Hargeysa (Arraweelo News) Xog-ururin ballaadhan oo lagu sameeyey xaalladaha nololleed ee ay ku sugan yihiin Haweenka iyo Carruurta Somaliland ayaa iftiimisay dhibaatooyinka dhinacyada Caafimaadka, Waxbarshada duruufaha

ku xeeran haweenka iyo dhalaanka Somaliland.

Xog-ururintan oo ay samaysay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland oo kaashanaysa ururka ANPPCAN iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF oo iyadu dunida ka samaysa mashruucyada noocan oo kale ah  oo lagu magcaabo ururinta tilmaamaha kala duwan (Multiple Indicator Cluster Survey), si loo helo xogta xaaladaha ay ku sugan yihiin carruurta iyo dumarku, taas oo dalka laga fuliyey sannadkii 2011-kii iyadoo la adeegsanayo nidaamka metelaada qayb ka mid ah bulshada oo lagu waraysanayey guri, ama qoys ahaan.

Sidoo kalena xogta warbixintu xanbaarsantahay guud ahaan laga ururiyay gobollada dalka miyi iyo magaalaba, waxa lagu bartilmaameedsaday qodobo ay ka mid yihiin nolosha carruurta iyo dumarka, nafaqayntooda, caafimaadkooda, heerarkooda waxbarasho, fursadaha ay u helaan biyo nadiif ah, badbaadada ama ilaalintoodaba iyo arrimo kale.

Natiijada xogtan oo diyaarinteedu waqti dheer  qaadatay ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo dabayaaqada bishan June ee sanadkan, balse waxa  si hordhac ah loogu soo bandhigay tababar nuxurkiisu ahaa in lagu baro  suxufiyiinta qaabka xog ururinta sidan oo kale ah loo sameeyo, iyadoo ay kulankaa ka qaybgaleen suxufiyiin  ka kala tirsan hay’addaha warbaahinta waddaniga ah ee dalka oo lagu qabtay todobaadkan  Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Nuxurka warbixinta halkaasi lagu shaaciyey oo ku saabsan xogtaa ayaa lagu sheegay  in saqiirka carruurta yar-yari ay aad u sarrayso Somaliland, iyadoo sannadka kowaad ee u horreeya tirada 1000  caruura ah ee Somaliland ay dhintaan 72, halka 1000 kasta ee da’doodu ka yar tahay shan sanno ay geeriyoodaan 91. Sidoo kalena nidaamyada nafaqaynta carruurtu aad u liidato Somaliland saddexdii meeloodba hal meel carruurta u dhaxaysa 6 ilaa 8 bilood ay helaan oo keliya nafaqaynta habboon, isla markaana shantii caruuraba mid keliya uu helo Vitamin A lixda bilood ee u horreeya dhalashada.

Dhinaca waxbarashada carruurta waxay warbixintu tilmaantay in heerka carruurnimo ee ku biirida dugsiyadu uu aad u hooseeyo oo 3% keliya ay da’da carruurnimo ku galaan waxbarashada, isla markaana 14-kii carruur ahba uu mid keliya soo maro waxbarasho kaabta ka hor dugsiga, iyadoo shantii carruur ahba laba iyo ka badani ay bilaa aqoon yihiin.

Haseyeeshee, xogtani waxay tilmaan fiican ka bixisay heerka waxbarashada ee hablaha oo sare u socda, waxaanna lagu sheegay in tobankii wiilba ay wax la bartaan sagaal hablood dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, halka dugsiyada sare tobankii wiilba ay habluhuna yihiin toddoba.

Xagga ilaalinta carruurta waxa lagu sheegay inay Somaliland ku hoosayso oo tusaale ahaan afartii carruur ahba mid ka mid ahi uu qabto shaqo ka wayn ama aannu qaban karin, sidoo kalena inta badan carruurta tiro lagu qiyaasay 78% ay la kulmaan xilliga barbaarinta ficillo garaacid ah, taas oo macnaheedu yahay in mid ka mid ah saddexdii ubad ahba la gaadhsiiyo jidhkiisa nabarro.

Waxa kale oo xogtu ka hadashay heerka caafimaadka carruurta Somaliland, gaar ahaan dhinaca tallaalada kala duwan inuu yahay mid hooseeya oo qiyaastiisu tahay in 7.4% keliya ay helaan tallaal dhammaystiran.

Dhinaca kale, natiijada xog-ururintani waxay ka hadashay xaaladaha kala duwan ee la xidhiidha noloshada haweenka Somaliland sida caafimaadka in xilliga dhalmada 32% dumarka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 ee laba jeer dhalay ka hor xog-ururintan ay ku dhaleen goob caafimaad oo weliba hal mar uu ka umuliyey dhakhtar aqoon u leh, taas oo macnaheedu yahay in saddexdii dumar ahba mid keliya ay goob caafimaad ku umusho.

Sidoo kale, waxay warbixintu xustay in mid ka mid ah tobankii dumar ahba la guursado inta ka horreysay da’da 15 jirka, halka 99% dumarka da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 lagu sameeyey gudniinka fircooniga, sidoo kalena 79% hablaha da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 14 sanno jir xilliga xogta la qaadayey la marsiiyey gudniinkan.

Haseyeeshee, inta badan dumarka la waraystay oo ah 70% waxay sheegeen in aanay doonayn sii wadida caadada gudniinka fircooniga ah.

Ugu dambayntii warbixintu waxay soo bandhigtay aragtida dumarku ka qabaan cudurka HIV/AIDS-ka oo ay natiijadeedu noqotay in 13-kii dumar ahba mid keliya ay aaminsan tahay in aan la takoorin dadka la nool xannuunkan, halka saddexdii dumarba ah mid ka mid ahi si sax ah u garanayso hababka uu ku faafo HIV-ga, maadaama 5% keliya ay heleen tallooyinka la xidhiidha xannuunka xilliyada ay booqdaan xarumaha caafimaadka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *