RooboowBaraawe(Arraweelo News) Hawlgalka Xarakada Al-Shbabaab ee Guutada Amniyaadka ee hoostaga Amiirka Axmed Cabdi Godane, ayaa weerar ay ku qaadeen todobaadkan degmada Baraawe , waxay howlgalkaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac

 

gacanta ku dhigeen saraakiisha ugu saraysa kooxdaa qaarkood,  hawlgalkaa oo sida xoggaha la xidhiidhaa sheegayaan  lagu bartilmaameedsaday  saraakiisha sare ee Al-shabaab garabka Xasan Daahir, Ibraahin Afgaani iyo rag kale goobaha ay ka deganaayeen magaalada Baraawe.

Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa isagoo wata saraakiil kale u firxaday dhinaca Cadaaddo ee gobolada dhexe, balse Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Abuu Bakar Zeylici) oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab, ayaa sida wararka qaar sheegayaan gacanta lagu dhigay isaga iyo xubno kale  oo ay ka mid yihiin nin lagu magcaabo Zubeyr Muhaajir oo ahaa madaxii maxkamddii dhexdhexaadinta Al-Shabaab.

Sidoo kale Abuu Yuusuf Al-Muhaajir oo ka mid ahaa saraakiisha aan Soomaalida aheyn ee ka barbar dagaallanta Al-Shabaab, dhawaana qoray qoraal uu wax badan kaga ifiyey waxa ka dhex jira Al-Shabaab, Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan, oo mar ahaa maxadii dacwada ee xarakada Al-Shabaab, Sh. Samatar oo mar ahaa madaxii Caafimaadka ee Al-Shabaab.

Waxaana soo baxay warar qaar sheegaya Geerida xubnahaa  oo gacanta u galay kooxda Amniyaadka ee weerarka soo qaaday oo bartilmaameedkooda u weyni ahaa in gacanta lagu dhigo saraakiisha waaweyn, balse dagaal saacado qaatay kadib ilaaladoodu noqdeen wax dhintay iyo wax Is dhiiba, kuwaas oo si dhab ah loo ogayn geeri iyo nolol, balse wararka qaar sheegayaan in raggaa qaarkood la khaarajiyay.

Waxaa kale oo jira rag howlgalkii Baraawe lagu qabqabtay, kuwaas oo halka ay ku dambeeyeen geeri iyo nolol leysku khilaafsan yahay, waxaana ka mid ahaa sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay dadka deegaanka iyo kuwa u dhuun daloola arrimaha Al-shabaab in  dhawr sarkaal oo ay ka mid yihiin nin lagu magcaabo Xikmatyaar Al Hargeysaawi, C/rashiid Abuu Yoonis Al-Gadaawi oo ahaa Madaxii dacwada iyo C/llaahi Nadiir aan war loo hayn halka ay ku danbeeyeen kadib markii lagu qabtay dagaalkaa ka dhacay Baraawe.

Sidoo kale oo lagu raad joogo, kuwaas oo Amiirka Al-shabaab Axmed Goddane (Abu subayr) amar ku bixiyay in lasoo qabto meel kasta oo ay joogaan, waxaana xubnaaha ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aways oo firxad ku galay Cadaaddo , Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) iyo Cumar Xamaami (Abuu Mansuur Al-Amriki)  iyo Zubeyr Al-muhajir oo sadexduba ka mid ahaa ragii mucaaradka ku ahaa hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Goddane.

Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in Muqtaar Rooboow oo ku sugan duleedka deegaanka Baydhabo isu dhiibay Maamulka Baydhabo, balse waxa jira warar kale oo beeninaya sida laga soo xigtay maamulka Baydhabo ee dawlada Federaalka.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ibraahin Afgaani dhaawac kasoo gaadhay Caloosha iyo Lugaha kadib dagaalkii ka dhacay Baraawe  loo qaaday dhinaca Diinsoor, halkaas oo looga sii gudbiyay dhinaca Bu’aale oo ka mid ah deegaamada kooxda Amiirka Al-shabaab gacanta ku hayso, balse warar kale ayaa sheegaya in Afgaani uu dhintay kadib dhaawac kasoo gaadhay Lugaha iyo Caloosha, isla markaana lagu dawaynayo meel u dhinaca magalada Bu’aale, balse ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya dhimashada Afgaani iyo halka uu ku danbeeyay.

Ma jiro war arrimahaa la xidhiidha oo xarakada Al-shabaab kasoo baxay, kaas oo beeninaya ama rumaynaya dhimashada Ibraahin Afgaani iyo dhawr nin oo kale, kuwaas oo gacanta lagu dhigay kadib hawlgal lagu weeraray guryihii ay deganaayeen ee Magaalada Baraawe.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *