Addis ababa (ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ashkato ka dhan ah maamulka Killilka Shanaad u gudbisay dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya, sidoo kalena u bandhigtay cabasho la xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto in kooxaha hubaysan ee dagaalka

ka wada degaanka Buuhoodle ay taageero ka helaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay shalay isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa, waxa uu caddeeyey inay dawladda Itoobiya ka dalbadeen in ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida ee dalkeeda laga ilaaliyo xadka u dhexeeya labada waddan, isla markaana xuduudaha la keeno ciidammo ka socda dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya si wax looga qabto cabashooyinka dadka reer Somaliland ka tirsanayaan bilayska Killilka Shanaad.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya kulan kula yeesheen shalay masuuliyiinta ugu sarreeya amniga qaranka ee dalka Itoobiya, una gudbiyeen cabashooyin kala duwan oo la xidhiidha colaadda Buuhoodle iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka booliska Kililka 5aad ee Itoobiya ku hayaan bulshada Somaliland.
Wasiirka Khaarajiga oo faahfaahinayey arrimaha ugu muhiimsan ee ay kala hadleen masuuliyiinta sare ee dawladda Itoobiya waxa uu yidhi; “Kulan ballaadhan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya ayaannu la yeelanay masuuliyiinta amniga qaranka ee ugu sarreeya Itoobiya. Waxaannu u gudbinay oo kala hadalnay dareenno aannu ka qabno in maamulka Killilka Shanaad xidhiidh la leeyahay colaadaha kooxaha naba-ddiidka ah ka wadaan degaannada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle ee dalka Somaliland, markaa annaga oo tixraacaynay heshiishkii nabadgelyo ee labada dal ka dhexeeyey ee bishii shanaad ee sannadkii 2011 lagu saxeexay magaalada Diridhaba ayaannu dawladda Itoobiya kala hadalnay colaadaha ka socda degaanka Buuhoodle, iyadoo shirkaasna uu ka qaybgalay wasiirka dhinaca amniga u qaabilsan dawladda Federaalka Itoobiya oo heshiishkii Diridhabana dhinaca Itoobiya u saxeexay, waxaanuna ka wadahalnay sidii Somaliland iyo Itoobiya gacan midaysan uga yeelan lahaayeen kooxaha hubaysan ee nabadgelyo-darrada ka wada Buuhoodle, annagoo aaminsan in kooxahaas hubaysani taageero iyo gacan-saarba ka helayaan masuuliyiin iyo madax ka tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaanuna dawladda Itoobiya ka dalbanay inay arrintaas baadho oo wax ka qabato, sidoo kalena gacan naga siiso sidii bcolaaddaas loo soo afjari lahaa.
Waxa kaloo aannu dawladda Itoobiya ka codsanay in ciidammada Federaalka la keeno deegaannada xadka u dhexeeya labada dal oo meesha laga qaado ciidammada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, annaga oo sheegay in dadka shacabka ee reer Somaliland cabasho badan ka muujiyeen ciidanka Killilka Shanaad ee Itoobiya, markaa waxaannu dalbanay in xadka la keenno ciidanka Federaalka Itoobiya oo lanaga ilaaliyo ciidanka Liyuu Booliska Killilka Shanaad oo cabasho badan dadku ka muujiyeen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la weydiiyey nuxurka jawaabta dawladda Itoobiya ka siiyey qodobadda ay kala hadleen, waxa uu yidhi; “Dawladda Federaalka Itoobiya waxay noo sheegtay in aanay habayaraatee waxba ka ogayn wax xidhiidho ah oo maamulka Killilka Shanaad la leeyahay kooxaha nabad-diidka ee colaadaha ka wada degaannada Buuhoodle, waxayna noo caddeeyeen inay baadhitaanno rasmi ah ku samayn doonaan waxyaabaha aannu u gudbinay, isla markaana tallaabo cad ka qaadi doonaan hadday caddaato in cid Itoobiya ka tirsani ku hawlan tahay falal waxyeeli kara xasilloonida Somaliland, iyada oo la dhawrayo heshiishkii dhinaca iskaashiga nabadda ee labada dal ku dhexmaray magaalada Diridhaba sannadkii 2011.
Waxa kaloo dawladda Itoobiya noo sheegtay in aanay marnaba oggolaanayn wixii wax u dhimaya nabadgelyada Somaliland iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal, qodobaddii aannu kala hadlaynayna si fiican baannu isula fahamnay.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda ka jawaabayey su’aal ku saabsan inay jiraan masuuliyiin shisheeye oo ay Addis Ababa kula kulmeen, waxa uu yidhi; “Muddadii aanu Addis Ababa joognay waxaannu kulamo la yeelanay madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Britain Henry Bellingham, Wasiirka Horumarinka Caalamiga ah ee Ingiriiska Andrew Mitchell, madaxweynihii hore ee dalka Laybeeriya oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee dalka Ghana oo ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Moses Wetangula, masuuliyiin ka tirsan dawladda Masar iyo madax kala duwan oo ka qaybgelaya shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaanan madaxdaas kala hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, annagoo u sharraxnay guulaha dimuqraadiyadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland ku tallaabsatay.”
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda la weydiiyey xaaladda Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Jeneral Maxamed Saqadhi Dubbad oo xaalad caafimaad-darro loo geeyey magaalada Addis Ababa, waxa uu ku jawaabay; “Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxaannu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad-qab buuxa siiyo. Taliyaha xaalad caafimaad ayaa loo keenay Addis Ababa, welina arrimihii caafimaadka ayaa u socda, markaa Ilaahay baannu caafimaad buuxa u weydiinaynaa, haddana xaaladdiisu way fiican tahay.”
Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay dalka Itoobiya, ayaa la filayaa inay Salaasada maanta ama Arbacada berri dalka ku soo laabtaa
Xigasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *