Hargeysa(ANN)Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa ka hadlay go’aanka Maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland kasoo saartay muranka dhinaca awooda sharciyeed ee xisbigaa  oo ay shalay kasoo saartay

 

khilaafkii labada dhinac.
Afhayeenka UDUB,  wuxuu ku tilmaamay  go’aanka maxkamadda mid aanay ka muuqan wax faragelin ah. sidaa awgeed uu ku taageersan yahay, isla markaana wuxuu talo usoo jeediyay saaxiibadiisa ku muransanaa awooda sharci  hogaamineed ee xisbiga.
Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in marka horeba  khilaafka xisbiga UDUB uu gaadho heer maxkamadeed, isagoo yidhi, “Waxaan ku taageeray xukunka maxkamadda sare sadex qodob. Waa qodobka koowaade’e aanay xukunka ka dhex muuqan faro-gelin dibadeed. Midka labaadna waxaan u arkaa mid aan u hiilinayn cid gaar ah oo kalena ka hiilinayn. Waa marka sadexaade’e markaad eegto xeerka UDUB, qoraaladda iyo shuruucda iyo xeer nidaamiyeyaasha uu garsoorku cuskanayeen ee ay ku kala saarayeenna waxaan u arkay burciid iyo sonkor la isku dhex daadiyay oo la yidhi kala saara,”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.
Cali Guray  waxa uu isagoo ka hadlaya mawqifkiisa go’aanka maxkamadda , isla markaana la hadlaya saaxiibadiisa UDUB yidhi,    “Markaa waxaan u arkaa inay garsoorayaasha maxkamaddu sameeyeen dedaal badan itaalkoodda oo ay aad u dedaaleen intii ay kari karayeen. Sidaas daraadeed anigu shakhsiyan go’aanka maxkamadda waan taageeray. Waxa aniga mawqifkaygu yahay in go’aanka maxkamadda la taageero oo caqliyadana la furo.”
Sidoo kale wuxuu isagoo ka hadlaya weedhaha kasoo yeedhay  go’aanka maxkamadda kadib qaar ka mid ah garabka Axmed Yuusuf Yaasiin ee uu isaguna ka mid ahaa yidhi,  “Ugu dambaysta haddii aanu u maaro weyno UDUB anigu waxaan qabaa in Daahir Rayaale Faraha looga qaado. Waa suurto-gal haddii khilaafkaasi sii jiro inaan ka tago xilka afhayeenimo. Dad badan baa yidhaahda ma halkanaad gashay ma waxaas ayaad wadaa. Waar anigu markaan baxayo iyo markaan meel ka tagayo nin dhuunta ma ihi,”ayuu yidhi
Dhinaca kale Afhayeenka xisbiga UDUB Mujaahid Cali Guray ayaa waraysi uu siiyay Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV,  waxa uu  kaga  hadlay khilaaf si hoose u socda oo uu dhaxeeya Afhayeenka Madaxtooyadda iyo Afhayeenka xukuumadda Somalland Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Wasiirka warfaafinta Mujaahid Boobe waa nin la wada yaqaano, waa nin ka tirsanaa SNM, qaybtan warfaafintana xeel-dheere ku ah oo khibrad badana u leh, muddada  yar isaga oo meesha joogayna ay durba ka muuqata inuu wax badan ka qabtay oo uu wax badan saxay, rajana aanu ka qabno inuu wax badan sixi doono”.
Muj. Cali isagoo la hadlaya Af-hayeenka Madaxweynaha C/llaahi Cukuse, wuxuu yidhi “Haddii qof kaa aqoon badani meesha kuugu yimaado waxa wanaagsan inaad wax faa’ideysato, si fiican ayay isu-yaqaanaan Afayeenka Madaxwaynaha iyo wasiirka warfaafinta, Cabdilaahi Cukuse waxa soo barbaariyey Boobe Yuusuf Ducaale, Baligubadle ilaa saxaafada isagaa ku soo dhex daray, Boobe-na wax badan ayuu galiyey Cabdilaahi Cukuse oo uu ku leeyahay”
Af-hayeenka UDUB waxa uu tilmaamay in dagaal ku socda Boobe Yuusuf Ducaale uu door muhiim ah kaga jiro Cabdillaahi Cukuse “Dagaalada ku kacsan Boobe oo aan anigu hore uga sii hadlay waxa qayb muhiim ah ka ah Cabdillaahi Cukuse oo ah Afhayeenka Madaxwaynaha”ayuu yidhi
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *