“Qaramada Midoobay Bisad Iyo Jiir Ayaynu Isku Ahayn, Hadase…” Wasiirkii hore ee Arimaha Debeda Somaliland

Hargeysa(ANN)Xafladdii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Arrimaha dibada waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxaha iyo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada.

waxa kale oo madashaasi lagu soo marti qaaday marti sharaf badan oo u badnaa qurbo jooga Somaliland ee taageera xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee KULMIYE iyo xubno ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dibada.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa hadal dheer oo uu xafladaasi ka jeediyay ka xogwaramay waxqabadkii Wasaaradaasi mudadii uu Wasiirka ka ahaa waxaanu u mahad celiyay Madaxdii la soo shaqeysay, Wakiilada Somaliland ee dalalka dibada iyo qurbo jooga Somaliland oo uu xusay inay kaalin ku lahaayeen dedaaladii loogu jiro qadiyada ictiraaf raadinta.
Wasiirku wuxuu sheegay inay qadiyada Somaliland gaadhsiiyeen beesha caalamka oo dhan isla markaana ay Somaliland kasbatay saaxiibo badan oo qadiyadeeda ka gacan siiya waxaanu tilmaamay in dalalka adduunku ay hab- macaamil wanaagsan la leeyihiin.
Md. Ducaale waxa uu u mahad celiyay wadamada Jaarka ah ee ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxaanu xusay in dalalkaasi uu ka dhaxeeyo xidhiidh iyo cilaaqaad aad u wanaagsan waxaanu xukuumada cusub u soo jeediyay inay halkaasi ka sii ambo qaadno.
“Qaramada Midoobay xidhiidhkeenu wuxuu ahaa markii hore bisad iyo jeer hase yeeshee dhawaan ayay xaqiiqdii arkeen waanu wada hadalnay waxaanu isla garanay aakhirkii in la wada shaqeeyo oo ay Hargeysa ka furtaan xafiis siyaasadeed. Waxaynu ka rabnayna waxay ahayd inay warbixinada Somaliland ay u sheegaan si sax ah,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Wasiirkii hore wuxuu sharaad dheer ka bixiyay waxqabadkii iyo socdaalo heerkoodu iskugu jiray mid heer Madaxweyne, Madaxweyne Ku Xigeen iyo Wasiiro oo ay ku tageen dalal badan oo ku yaala Afrika, Yurub, Carabta iyo Maraykanka waxaanu sheegay inay Somaliland marayso heer wanaagsan oo u baahan in halkii uun laga sii ambo qaado midhihii xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa.

Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, wuxuu sheegay inuu si niyadsami ah ugu wareejinayo xilka Wasaarada Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka cusub waxaanu isagoo Wasiirka la kaftamayay uu yidhi “Qoladayadan barigana waxa lagu xantaa deg dega oo waxaan is idhi salaada Jimcaha ee barri aniga iyo colkaygu, ha salaatu sahwiyina oo ha is odhanina qoladiina (KULMIYE) ma idin sugaysaa inaad xilkii ku wareejisaan, markaa aad iyo aad ayay farxad weyn iigu tahay inaan xilka qaran si kalsami ah kuugu wareejiyo adiga iyo Wasiir Ku Xigeenkaaga. Shaqaalaha aad halkan ugu imanaysaana waa shaqaale wanaagsan oo hawsha muddo dheer ku soo gudo jiray.”
Sidoo kale, waxa xafladaasi warbixin ku saabsan qaab dhismeedka iyo waajibaadka Wasaarada khaarajiga si qoto dheer uga warbixiyay Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradaasi Md. C/Raxmaan Cismaan Aadan (C/Raxmaan Sagal), Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaasi Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse).
Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaarada Arrimaha dibada Md. Maxamed Yoonis Cawaale, oo ka hadlay xafladaasi ayaa Wasiirada xilka ku wareejiyay iyo shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada uga mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen iyo niyad samida xilka loogu wareejiyay.
“Waxaan rajaynayaa halkan aad soo gaadhsiiseen Wasaarada Arrimaha dibada inaanu Anaguna sedan si ka sii fiican aanu ka sii ambo qaadno isaga oo uu nagu hoggaaminayo Wasiirka cusub oo aqoon badan u leh siyaasada dibada oo runtii mudadii uu xisbiga KULMIYE ahaana aan u shaqaynayn xisbiga oo qudhee danaha dalka u shaqeynayay,”ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Arrimaha dibadu waxaanu xusay inay wada shaqayn wanaagsan la yeelan doonaan Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada.

Wasiir Ku Xigeenku wuxuu ilaahay ka baryay in mudada ay xafiiskan joogaan ay Somaliland hesho ictiraafka caalamiga ah ee ay beesha caalamka ka doonayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Wasiiradii xilka uu ka wareegay ee Wasaarada Arrimaha dibada, waxaanu sheegay inay xukuumadani culayska saarayso sidii Somaliland ugu xidhmi lahayd beesha caalamka. Wasiirku wuxuu sheegay inay awooda saarayaan sidii ay cilaaqaad wanaagsan Somaliland ula yeelan lahaayeen dalalka Carabta oo uu tilmaamay inuu dhaqan iyo diiniba ka dhaxayso. Waxa kale oo Wasiirku intaasi ku daray in xukuumada cusubi ay qaabayn doonto isla markaana xoojin doonto xidhiidhka ay la leedahay dalalka dariska ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *