kulanka wasiiradda iyo Odayaasha1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Boondare) ayaa soo afjartay khilaaf iyo muran ka taaganaa Mashruuc la doonayay in

 

lagu horumariyo Xabagta iyo Faleenka oo uu maalgeliyay Warld Bank.
Mashruucaa oo la doonayay in laga fuliyo Deegaanada khayraadka Beeyadda,xabagta iyo Faleenka hodonka ku ah  ee Gobolka Sanaag iyo qayb ka mid  ah deegaamada hoos yimaada gobolka Saaxil ayaa muranka iyo khilaaf ka taagnaa oo u dhexeeyay dadka deegaamadaa ee iska leh xabagta iyo faleenka iyo shirkad lagu magcaabo SOFERECO oo laga leeyahay dalka Fanasiiska, kadib markii dadka deeganku si weyn u saluugeen qaabka loo maamulay mashruucaa, taas oo sababtay in uu ku sigto gebi ahaanba in la joojiyo mashruucaa oo ku kacaya dhawr Milyan oo dollar.
Hase yeeshee wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri oo mudo dhawr bilood ah haysay xilka xafiiska, ayaa bilawday in ay dedaal u gasho sidii xal loogu heli lahaa muranka iyo khilaafka ka taagnaa mashruucaa oo ay xilka kula wareegtay, waxayna saaka xafiiskeeda kulan balaadhan oo dhawr saacadood qaatay kula yeelatay qaar ka mid ah Odayaasha deegaamada Beeyada ee Sanaag iyo Saaxil iyo masuuliyiinta shirkadda mashruucaa la siiyay ee sababta u ahayd khilaafka.
Kulankaa oo saacado badan qaatay, waxay Wasiiradda iyo dhinacyada dadka deegaanka iyo shirkadu kaga doodeen waxyabaaha sababta u ah khilaafka hadheeyay mashruucaa iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Marwo Shukri Wasiiradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo kulankaa kadib iyada iyo Prof. Maxamuud Cabdi Xaamud (Niyn) ay saxaafada wadajir ula hadleen ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafkaa, waxayna Marwo shukri oo ka hadlaysa sida loo xaliyay arrintaa tidhi, “ Waxa loo baahanayahay inaynu dhinac u wada jeesano, Xkuumadda Somaliland wax aka go’an in ay wax ka qabato waxsoosaarka dalka,waxaana jira wadamo badan oo duni ah oo doonaya in ay Beeyada inagula tartamaan, markaa waa inanu tartanka caalamiga ah ka qaybqaadanaa oo Beeyadeena kaga qayb qaadanaa.” Ayay tidhi Marwo Shukri Wasiirka Deegaanka iyo Reer Miyiga Somaliland.
Waxay sheegtay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay sidii wax loola qaban lahaa dadka Beeyadda iyo xabagta iyo faleenkaba. Sidaa awgeed loo baahanayahay in la raaco qorshaha ay xuukumadda Somaliland u dejisay ee shanta sanood ah, kaas oo ay sheegtay in uu ku amaananyahay Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiiraddii hawshaa kala qayb qaatay.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Prof. Maxamuud Cabdi Xaamud (Niyn) oo sheegay inayn soo dhowaynayaan dedaalka wasiiradda iyo sida ay hawshaa isaga xil saartay, wuxuuna sheegay in daryeelka geedka loo baahanayahay, balse ay lagama maarmaan tahay in la helo tababaro iyo barnaamij aqooneed oo dadka garaadkooda la kobciyo si loo fahmo ahmiyada uu geedku ku leeyahay, wuxuuna usoo jeediyay dadka doonaya in ay ka ganacsadaan inay ilaaliyaan geedka Beeyada oo uu sheegay inuu yahay mid Somaliland caan ku tahay.
Prof. Maxamuud Cabdi Xaamud waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda looga baahanyahay in ay suuq caalami ah u raadiso xabagta iyo Faleenka.

Kulankaa ka dib Sarkaal ka socday Shirkadda SOFERECO ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa sheegtay in ay dhawr iyo toban ka mid ah deegamada Beeyadda xabagta iyo Faleenka ay ka samaynay tababaro la xidhiidha daryeelka Beeyadda.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *