Burco(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa  sii deysay maxaabiis lagu qabtay dagaaladii u danbeeyay ee dhowaan ciidanka qaranka somaliland iyo malayshiyada SSC ee taageerada ka haystay maamulka budhacd-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe, ku dhexmaray duleedka Buuhoodle.

maxaabiistaa   oo lagu qabtay weeraro kala duwan oo ay kusoo qaadeen ciidamada qaranka eek u sugan Duleedka Buuhoodle.

Maxaabiistaa la sii daayay  oo tiradoodu ahayd 42 ayaa  caawa gaadhay magaalada Buuhoodle oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Kadib markii Wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Somaliland iyo xildhibaano deegaanka Buuhoodle kaga jira golayaasha Baarlamaanka Somaliland lagu wareejiyay, iyadoo laga qaaday xabsiyada Mandheera iyo Burco.

Sii deynta maxaabiistaa ayaa kusoo beegantay munaasibada balaadhan oo maanta ka dhacday deegaanka Kalshaale ee xudunta u ahaa dagaaladii dhowaan ka dhacay duleedka Buuhoodle, taas oo ujeedadeedu ahayd in la fuliyo amar kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland oo sheegayay in la aaso gebi ahaanba Berkeddihii muranka iyo khilaafka dagaalka horseeday ee kalshaale oo ahaa saddex bekeddood.

.Xafladii loo sameeyey aaska Berkeddahaa  ee maanta lagu qabtay deegaanka kalshaale, waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland sida  wasiiradda wasaaraddaha warfaafinta, gaashaan-dhigga iyo duulista hawada, afhayeenka madaxtooyada, xildhibaano iyo salaadiin kala duwan, balse dadka deegaanka Berkeddaha lahaa ee Qorilugud ayaan ka xaadirin munaasibadaa. 

Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Axmed Cali Cadami oo ka hadlay halkaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in la fuliyo amarkii madaxweynaha Somaliland  ee la xidhiidhay  in la aaso Berkeddaha,  isla markaana deegaanka Kalshaale laga dhigo dhul daaqsimeed.
Wasiirku wuxuu sheegay in  dagaalkii labada beelood ee walaalaha ah ee halkaasi wada dagaa uu ka bilaabmay saddex berkedood oo ay ku dhinteen dad badan oo qiimo lahaa, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray dadkii ku dhintay dagaaladii u dhexeeyey labada beelood.
Md. Cadami wuxuu u mahad celiyay beesha Qorilugud oo aqbashay go’aankii madaxweynaha ee lagu aasay berkadaha, waxaanu labada beeloodba u soo jeediyey  in wada hadal lagu soo afjaro colaadii ka taagan  deegaankaasi.
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in baabinta berkeddahu  ay bilow u noqon doonto nabadeynta labada beelood ee halkaa wada degan, waxaanu dhambaal tacsi ah u diray  qoysaskii labada beelood ee dadku kaga dhinteen iska hor imaadyadii deegaankaasi ka dhacay.
Md. Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu ugu baaqay waxgaradka beesha Buuhoodle oo uu ka dalbaday inay nabadda qaataan si loo soo afjaro colaadii deegaankaasi ka aloosnayd.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka qaybgalay hawsha nabadaynta ee lagu aasay Berkeddahaa oo waraysi la xidhiidha arrintaa siiyay  la’aanta Af-soomaaliga ee idaacadda VOA, waxa uu   yidhi,  “Waxaan u joognaa madaxweynaha Somaliland ayaa amar ku bixiyey in meeshii la isku haystay ee Kalshaale ee Berkeddaha laga qoday ee qolana lahayd yaan la qodin qolana   lahayd waanu qodaynaynaa ee dagaalku ka dhacay ayuu madaxweynuhu amar ku bixiyey in la aaso oo meeshu  xoolo daaqeen noqoto.Berkadihii waanu wada aasnay oo cagafyo ayaanu gelinay.”
Wasiirka oo la weydiiyey waxa xigi doona berkadaha la aasay wuxuu ku jawaabay “Talaabada xigtaa waa in dadkii la isku keeno oo la wada hadalsiiyo si nabaddii looga shaqeeyo.”
Xaabsade oo ka jawaabayay su’aal ahayd in dhul daaqsimeedku uu dhibaato  kale ka dhalan karto oo dadku ay daaqa isku qabsan maayaan, waxa uu yidhi “ Ma markii horeba waa la wada deganaa markaa daaqu waxba keeni maayo.”

Wasiirka oo la weydiiyey in dhinaca ka mid ah labada beelood ee isku hayay Kalshaale ee doonayo in ciidamada qaranka laga saaro deegaanka, waxa uu yidhi “Taasna waa laga heshiinayaa oo waa laga wada hadlayaa, waxaan qabaa in arrinta colaadaasi la soo gebogabayn doono.”

Sidoo kale afhayeenka madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir oo munaasibadaa ka  hadlay wuxuu sharaxaad ka bixiyey go’aankii madaxweynaha isagoo  yidhi, “ Go’aanka madaxweynuhu wuxuu ahaa go’aan xal ah, go’aanka sharciga ahi wuxuu ahaa kii ay gaadheen dadkii madax dhaqameedka ahaa, salaadiinta ahaa ee labada dhinacaba wada fadhiyeen nasiib darro go’aankii halkaasi laga soo saaray wuu fuli waayay. Madaxweynuhu isagoo nabadda xigsanaya oo tixgelinaya in dadka labada dhinacba ay yihiin dadkiisii wuxuu qaatay qaraar adag wuxuu qaatay qaraar ahaa in berkadaha la aaso, go’aankaasi inuu ahayn kii lagu dhexdhexaadiyey hase yeeshee, wuxuu ahaa mid madaxweynuhu qaatay.”
“Waxaanu u mahad naqaynaa beesha baraagahaasi laga aasay ee u hoggaansantay amar dawladda, iyagoo aan raali ba ku ahayn haddana aqbalay inay hoggaanka dawladda amarkiisa fuliyaan oo dawladnimada ixtiraamay, waxa loo baahan yahay in dhinaca kalena, nabad taageeraan oo waxgaradkoodu nabadda u soo jeedsadaan oo hooyooyinku u soo joogsadaan oo dhallinyaradda inta qoriga la wareegaysa ee meel kale ku xidhan ay wax u sheegaan,” ayuu yidhi afhayeenku.

Afhayeenka deegaanka Qorilugud Cali Dhimbiil Aadan, oo shir-jaraa’id ku qabtay degamadaa waxaanu yidhi “ Go’aanadda dawladda Somaliland ka soo baxay ee go’aan madaxweyne ahaa ee Kalshaale lagu aasay waa mid dawladeed laakiin ma aha go’aan beeshani leedahay, deegaankan la aasay wuxuu yahay deegaankii beeshayda shareecada islaamku u xukuntay hase yeeshee, lagaga aasay go’aan dawladeed, go’aanku haddii uu xal nabadeed yahay waanu raacsan nahay, waayo haddii go’aanka dawladda aan la raacin waxay noqonaysaa  dhibaato.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in aanay qaadanayn kharashkii madaxweynuhu sheegay in loo celinayo kharashkii ka galay berkedaha la aasay, balse ay taa diideen oo ay nabadda iyo go,aanka madaxweynaha ee Xukuumadda qaateen. Sidaana ku diideen kharashkii loo celin lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *