Hargeysa (ANN) Golaha wakiilada Somaliland oo hada guda galay kalfadhigii 12aad ee ay yeeshaan mudanayaasha golaha wakiiladu tan iyo markii lasoo doortay 2005 ayaa fadhigii shalay ee  golaha  oo ku qabsoomay Hoolka dhismaha wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, waxa loo qaybiyay golaha warbixin ku saabsab waxyaabihii uu qabtay goluhu kal fadhigii 11aad. Qoraalka awrbixinta oo dhamystirani wuxuu u dhignaa sidan;-  

 

Warbixinta Shirgudoonka
Kalfadhigii 11aad

10/03/2010 – 10/05/2010

Ku: Mudanayaasha Golaha Wakiilada

 

Ujeeddo : Warbixinta Shir-guddoonka ee  Kal-fadhigii 11 aad

Mudanayaal,

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa waxqabadkii Golaha Wakiilada ee kal-fadhigii 11 aad  oo dhamaystiran, si aad u xusuusataan, ugana qiyaas-qaadataan qorshaynta hawlaha Golaha ee kal fadhiga 12 aad una dardar galisaan hawlaha la idiin soo igmaday.

 

1) Kalfadhigii 11aad

N0 Fadhiga Taariikhda uu furmay Taariikhda uu xidhmay

1 Kalfadhigii 11aad 10/3/2010     10/05/2010

 

2) Fadhiyadii Gole-Weynaha & Guddi Hoosaadyaddu Fadhiisteen

Fadhiyaddii Golaha ee  kal-fadhigii 11 aad  oo ku qabsoomay xarunta Golaha Guurtida iyo Hay’ada Shaqaalaha taas oo sababtay ka dib markii la bilaabay  dhisme  cusub oo uu yeelan doono Golaha Wakiiladu .
Fadhiyada  oo ay ku kaltamayeen labada  Gole ee Guurtida iyo Wakiiladu. Goluhu waxa uu wiigii  fadhiisanayey sadexda maalmood ee kala ah salaasada,arbacada iyo  khamiista.

3) Fadhiyada  Goleweynaha iyo Guddi-hoosaadyadiisa oo Faah-faahsan.

No Fadhigii       Tirada

1 Gole waynaha  40 fadhi
2 Guddida Dhaqaalaha  12  fadhi
3 Guddida Arrimaha Gudaha 4 Fadhi
4 Guddida Arrimaha Dibeda  1 Fadhi
5 Guddida Arrimaha Bulshadda  
6 Guddida Khayraadka  2 Fadhi
7 Guddida Joogtada  iyo anshaxa 
8 Guddida Garsoorka iyo shuruucda  
              Isugeynta guud ee fadhiyada 59Fadhi

5- Xeerarka Goluhu ka dooday kal-fadhigii 11 aad & Kuwii la Ansixiyey.

No Magaca Xeerka  Halku uu marayo

1 Xeerka Baanka Islaamka  Akhriskii  labaad
2 Xeerka Ganacsiga Hawlaha Baanka  Akhriskii kowaad
3 Xeerka Biyaha Akhriskii kowaad
4 Xeerka Caasimada  Akhriskii 2aad
5 Xeerka Ururada aan dawliga ahayn Ansaxay
6  Xeerka Miisaaniyada Qaranka Ansaxay
7 Miisaaniyad Qaranka Ansaxay

6-Xeerarka Golaha Guurtida Ku Maqan ee mudo dhaafay

N0 Magaca Xeerka Taariikhda la gudbiyey

 Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud 02/02/2010
 Xeerka Siyaasadda wax-ka qabad miinada dadka 03/06/2009
 Xeerka Ururda Aan Dawliga ahayn 10/5/2010

8-Go’aanadii Goluhu Gaadhay

No Ujeedadda Go’aanka  Taariikhda
1 Go’aanka Ansixinta kal-fadhiga 11 aad 5/3/2010
2 Go’aanka Ansixinta Xeerka Miisaaniyada Qaranka 10/05/2010
3 Go’aanka  Ansixinta Xeerka Ururada Aan Dawliga ahayn  10/05/2010
4 Go’aan Ansixnta Miisaaniyada Qaranka 10/05/2010

 

10-Xeerarka Guddiyadu Hayaan (Committee Stage)

N0 Xeerarka  Guddiyada ku maqan

1. Guddiga Dhaqaalaha
 1. Xeerka Isgaadhsiinta S/land Acting
2. Xeerka S/land Telecommunication act
3. Xeerka Hayada Isgaadhsiinta
4. Xeerka Midaynta Cashuuraha
5. Xeerka Law of Establishment pf S/land Ageny
2. Guddiga Garsoorka
 1. Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Ciqaabta Guud
3. Guddiga Arrimaha Bulshada
 
1 Xeerka Saxaafadda
4. Guddiga Joogtada ah
 1 Xeerka Anshaxa Guud
2 Xeerka Habka Maamuuska Mudanayaasha
5. Guddiga Arrimaha Gudaha
 1 Xeerka Sharciyaynta Hayada Abaabul-kasaarka
2 Xeerka Sharciga Shaqaalaha Dawladaha Hoose
6 Guddida Deegaanka, Xoolaha & Khayraadka Dabiiciga ah 
 1 Xeerka Macdanta iyo Tamarta

11-Waxqabadka Guddi  Hoosaadyadda Golaha Wakiiladda

 Hawsha Guddigu qabatay
1. Guddiga Dhaqaalaha
 Ka soo talo bixinta iyo soo jeedinta ansixinta
1) Miisaanayada Qaranka 2010
2) Xeerka Miisaaniyada Qaranka

2. Guddiga Arrimaha Bulshada
 Ka  soo talobixintii iyo soo jeedintii
1- Xeerka Ururada Aan Dawliga ahayn
2- Waxay aqoon isweydaarsi u qabteen Xeerka Ciyaaraha oo Guddidu curisay
4. Guddiga Joogtada ah
 

5. Guddiga Arrimaha Gudaha
 
6. Guddiga Arrimaha Dibedda
 

7 Guddida Deegaanka, Xoolaha & Khayraadka Dabiiciga ah 
 -Ka soo talo bixinta iyo soo jeedinta ansixinta
1. Xeerka  Biyaha Qaranka

12-Xog-Waraysiyadda  Masuuliyiinta Qaran

Guddiga Dhaqaaluhu
Waxay xog waraysi ku saabsan dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda dalka la yeelatay
? Wasiirka Wasaarada Maaliyadda
? Maareeyaha Dekeda Berbera

13- Aqoon Korodhsiyadda iyo  Workshops ay Guddiyadu Qabteen ama ka Qayb Qaateen

Guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada
? Waxay loo qabatay Workshop ku sabsanaa Xeerka Miisaaniyadda Qaranka oo socday Sadex maalmood oo ay maalgelinteeda lahayd hay’ada AWEPA
 Guddida Joogtada ah waxaa loo qabtay siminaar ku saabsanaa Xeerhoosaadka Golaha oo ay maalgelintiisa lahayd Hay’ada AWEPA

Guddida Arrimaha Bulshada iyo Diinta
? Waxay work-shop u qabteen Xeerka Ciyaaaraha
 

 

14-Arrimaha Shaqaalaha

Shaqaalaha Golaha wakiiladu waxaa loo qabtay aqoon korodhsiyo badan si kor loogu qaado aqoontooda waxayna fursad u heleen inay
Aqoon korodhsyadiii ugu danbeeyey waxay kala ahaayeen Hayadda Awepa waxay u qabtay siminaaro (Workshops) ay  ku barteen casharadan:
.
1. Hansard –Sida loo qoro ama loo kaydiyo hadal qoraalka
2. Leadership
3. Delegation
4. Teamwork
5. Motivation

Hayadda IRI waxay u qabatay siminaaro (Workshops) ku saabsanaa
1. Report Writing
2. Management

 

 

 

15-Wufuuda  Golaha la kulmay

Shirgudoonka Golaha Wakiiladu waxa ay la kulmeen Masuuliyiin sare oo ka socday Safaaradaha Swesarland iyio Norwey ay ku leeyihiin Dalka Kenya, waxay kale oo la kulmeen shirgudoonku Madaxweynaha Hay’ada AWEPA oo maalgelinaysay dhismaha cusub ee Goleweynaha

16- Safarada Debeda

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),   waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay baarlamaanka dalka Sweden ee ku yaal waqooyiga qaaradda Europe mudadii u dhaxeysay 1-5 Febraury 2010. Safarka shaqo waxa Gudoomiyaha waxaa  ku weheliyey Xil Ibrahim Mahdi Buba, oo ka tirsan Gudidda Arrimaha Gudaha, Nabdgelyada iyo Difaaca.
Gudoomiyaha  waxa loo sameeyey barnmaaji shaqo  oo ahaa shan maalmood. Gudoomiyaha iyo Xildh Buba, waxa ay la kulmeen Gudoomiyaha Baarlaanmka Dalka oo ah ninka 2aad ee dalka Sweden ugu sareeya dalkaas PROTOCOL-ka dawladda, waxaana ka sareeya boqorka dalka oo keliya.  Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Sweden oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha  Golaha Wakiiilada JSL waxa looga waramay taariikhda Somaliland, waxa ay qabsatay dal ahaan, dadaalka ay ugu jirto ictiraafka,  waxayna labada Gudoomiye ka wada  hadleen wada shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan iyo labada dal. Gudoomiyaha baarlamaanka Sweden waxa uu xusay inkasta oo aanay Somaliland ictiraafsanayn in  hadana ula macaamilo doonaan sida ula maacaamilaan dalka TAIWAN.
Waxa kale oo Gudoomiyaha GW JSL iyo Xil Buba la kulmeen Gudiyada baarlaanmka dalkaas oo ay ka mid tahay Gudidda dastuurka oo la abuuray 1809.

Waxa kale oo 5.2.2010 lagu qabtay hool ka mid baarlamaanka dalka Sweden aqoon isweydaarsi ku saabsan Somaliland. Aqoon isweydaarsigan oo ay ka soo qayb galeen dad tiro badan oo isugu jiray mudanyaal baarlamaanka ka tirsan, maalgashadayaal, saxaafadda, iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku nool dalkaas waxaa “key Speaker” ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiilada JSL, Ku Qaybsanaha Geeska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda danjire Marikka Fallen, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Liberal-ka, iyo Gabadh ka madax ah xafiiska Amnesty International ee dalka Sweden iyo Xil Buba. Intaas ka dib waxaa saxaafadda iyo ka soo qayb galayaasha loo fasaxay su,aalo inay weydiiyaan Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee hadlay. Su,aaluhu waxay u badnaayeen arrimaha doorashada iyo waqtiga ay qabsoomi doonto doorashadu taas oo muujinaysa xiisaha mujtamaca dawliga ahi u hayo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.
Wafdigu intii ay joogeen dalka Sweden waxay booqdeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ay ku soo dhaweysay Danjire Marikka Fallen, Gudidda Doorashooyinka Qaranka  ee dalka Sweden oo gudoomuyaha uga xogwaramay hanaanka ay u maamulaan qabashada doorashooyinka.
Waxa kale oo wafdigu la kulmeen Wasiirka Arrimaha Europe ee dalka Sweden Birgitta Ohlsson , kana mid ahaan ahaan jirtay xubnaha baarlaanka Sweden ka hor intii ayna noqon wasiirka . Gabadhani waxay si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ugu  ololeyn jirtay in la isctiraafo  Somaliland.
Ka dib markii booqashada rasmiga ahayd u dhamaaatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL waxay uu booqasho gaaban oo shaqo ku soo maraya dalka Norway halkaas oo uu kula kulmay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway. Wasiir ku Xigeenka iyo Gudomiyuhu waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal , sidii loo kordhon kaalmada dhaqaale ee Norway siiso Somaliland iyo qadiyadda isctiraafka Somaliland. Waxaa kulanka goob jog ka ahaa madax badan oo ka tirsanaa Waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Norway.

Waxa kale oo Gudoomiyahu dalka Norway kula kulmay madaxa shirkadda Norwegian Crises Management ee dalka Norway ugana xog waramay Gudoomiyaha Hawlaha ay mudd shan sano ah ka waday dalka Somaliland gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa amaanka dekedda Berbera, la dagaalanka budhcad badeeda, tababarka shaqaalaha dekedda, qalabaynta, iyo sidoo kale xoojinta iyo tababarka ciidanka ilaalada Xeebaha JSL. Shirkadani waxay xustay in dekedda Berbera geyn doonto qalabka loo yaqaan RADAR-ka lana dhigo doono dekedda Berbera waxna ka arki karo  konton mayl badeed ( 50 Nautical Miles).
Gudoomiyaha intii uu joogay dalka Norway wuxuu booqday xarun cilmi baadhiseed oo ku taal Oslo oo uu asaasay nin dalkaas rasiisal wasaare uga ahaan jiray xaruntan oo la yidha OSLO PEACE CENTRE. Waxa mas,uuliyiinta xarunta Gudoomiyaha uga xog warameen hawlaha cilmi baadhista ay wadaan, waxayna xuseen inay ku talo jiraan inay yimaadaan Somaliland.
Waxa kale oo Gudoomiyuhu dalka Finland kula kulmay Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Finland  Marwo Filatov.  Waxa kale uu la kulmay intii u joogay dalka Finland Agaasimaha Guud ee Qaybta  Africa iyo Bariga Dhexe ee wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland iyo Ergayga gaarka ah ee Geeska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mr Haavisto. Mauuliyiintan waxa Gdoomiyuhu kala hadlay qadiyada ictiraafka Somaliland, kordhinta kaalmada Finland siiso Somaliland iyo guud ahaan iskaashiga dhinac kasta ee labada dal.
Dalka Ethiopia waxa Gudoomiyuhu kula kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Dr Tkede oo ay guud ahaan ka wada hadleen xidhiidhka sokeeye  ee ka dhaxeeya labada dal iyo arrimaha doorashada madaxtooyada JSL.
Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu la kulmay Mr John Marshal, ku xigeenka Danjiraha  Uk ee Ethiopia, ahna ku qaybsanaha arrimaha Somaliland. Labada mas,uul waxay ka wada hadleen badan arrimo khuseeya Somaliland gaar ahaan doorashada Madaxtooyada JSL.

Gudoomiye-KU-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada oo ka Qabgalay Shirka Afhayeenada Baarlamaanada dalalka Barwaaqo sooranka, shirkaas oo ku saabsanaa adkaynta nabada, waxaana ka soo qaybgalay in ka badan 46 dal iyada oo gudoomiye-ku-xigeenka wehelinayay gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka Mud Aadan Tarabi Oogle, shirkaas wuxu ku  qabsoomay magaalooyinka Lodon iyo Belfast

Gudoomiye-Ku-Xigeenka 2aad Goluhu waxa uu ka qaybqaatay safar dabadeed oo ay si wadajira ugu baxeen Baarlamaanka(Golaha Guurtida iyo wakiilada) iyo Xukuumada Dalka Maraykanka iyada oo hogaaminayay Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada

17- Mahadhooyinkii Kalfadhiga

1 Mudanayaasha Xisbigii talada hayay ee UDUB oo isu bedelay Xisbi Mucaarida markii lagaga adkaaday doorashadii dalka ka  qabsoontay 26/6/2010  iyo mudanayaashii Xusbiga Kulmiye oo noqday Xisbi Muxaafid ah ka dib markuu ku guulaystay hogaaminta talada Dalka

Allah Mahad leh

 

 (C/risaaq Siciid Ayaanle)

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office           

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *