Hargeysa(ANN) Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan oo ahaa wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland xiligii maamulkii Madaxweyne Rayaale ayaa ku dhawaaqay Urur siyaasadeed cusub oo la baxay Dalsan, kaas oo  shalay lagaga dhawaaqay Xaflad lagu aasaasayay oo lagu qabtay Huteelka

Xaraf ee magaalada Hargeysa.
Munaasibada lagaga dhawaaqay Ururkaa waxa kasoo qaybgalay 250 qof oo sida uu sheegay Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare)  ka kala yimi gobolada dalka Somaliland.
Guddoomiyaha ururka cusub Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo halkaas ka hadlay, ayaa isagu sheegay inuu ururkoodu yahay mid u tagan nabad iyo horumar. Dalsan macnaheeduna waa dal wanaagsan, waxaannu yidhi; “Haddaan idiin faahfaahiyo astaanta calanka. Caddaanku waxa uu ka taagan yahay nabadda, dooguna horumarinta iyo barwaaqada, xiddigtuna waxay ka taagan tahay shantii Soomaaliya oo madooday.”

Waxa uu Mr. Ismaaciil-yare sheegay in ururkoodu yahay mid u adeegaya mudnaan weyna siinaya dadka danyarta reer Somaliland, sidoo kalena wuxuu u mahad-celiyey madaxweynayaashii u kala dambeeyey talada dalka oo uu ugu mahadnaqay mid kasta halka uu taada soo gaadhsiiyey, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Halkan waxaan uga mahad-naqaya madaxweynihii u horreeyey Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) oo calankii u horreeyey ee la taago madaxweyne u noqday, waxa kale oo aan u mahad-naqaya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah ruug-caddaa qarannimada Somaliland la soo dedaalay oo aan anna xukuumaddiisii ka noqday Wasiirka Ganacsiga.

Waxaan sidoo kale u mahad-naqayaa Daahir Rayaale Kaahin oo isaguna halkii ay soo gaadhsiiyeen ka sii qaaday oo kaalin mug leh soo gaadhsiiyey, waxaanay mudan yihiin in maanta inta nool la xidhiidhiyo, loona mahad-naqo, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ciddii doontaaba ha iska hadashee waa mujaahid, waana guddoomiyihii SNM, aniguna waxaan ka mid ahaa raggii la soo dagaallamay ee Daahir Rayaale doortay, siyaasadduna waa sidaas, aakhirkiina anigoon ku biirin xisbiga KULMIYE ayaan tageeray si uu u guulaysto, isbeddel-doonkayagii bay ahaayeen kuwii uu codka intiisa badan ku helay, waxa laga yaaba inay qolooyin kale si kale isku siiyaan,” ayuu yidhi Ismaaciil-yare.

Waxa kaloo guddoomiyaha urur-siyaasadeedkan cusub ee Dalsan uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay caddaaladda sugto, waxaannu ku dhaliilay masuuliyiin xukuumadda ka mid ah inay had iyo jeer telefoonaduudu xidhan yihiin, “Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dalkan waa laguu dhaariyey, da’nna waad joogtaa ee wax badan yaanay ku dhaafin, waanad mahadsan tahay mar haddaad tidhi doorosho dambe isuma taagayo, Ilaahayna cimri dherar iyo caafimaad ha ku gaadhsiiyo, ummaddana caddaaladda la ogow xan badan baa jirtee oo dadkaaga dhex waxa jira ogow, xukuumaddaadana adaa ka masuul ah wax madaxbannaanina ma jiraan Ilaahay mooyaane, hadday maxkamaduhu wax kale khaldaan adigaa masuuliyadeeda leh.”

“Madaxweynaha xaq waxa loogu leeyahay inuu ilaaliyo caddaaladda, dadka u shaqaynaya inuu arko oo wasiirrada telefoonnadoodu xidhan yihiin ee loo baahan yahay uu eego.

Anigu maalintaan wasiirka ahaa waad ogaydeen oo ilaa maanta labada habeenimo haddii la i soo garaaco waan qabanayaa, waar ka loo igmaday xil inuu ummaddan u qabto ee aan qabanaynow oo aanad qof walba u jawaabayno waa mid lagu waydiin doono, qaarbaa markaad telefoonkooda garaacdo ku odhanaya maba jiro telefoonkaad garaacaysa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Ismaaciil Aadan Cismaan.
Guddoomiyuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyay waxyaabaha ururkoodu kaga duwan yahay xisbiyada ka jira dalka waxaanu yidhi “Ururkani  waxa uu kaga duwan yahay ururadii hore 32 qof ayaa odhan jiray waanu aasaasnay. Maanta waxaynu shirweynahan iskugu nimid 236 qof oo ka kala yimid gobolada dalka oo dhan ayaynu ku aasaasnay ururkan dalsan. Waxaanu noqon doonaa xisbi u dhashay ummadda reer Somaliland oo dhan waa xisbi u dhashay dhalinyarada, Haweenka iyo waayeelkaba. Waa urur u dhashay inuu ka midho dhaliyo dalkeena qaniga ah waxa uu u baahan yahay oo kaliya in laga shaqaysiiyo dadka aqoonta leh ee jooga gudaha iyo dibadaba.”

Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo ka hadlay furitaankii shirweynaha ururka dalsan oo Lagu soo marti qaaday waxa uu yidhi   “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galo wanqasha shirweynaha ururka siyaasiga ah ee cusub ee dalsan, dagaal badan ayaanu anagu ka galay in  ururada siyaasiga ah la furo ugu dambayn waa lagu guulaystay in la ogolaado. Waxaan ku faraxsan nahay in hawshii aan qeyb ku lahaa in maanta halkan loo fadhiyo. ILAAHAY waxaan uga baryayaa inuu ururkan ka dhigo mid ka mid ah sadexda urur ee ku soo baxa xisbinimada.”
“Dadweynahana waxa looga baahan inay is garab taagaan,waxaan leeyahay hawshu waa bilowgii iyo unugii u horeeyay ee waa inaad la shaqaysaan oo is daba taagtaan. Waxaan leeyahay qaban qaabiyeyaashii ururka yaan hawsha oo dhan lagu helayn. Waxaan ergada iyo dadweynaha u soo jeedinayaa inay tallo, xoolo iyo wakhtiba ay geliyaan ururka dalsan,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Qaadir Jirde.
Md. C/Qaadir Jirde waxa  sheegay inuu hore uga soo qeyb galay wanqashii KULMIYE, UCID iyo urur siyaasadeedkii ASAD.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *