Hargeysa(ANN)Golaha wasiirada uu Madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo magcaabay oo noqonay xukuumadii ugu tirada yarayd ee soo marta Somaliland, tan iyo cahdigii  Madaxweyne Cigaal, isla markaana xukuumadan ayaa u muuqata mid si weyn ay uga dhex muuqdaan dad aqoonyahan, ganacsato iyo culimo, isla markaana xubnaha ay ka kooban tahay ayaa inta badan aan ku jirin saaxada siyaada. Sidaa awgeed xukuumada

cusub ee Madaxweyne Siilaanyo oo sida ka muuqata aan lagu qaybin Beelo ayay dad badani ku mashquuleen deegaamada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan.
Sababtaa awgeed ayaanu Deemaada ay kasoo kala jeedaan iyo Beelaha ay ku abtirsadaan ugu soo gudbinay halkan, iyadoo aanay ujeedudu ahayn inay xubnahani yihiin kuwo metelaya Beelaha iyo Deegaamada ay kasoo jeedaan, balse ay yihiin masuuliyiin qaran oo Beelaha iyo deegaamada oo dhan metela.
Xubnaha golaha Wasiiradda ee Madaxweynuhu  ku dhawaaqay oo kala badh ku jirin saaxada siyaasada, isla markaana aanay ka mid ahayn xisbiga Kulmiye iyo xisbiyo kale toona, halka qaybta kale ee xukumadu kasoo jeedaan xisbiga, kuwaas oo noqonaya sidan;- 
 
Magacyada Wasiirada, Beelaha iyo gobollada ay ka soo kala jeedaan
 
Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah; Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa/Gabiley
 
 Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, Garxajis/H Yoonis/ Togdheer
 
Wasaaradda Maaliyadda; Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa
 
 
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta; Dr. Sacad Cali Shire, H/Awal/ Ciise Muuse/ Saaxil/ Togdheer
 
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Xuseen Axmed Caydiid, Arab/ Hargeysa/ Balligubadle
 
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Samsam Cabdi Aadan, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa
 
Wasaaradda Caafimaadka; Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), Garxajis/ Ciidagale/ Hargeysa
Wasaaradda Gaashaandhigga; Axmed X. Cali Cadami, Harti/ Warsangeli/ Sanaag-Bari
 
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska; Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Harti/ Dhulbahante/ Sool
 
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga; Dr. Axmed Xaashi Oday, H/Awal/Sacad Muuse – Hargeysa

 

 
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Harti/Dhulbahante/ Sool
 
Wasaradda Caddaaladda iyo Garsoorka; Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Samaroon/ Dilla/ Awdal
 
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta; Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Arab/ Balli-gubadle/ Hargeysa
 
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Ilhaan Maxamed Jaamac, Habar-jeclo/ Sanaag
 
Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Garxajis/ Habaryoonis/ Togdheer.
 
Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta; Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, Habarjeclo/ Togdheer.
 
Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalliyarada iyo Dhaqanka; Maxamed Xaashi Madar, Ciise/ Awdal/ Saylac.
 
Wasaaradda Beeraha; Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Samaroon/ Awdal/ Boorama.
 
Wasaaradda Duulista iyo Hawada; Maxamuud Xaashi Cabdi, Habar-jeclo/ Sool/ Togdheer.
 
Wasaaradda Warfaafinta; Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Garxajis/ Habar-yoonis// Isaxaaq/ Hargeysa.
 
Wasiir-ku-xigeenada
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare; Cali Xaamud Jibriil, Samaroon/ Boorame/ Awdal.
 
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda; Maxamed Yoonis Cawaale, Arab/ Balligubadle /Hargeysa.
 
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Cismaan Garaad Soofe, Harti/ Dhulbahante/ Sool.
 
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Cali Cabdi Saa’iq, Gabooye/ Tumaal/ Hargeysa.
 
Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda; Warsame Siciid Cabdi, Garxajis/ Habaryoonis/ Sanaag.
 
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka; Nimco Xuseen Qowdhan, Garxajis/ Habaryoonis/ Hargeysa.
 
gobollada
 
Hargeysa 10
Togdheer  5
Awdal        4
Sanaag     3
Sool          3
Saaxil        1
 Total        26
 
 
Beelaha
Habar Awal   5
Garxajis        6
Habarjeclo    3
Samaroon     3
Harti              4
Arab              3
Ciise             1
Gabooye       1
Total             26
 
 
Isaaq  17 wasiir
Beelaha kale 9 wasiir.

Tiradaas oo ah kala badh golaha wasiirada cusub, kuwaas oo 13 ka mid ah laga soo dhex xulay gudaha xisbiga KULMIYE, iyadoo la eegayo aqoontooda iyo kartidooda halka 13ka kalena oo ah aqoonayahno xisbiga debediisa  laga keenay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *