Hargeya(ANN)Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa muujiyay jaah wareer iyo kooxaysi ka taagan Xisbiga UDUB, isagoo  soo qaatay   guddoomiyihii siyaasada ee xisbiga UDUB, oo uu cadeeyay in

 loo gudbin doono gudida anshaxa. kadib markii uu dheeleecayay Wasiirkii hore ee Maaliyada oo uu ku tilmaamay inuu sabab u ahaa guuldaradii soo waajahday xisbigooda.
 
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ayaa ka dayriyay dhismaha iyo jiritaanka xisbigii UDUB oo uu sheegay in dib u habayn lagu samayn doono dhowaan  xisbiga,  si uu ula tartamo dhigiisa kale ah, sidaa awgeed  ay lagama maarmaan tahay in ninkii wax gashanayana looga baahan yahay inuu qaadhaanka bixiyo.
 
Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, ka dib markii ay isugu yimaadeen shir ay kaga arrinsanayeen aayaha dambe ee xisbiga oo ka dhacay huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa.
 
 
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan,  “Ninka maanta ku hadlaya inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa xisbigu shirwaynihii ku doortay, anagu waxay mudadii ku egtahay in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo ilaa lagu ansixiyo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan.
 
Taana waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (shalay) shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo, gudida anshax marintana loo gudbiyo.”
 
Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi,   “Waxaan bahwaynta xisbiga UDUB u sheegayaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay golaha dhexe iyo haddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga yaabaa in aanay bari joogin, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si uu u doorto hogaamiyayaal cusub.
 
Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii meesha yimaada waa ku meel gaadh, markaa waxaan leeyahay ninkii shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha shaqeeyo hana sugo shirwaynaha dambe.”
 
Kulanka uu hogaaminayay  Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB oo uu goob joog ka haa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaale  ayaa daba socday warsaxaafadeed uu shalay guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar jaamac Faarax ku sheegay in eeda guul daradii xisbigooda ka soo gaadhay doorashadii madaxtooyada uu sabab u ahaa  wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cali Ducaale oo musuq-maasuq iyo lunsi hanta umadeed lagu eedeeyay, isla markaana aanay Ha’yadaha baadhistu weli soo bandhigin talaabooyin ay dhowaan doonayeen inay ku baadhaan dhawr masuul oo uu ka mid yahay, balse uu wasiirkii hore ee maaliyadu ku tilmaamay baadhitaankaa mid aargaaso siyaasadeed ah.
Dhinaca kale waxa muuqda khilaaf hoose oo waqtigan kasoo dhex baxaya  kala qaybsanaanta iyo kooxaha firqooyinka uu xisbigii UDUB u kala fadhiyo, iyadoo ay kooxaha qaarkood doonayaan inay meesha ka baxaan xubnaha masuuliyiinta wasiiradda ka ahaa xukuumaddii hore xiligii ay talada hayeen xisbiga UDUB, iyadoo ay xubaha dhinaca kalena doonayaan inay la wareegaan hogaanka Xisbiga, waxaana jira guddiyo kala duwan oo xiliyo kala duwan la magcaabay, kuwaas oo ay ku kala qaybsan yihiin dhinacyada iyo firqooyinka xisbga UDUB ee waqtigan.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *