Hargeysa(ANN)Wasiirradda wasaaraddaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo uu weheliyo wasiirka warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye ayaa saaka barqadii ka qayb galay munaasibad dhisme

 

la sheegay in looo dhisayo wasaaradda dhalinyaradda, kaas oo laga dhisayo xaruntii hore ee wasaaradda dalxiiska oo kasoo horjeeda dhismaha wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Labada Wasiir ee Ciyaaraha Cali Siciid Reygal iyo Maaliyadda C/casiis Samaale  ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo hal dabaq  looga dhisayo  halkaa, kaas oo ay sheegeen inuu noqon doono Xarunta wasaaradda.

Cali Siciid Reygal Wasiirka Dhalinyaradda Ciyaaraha oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa Sheegay in Wasaaraddani ay ahmiyad Balaadhan u leedahay Qaranka,isla Markaana Dhismahani uu Qayb weyn ka qaadan doono Horumarinta Adeegyada Kala duwan ee Wasaarada, isagoo ku amaanay wasiirka Maaliyadda.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda C/casiisa Samaale, ayaa dhiniciisa sheegay in aan dhismaha cusub ee wasaarrada  ay u dhagax dhigayaan ugu jirin miisaaniyadda, balse  waxa uu tilmaamay in ay arrintaa iyagu go’aansadeen oo ay Madaxweynaha kala tashadeen, iyagoo ka duulaya baahida loo qabo dhismahaa. sidaana lagu go’aansaday in lagu fuliyo.

Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale waxa  uu xusay inay Wasaaradda Ciyaaruhu ka mid ahayd,Wasaaradaha ay Mudnaanta gaarka ah siinayeen sidii wax looga qaban lahaa baahiyeheeda. sidaa awgeed uu rajaynayo in dhismahaasi noqdo mid daboola baahida iyo waaxyaha wasaaradda.

Dhisimaha munaasibada dhagax dhiga ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo ah mid baahi weyn ay u qabtay wasaaraddu, ayaa dhagax dhigiisa loo fasirtay mid qayb ka ah kaanbaynka kooxda Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale inay u adeegsadaan kaanbaynka ka aloosan xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee kooxda wadaadda ah, kuwaas oo xilalka ay hayaan doonaya inay uga faa’idaysataan tartanka ay ugu jiraan inay talada xisbiga la wareegaan marka la gaadho shirweynaha xisbiga ee la filayo in la qabto bisha fooda inagu soo haysa. 

inta abadan dhismayaasha lagu kordhinayo wasaaraddaha ama kuwo la doonayo in dib habayn lagu sameeyo waxa dhagax dhiga Madaxweyne xigeenka Somaliland, iyadoo si guud loogu arko wax qabad xukuumadda ah, balse dhismaha cusub ee ay labada wasiir maanta wada jirta u dhagax dhigeen wuxuu muujiyay muuqaal cusub iyo sawir si cad u tilmaamaya inay wasiirada xukuumadda ee doonaya inay garab istaagaan C/casiis Wasiirka Maaliyadda marka la gaadho shirweynaha kulmiye ay u tusaan bulshada inay yihiin kuwo wax qabanaya oo si gaar ah isugu suntaya keligood guusha xukuumadda iyo waxqabadkeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *