Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha siyaasada ee xisbigia mucaaridka UDUB ee  dhawaan doorashadii madaxtooyada lagaga guulaystay Cumar Jaamac Faarax ayaa sheegay in xukuumada cusubi ay u gaadhsanayso siyaasiyiinta xisbigooda, isagoo sheegay  in maalmihii ugu dambeeyay ay si sharciga baal marsan u qabqabanaysay masuuliyiin ka tirsan xisbigooda.

 
Guddoomiyuhu waxa uu sidaa ku sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka shebekada Araweelonews  ee Magaalada Hargeysa.
 
Mr. Cumar wuxuuna qoraalka uu kaga hadlayo arrimahaa ku yidhi,  sidan “Maanta abaaro 10:00  Subaxnimo ee manta xabsiga loo taxaabay guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga UDUB Mudane Cabdicasiis Xuseen Raage.
 
Ma jrin haba yaraatee wax sharci ah oo loo raacay xadhiga masuulka Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal iyo wax ruqsad ah oo loo weydiistay maxkamad xalaalaysa xadhiga masuulkaas.  Waxa gacantiisa ku fulieyey amarkan Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo isagu ku soo qaatay gaadhigiisa isagoo u adeegsaday ilaaladiisa oo u taxaabay Xabsiga kuna soo xidhay Saldhig dhexe ee Magaalada Boorama.
 
Waxa isna hore loo xidhay shalay Mohamed Axmed Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga ee Degmada Boorama, Waxana la sii daayay ka dib  markuu xidhnaa 26 saacadood.
 
Mar aan la xidhiidhay maanta Guddoomiyaha Degmada ee Xisbiga UDUb waxu ii sheegay inaad moodo inay jabhadi qabsatay magaalada oo nalaga aar gudanayso. Waxu intaa igu daray in la abuurayo cadaawad iyo colaad loo hayo taagerayaasha Xisbiga UDUB ee Gobolka, waxanuna u aragnaa ayuu yidhi kicin dadweyne.
 
Waxanu ka codsanaynaa hay’adaha sharciga ee dalka inay xorriyadiisa u soo celiyaan masuulka Xisbiga  Mr ; Cabdicasiis Xuseen Raage.  Caga juglaynta iyo xadhiga joogtada ahna laga daayo xubnaha Xisbiga ee Gobolka Awdal.
 
Waxanu ugu baaqaynaa taageerayaasha Xisbiga ee Gobolka Awdal inay muujiyaan xasilooni iyo degaanaansho inta arrintan xal laga gaadhayo.” Ayuu kusoo gunaanaday qoraalkiisa, waa markii ugu horaysay ee ay xisbiga UDUB oo sideedii sanadood ee ugu danbeeyay gacanta ku hayay xukunka, balse lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010 ay  muujiyaan cabasho noocan ah.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *