Gebilay(ANN) Xaalladda  Haweenka ku jira xabsiga Gebilay, ayaa laga dayriyay. Kadib markii dersin haween ah oo  ka mid ahaa ku dhowaad konton Haweenka ku jira xabsigaa lasoo daayay, kuwaas oo kusoo baxay cafis uu fidiyay Madaxweynaha Somaliland

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhawr todobaad ka hor.
Qaar ka mid ah Haweenka kasoo baxay xabsiga, ayaa u sheegay Carraale M. jama oo ah weriye ka tirsan shebekadada Araweelonews oo la kulmay todobaadkan inay xaalada nololeed iyo caafimaad ee haweenka ku jira xabsiga ay liidato, isla markaana ay haweenkaasi la kulmaan dhibaatooyin dhinaca daryeelka , Nolosha iyo  caafimaadka oo ay haysato daryeel la’aan, taas  oo khilaafsan shuruucda dalka ee maxaabiista iyo kuwa caalamigaba.
“Canab Guure waa Hooyo xabsiga ku dhashay, waxay haystaa ilamayar oo sanad iyo dhawr bilood jiray, waxa laga soo xidhay dhinaca Wajaale, waxay awoodi weyday inay kacdo nafaqa daro darteed, mana arkaan haweenka ku jira xabsigaasi dhakhtar, waxay ku jiraan sadex qof oo yar yar, waxayna u rasaysan yihiin sida raashinka. Sadexda waqti waxa la siiya  subaxdii xabad Roodhi ah iyo Shaah, waana ta ugu fiican, Duhurkii waxa la siiya Malgacad bariis ah oo cad, habeenkiina Malagacad garaw ah, mana aanu arag mudadii aanu xabsigaa ku jiray maalin keliya Hilib, waxaana Xoolaha xabsiga loogu tala galay ee lagu caawiyo, ama ay Haya’dduhu siiyaan iska maamusha oo dhaqda masuulka xabsiga oo lagu magcaabo Diiriye, kaas oo Garawga maxaabiistana  ku quudiya xoolahaa oo ku xereysan xabsiga dhexdiisa.” Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah haweenka kasoo baxay xabsiga oo ka gaabsaday in la baahiyo magacooda sababo cabsi awgeed.
Sidoo kale waxay sheegeen warbixinaha laga bixiyay xabsiga in haweenka xabsiga ku qoran ee Askarta ahi yihiin 21 Dumar ah, balse 6 ka mid ah keliya ka hawlgalaan, “ way adagtahay inuu qofku sanado, ama xataa bilo ku noolaado, malgacad bariis ah iyo xabad roodhi ah, wuxuuna u dhimanayaa nafaqa daro, mana loo ogola inay dhakhtar arkaan, waxay u kala gogol wweyn yihiin dumarka ku xabsigu siday u kala lacag baddan yihiin, waxayna dhakhtar ula kulmi karaan siday u kala lacag baddan yihiin. Haddii ay laba ka mid ah dumarka Maxaabiista ahi is khilaafaan, waxa laysugu  saaraa debeda, waxayna haweenka askarta ah ee xabsiga haystaa diaan  oo garaacaan labadaa dumarka ah ta laga adkaado. Waana arrin aad u foolxun.” Ayay yidhaahdeen xoggaha warbixinta dumarkaasi.
Waxa kale oo ay sheegeen inaan wixii cabasho ah ee ay haweenka maxaabiista ahi qabaan loo gudbin, tusaale ahaan ayay yidhaahdeen “Xamda Maxamed , waa gabdh haysta wiilyar oo jiray sagaal bilood, waaxay ku dhashay xabsiga, Aamina Cali oo Hooyo u ah Xamdana, waxay kula jirtaa xabsiga, waxaana ka dhamaaday xukunkii. Laakiin waxa loo hasyataa ganaax dhawr milayan oo Somaliland ah, dhawr goor ayaanu isku daynay inaanu xaaladooda ka hadalno, anagoo ilawsan taayada. Laakiin waxa diiday inay gudbiyaan cabashadooda haweenayda xabsiga haysata. Sidaa dareteed waad qiyaasi kartaa dadka maatada ah ee noocaa ah ee ubadka yar yar haysta iyo nolosha ay ku noolyihiin.”
Xabsiga Magaalada Gebilay ee Haweenka maaha markii u horaysay ee laga dayriyo xaaladiisaa iyo habdhaqanka haweenka maamula ay ula dhaqmaan maxaabiista, balse dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa ka jiray cabashooyin  soo taxnaa ilaa xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan, waxaana  dhamaadkii Sep  2011, ku geeritootay xabsiga Gebilay  marxuumad Sahra Biixi Shire, taas oo dayac iyo darxumo u dhimatay. Kadib markii xaalad nafaqadaro soo waajahday,  isla markaana ay eheladeedu ku warheleen markii la aasay kadib. Sidoo  kale badhatmihii 2010, waxa  ku geeriyootay xabsiga,   iyadoo katiinadaysan Maxruumad Ilaahan oo  ka mid ahayd koox dad ah oo gudidii nabadgelyada ee xukuumaddii Maxadweyne Rayaale xabsiga u taxaabeen xiliggaa.
Haweenayda maamusha xabsiga Gebilay  oo lagu magcaabo Fadxiya Xaaji Cumar, ayaanu  khadka isgaashiinta kula xidhiidhnay, iyadoo joogta Gebilay,  si aanu wax uga  weydiino  eedaha loo jeediyay ee la xidhiidha qaabka ay u maamusho xabsiga qaybta haweenka, maadaama ay si gaara warbixintu u khusayso masuuliyadeeda. Laakiin waxay ku diooday inaany waxba ka odhanayn oo aanayn khusayn  sidoo kale  taliye xigeenka xabsiga oo lagu magcaabo Caydaruus, ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino , kaas oo ah masuulka labaad ee  lala xidhiidhiyay eedaha qaarkood. Laakiin nooma suurta gelin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *