Cali SanduleHargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay siyaasadeeda ku waajahan hadhaaga kooxdii Khaatumo ee weli ku mashquulsan sidii ay qallalaase iyo

 

colaad uga abuuri lahaayeen deegamo ka mid ah bariga Somaliland, kuwaas opo Ciidanka Qaranka Somaliland eek u sugan aaggaga fadhiisimaha hore ka waaliyeen in ay cagta soo dhigaan deegaamadaa.

Xukuuumadda Somaliland waxay marar badan hore u shaacisay in kooxaha nabadiidka ah ee Khaatumo ay yihiin muwaaddiniin reer Somalilland ah, isla markaana xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin in tabashadooda la xalliyo, lagana qaybgeliyo talada dalka iyo nidaamka dawliga ah, balse xubnaha hadhaaga Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh ayaa dhegaha ka furaystay baaqyadaa, iyagoo u hanqal-taagaya siyaasado ujeedooyin aan midha dhal ahayn oo siqiirayi, isla markaana lid ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Hase yeeshe xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay baaqa siyaasadeeda ku waajahan kooxdaa. Sidaana wax aka dhawaajiyay Wasiirul-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Sandulle) oo saxaafadda ugu warramay maana magaalada Hargeysa, isagoo xusay inay xukuumad ahaan rajaynayaan in si dhaqso ah loo soo gebagebeeyo xallinta xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah degaannada Bari ee dalka, wuxuuna  xubnaha hadhaaga Khaatumo ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkooda u yimaaddaan, kalana qaybqaataan horumarka iyo xasilloonida.

 

“Farriinta aan Khaatumo u dirayo waxaan odhan lahaa Khaatumo waa dad reer Somaliland ah oo maaha dad meel kale ka yimi. Waxaan leeyahay kaalaya oo xukuumada iyo dawladaba gacanta nala geliya, dadkiiniina way ku jiraan, meel kale oo aad maanta tagaysaan amma talo kale u gaynaysaana ma jirto. Dad reer Somaliland ah ayaad tihiin oo tabashadiinana waa la oggolyahay, waxaanan qabaa in aannu tabashadooda diyaar u nahay hadda oo waxa la ii magacaabay ayeyba tahay, waanan xallinaynaa, waxaanan rajaynayaa in aannu arrintaas soo gebagebayno si dhaqso ah, waxaanan leeyahay dadkiina iyo dalkiina u kaalaya oo aan haggaajino,” ayuu yidhi  Cali Sandulle.

 

Wasiir-dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland, wuxuu xusay in ay xukuumad ahaan hore u sheegeen marar badan in aanay xabbad iyo colaad ahayn xal oo ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin mar walba wada-hadal iyo nabad in lagu dhameeyo wixii la tabanayo, isagoo yidhi, “Diyaar looma aha in xabbad iyo dhibaato wax lagu xalliyo, nabad ayaana diyaar loo yahay, isaguna nabadda ha ka qaybgalo, waana la soo dhawaynayaa cid kastooo nabad haysa, xabbadna cid ku degdegaysa iyo cid diyaar u ah ma jirto, annaguna diyaar umma nihin.”

Mar la weydiiyay wax aka jira warar sheegaya in Wasiirul-dawlihii hore ee Gobollada Bari Mr. Kayse Cabdi Yuusuf ku biiray kooxaha nabad-diidka ah ee hadhaaga Khaatumo, waxa uu sheegay in haddii wax tarayo Kooxdaa Keyse horeba u joogay, balse haddii ay sidaasi jirto aanay waxba yeelayn arrimaha nabada ee ay wadaan. Laakiin ay ceeb tahay in uu marna kuwaa u tago marna halkan yimaado oo marba dhinac u socdo, isagoo yidhi, “Haddii uu wax tarayo horena wuu u joogay, haddana halkii ayuu marna soo noqday marna sii noqday, wax macno lehna samayn mayso, isaga ayeyna ceeb iyo magac-xumo ku tahay  in isagoo wasiir ahaa uu haddana marba meel u cararo,” ayuu yidhi Wasiirul-dawluhaha Nabadaynta Gobolada Bari ee Somaliland Cali (Sandulle).

info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *