Hargeysa(ANN)Xarunta Baadhsita Denbiyada Somaliland ee loo yaqaan CID, ayaa looga yeedhay taliye xigeenka Booliska Somaliland C/raxmaan Liibaan (Fooxle). kadib markii uu dalka kusoo laabtay, isagoo ka mid ahaa wefdi Wasiirka arrimaha gudaha u raacay dhowaan dalka Britain.

Yeedhsita Taliye Xigeenka Booliska ee xarunta CID-da, ayaa lala xidhiidhay inay qayb ka tahay  baadhista kiiska ay u xidhan yihiin Badhasaabkii hore ee Maroodi-jeex Agaasimhii Dib u dejinta iyo La taliyihii Madaxweyne xigeenka Somaliland oo xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay March 10, 2012. Kadib markii laga xayuubiyay xilalkii ay hayeen, iyadoo lagu eedeeyay inay sameeyeen musuq-maasuq ay ku leexsadeen Raashin macaawimo ah oo loo waday dad danyar ah.
Hase yeeshee taliye xigeenka Booliska Somaliland C/raxmaan Fooxle oo Telefishanka Horn Cable  wax ka weydiiyay sababta loogu yeedhay iyo waxa ka jira wararka isa soo taraya tan iyo markii fadeexadaha musuq-maasuq soo baxeen  ee sheegaya inuu lug ku leeyahay Taliye xigeenku kiiskaa musuq-maasuqa oo wax lag weydiinayay, waxa uu isagoo taa ka jawaabaya yidhi, “Aniga CID-da laygama yeedhi karo, waxan u tegey inaanu kiiskaa isku soo dubaridno oo aanu 24 saacadood kusoo dhamaystiro”
C/ramaan Fooxle oo la weydiiyay eedaha lala xidhiidhay inuu lug ku leeyahay msuq-maasuqa raashinka caawimada ah, waxa uu sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn, isagoo yidhi, “anaga Booliska wax lug ah kuma lihin, laba jeer ayaa la raray raashinka markii uu gacantayada ka baxay waxba ma dhicin oo sarkaalkaa ayaan hawshan u diray, ayuu yidhi isagoo farta ku fiiqaya sarkaal Booliska ka tirsan oo garab fadhiya.
Arrintan ayaa kusoo beeganatay kadib markii maxkamadda gobolka Hargeysa qoraal amar ah oo ay kaga dalbayso Qaybta CID, doraad u dirtay, iyadoo ka dalbatay kiiska Raashinka ee musuq-maasuqa iyo Kiiska Boqor Cismaan Buurmadaw inay mudo todobaad gudihii ah ku keenaan wixii eedo ah ee loo haysto.
Dhinaca kale laba ka hor ayaa xarunta C.I.D-da looga yeedhay Masuuliyiin ay ka mid tahay Maareeyaha xafiiska sama-falka madaxtoyada Aamina Maxamuud Diiriye, si wax looga weydiiyo raashinka la Musuq-maasuqay, balse sida ay warar xog-ogaal ah oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay, waxa waxa la joojiyay in  haweenaydaa su’aalo ay weydiiyaan CID-du. Kadib markii iyadoo ay socdaan su’aalihii wax lagaga weydiinayay arrintaa iyo doorkeeda amar kaga yimi dhinaca madaxtooyada oo telefoon ah lagu joojiyay.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *