Dr Maxamed CabdullaahiNairobi(Araweelo News Networ)Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in ay Somaliland tahay dal xasilloon oo leh nidaam dimuqraadiyadeed oo

 

hanaqaaday, isla markaana ay leedahay waxyaabo badan oo soo jiidanaya maalgashiga caalamiga ah.

Wasiirka oo socdaal howleed ku jooga dalka Kiiniya ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta waxa uu ku sheegay in uu ku howlan yahay sidii uu u kor ugu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsiga caalamiga ah iyo sidii loo hanan lahaa maalgashi caalami ah, isaga oo carrabka ku dhuftay in ay jiraan shirkado badan oo u diyaar u ah maalgashiga, qaarkoodna kaba howlagaleen dalka.

Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdullahi oo waraysi siiyay telefishanka CNBC qaybtiisa Africa,  waxa uu yidhi, “ Somaliland waxa ay u tahay muhiim dunida oo ay ku jirto Afrika, waxaanan nahay dal la isku halayn karo hadday tahay ka qeybgalka nabadgelyada, dhaqaalahaba. Waxa kale oo ay u tahay Afrika moodeel marka ay tahay dimuqraadiyada, sababta oo ah waxa Somaliland ka hirgalay dimuqraadiyad guulaysatay oo shaqeynaysa iyo doorashooyin laba iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay iyada oo ay si guul leh xukunka ay isaga beddaleen dawlad ilaa dawlad, kolkaasi waxa aan had iyo jeer u aheyn tusaale Afrika.

‘ Waxa ayna shaqadeydu tahay wasiir ganacsi maalgashi ahaan inaan u furo Somaliland ganacsiga caalamiga ah, waxaanan soo dhaweynaynaa oo aan jecelay in aan helo maalgashi dibadeed oo toos ah , sababta oo ah waxa aan heysanaa wixii tas-hiilaad ahaa ee u baahnaa ganacsigu Afrika, waxaanan taasi ka sameynay horumar,” ayuu yidhi.
Wasiirka oo dhinacyada xidhiidhka ganacsi maalgashi ka iman karo la weydiiyay , waxa uu yidhi. “Meel kasta oo shirkadaha ganacsigu yihiinba waxa ay u tahay Somaliland deegaan ganacsi oo ku haboon maalgashiga tusaale ahaan, waxa ka jira dawlad wanaag, waxa aan leenahay nidaam dimuqraadiyadeed oo waadix ah, waxa aan ku samaynaa shirkadaha hal diiwaangelin oo meelo kala duwan uma maraan, waxaan ka dhaafnaa cashuurta dakhli saddexda sano ee u horeeya, intaa kadibna waan ka yaraynaa cashuurta dakhli, waxaan u ilaalinaa hantidooda, waxaan u suurtogelinaa dhul maalgashigooda, waxa aan leenahay khayraad badan oo ka buuxa dhulka macdano, saliid, beeraha iyo xeebta ugu dheer Afrika hadday tahay kalluumaysiga, waxa aan u dhaw nahay Itoobiya oo dadkeeda gaadhayo 90 milyan oo aan bad lahayn. Waxaanay Dekedda Berbera ay marin dhaqaale u tahay gobolka.

Sidaa awgeed, waxa jira waxyaabo badan oo ay xiisaynayaan maalgashadayaasha caalamiga ah,” ayuu yidhi Wasiirka oo la waydiiyay xidhiidhka jaarka waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland aad muhiim ugu yahay dalalka jaarka, una jiro xidhiidh ganacsi oo u dhexeeya labada dal, ayna Itoobiya isticmaasho dekeda Berbera oo u dhaw.

Dhinaca kale, waxa uu xusay inay dekeddu u baahan tahay sii horumarin ayna wada hadal la leeyihiin shirkado maalgashi oo xiisaynaya in ay dekedda u beddelaan terminal container oo casri ah oo u adeega gobolka oo dhan.
Wasiirka oo la weydiiyay in shirkada kale ay ka shaqeynayaan macdanaha kale, waxa uu yidhi “waxa jira shirkado kale oo sahamin wada tusaale ahaan shirkadda Genel oo ka diiwaangashan London oo hadda sahamin ka wata Somaliland iyo shirkado kale oo ay ka mid yihiin East Afrika Resource, DNO iyo shirkado kale oo xiisaynaya sahaminta shidaalka oo ay u socoto qiimeyntii iyo daraasadii.

Waxa kale oo uu raaciyay inay sida oo kale marin u noqon karto Koonfurta Suudaan oo shidaalka soo saarto, taas oo sida uu sheegay raadinaysana marin badeed ay Berbera u noqon karto beddel.

Sidoo kale Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlaya xagga ballaadhinta dekedda Berbera ayaa sheegay in ay u socdaan wada hadallo shirkado doonaya inay maalgaliyaan isaga oo tusaale u soo qaatay shirkadda Faransiiska ah ee Bolare oo doonaysa in ay maalgashi ku samayso dekedda Berbera.Waxa uu xusay in ayna ka hadlayn oo keliya ballaadhinta, balse sida oo kale ka hadlayaan hawlgalka dekedda iyo sida oo kale dhismaha marin (Cooridor) xidhiidhiya Berbera iyo Itoobiya, waxa aan ka hadlaynaa ‘free zone’ iyo mashaariic badan oo ku dara Somaliland khariidada ganacsiga dunida.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *