Addis-Ababa (ANN) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo safar shaqo ah ku jooga magaalada Addis oo uu ka socdo shirkii wadamada ururka midawga Afrika, ayaa kulamo gaar ah la qaatay qaar ka mid ah wufuud ka socotay

wadamada Afrika iyo qaarada Yurub. Sidaana waxa lagu xusay qoraal kasoo baxay xafiiska wasaardda Arrimaha debedda Somaliland.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay inay  Wasiirka kulamaddaa ku weheliyeen  wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya, mudane Aadan Nuux Dhuule, ayaa kulamo gaar ah la galay Wasiirro, Safiirro, Diplomaasiyiin iyo madax kale. Waxaana ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Finland, Mudane Alexandra Stubb, Wasiirka Arrimaha Dibadde ee Koonfurta Suudaan, Mudane Deng Alor Kuol, Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Ambasador Augustine Mahiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka, mudane Walter Lindner, safiiro iyo madax kaloo ka  tirsan Qaaradda Afrika.
Wasiirku wuxuu masuuliyiintan shisheeyaha uga xog-waramay xaaladda Siyaasadeed, Nabadgalyo, Dhaqaale ee Somaliland, wuxuuna  ka codsaday Wadamada iyo Haya’ada Caalamiga ah ee ay masuuliyiintani ka soo jeedaan inay gacan balaadhan ka gaystaan arrimaha Somaliland ee dhinacayada badan leh.
Waxaa kale oo uu wasiirku ku nuuxnuuxsaday in bulshada caalamku tixgalin siiso xuquuqda dadka reer Somaliland u leeyihiin inay ay aayahooda ka tashadaan oo ka helaan dunida ictiraaf buuxa.
Wasiirka wuxuu tilmaamay in qaddiyadda Koonfurta Sudaan ka socotaa ay tilmaan cad u tahay inuu dhamaaday xiligii dareenka iyo rabitaanka shucuubta la cabudhin jiray. Waxaanu kula taliyay bulshada caalamku inay dib ugu eegto qaddiyadda Somaliland oo tusaale wanaagsan u ah Horumarinta Nabadgalaya iyo Dimuqraadiyadda.
Waxaa kale oo uu Wasiirku fariin ku jahaysan qaddiyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland u gudbiyay shirwaynaha madaxda Qaaradda Afrika, fariintaasi oo ka turjumaysay rabitaanka siyaaadeed iyo Horumerineed ee Somaliland waxaa madasha uu ka socdo shirka madaxda Afrika ka soo jeediyay qaar ka mid ah ka qayb-galayaasha shirka.
Dhinaca kale, Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay madaxda qaaradda Afrika inay garwaaqsadaan in xaaladda Somaliland ay hadda gaadhay heer ay adagtay in indhaha laga qarsado, loona baahan yahay in xaqiiiqda dib loo eego, oo la soo dhaweeyo rabitaanka shacabka Somaliland.
Qaar ka mid wargaysyada waaweyn ee ka soo baxa dalka Itoobiya oo lagu qaybiyay madasha shirka madaxda qaaradda Afrika ka socdo ayaa ka faalooday shirka jaraaid ee wasiirku qabtay. Waxayna ka hadleen nuxurka dareenka ay  xambaarsanayd fariinta wasiirku ee ku socotay madaxda iyo masuuliyiinta  ka soo qaby-gashay shirka. “
Xafiiska wararka ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *