Somaliland xabsiga u taxaabeen. Kadib markii ay si sharcidaro ah usoo galeen gudaha Somaliland, iyagoo doonayay inay ka kaxaystaan Wajaale oo xadka ah dad muwaadiniin ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *