S Brtain heshiisHargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis la gashay dawlada Britain, kaas oo wax ka taraya dhinacyada amaanka labada dal iyo xidhiidhka

 

wada shaqaynta. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa shalay si rasmi ah ugu kala saxeexday  heshiiskaa xarunta  dalka Ethiopia  ee Adis-ababa. heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Xuseen Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalka Ethiopia, ayaa goob joog ka ahaa heshiiskaa oo khuseeya Hay’addaha amaanka iyo Laanta socdaalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa heshiiskaa kadib sheegay  inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Britain  hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse waxa uu xusay  in hada wixii ka danbeeya  ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi,  “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur

shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho”

Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarun cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur”. Ayuu yidhi.
Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka uu qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.

Mar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay  inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somaliland,  isagoo  yidhi, “Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loogu eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana hada bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *