Hargeysa (ANN) Wasariirada xukuumada cusub ee uu Madaxweyne Axmed  Siilaanyo magcaabay todobaadkii hore ayaa inta badan xilka la wareegay maanta. Wasaaradaha masuuliyiinta cusubi maanta xilkii kala wareegeen wasiiradii hore ee xukuumada Rayaale oo ah  12-wasaaradood, kuwaas xafaladaha xil wareejintoodu ka dhacday inta badan xarumohooda, wasaaradahaa  oo kala ah Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga,

 Hawlaha guud, Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Ciyaaraha, dhallinyarada iyo dhaqanka, Duulista hawada, Shaqada iyo arrimaha bulshada, Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Maamulka Dekedaha, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha xilkeeda wareejinayey Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), oo hadal kooban ka jeediyey Xafladdii uu xilka ku wareejiyey, waxa uu siwayn ugu mahadnaqay shaqaalaha Wasaaradda arriamaha gudaha guud ahaanba kuwaasoo uu ku tilmaamay inay si hagar la,aan ah u wada shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdillaahi-Cirro, waxa uu sheegay in uu si niyadsan xilka u wareejinayo, waxana uu sheegay in xafiiltan siyaasadeed oo hore u soo kala maray Gobboose iyo isaga, hase ahaatee, wax xumaan ah oo ka dhexeeyaa jirin, “Qoladiinan Saxaafaddu waxaad qori doontaan laba nin oo col ah ayaa xilka la kala wareegay, taa ciwaan haka dhigannina. aniga iyo Gabboose col maannaan ahayn ee siyaasadda ayuunbaannu isku haynay, maantana waannagaa xilka kala tirsanaynaa, cadaawad noo dhaxaysaana ma jirto….” Ayuu yidhi wasirki hore ee arrimaha gudaha mr Cirro

Sidoo kale waxa isna hadal kaa lamida ka dhawaajiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose waxan uu yidhi “Wax cadaawad ahi nagama dhaxayso aniga iyo walaalkay Cabdillaahi, waxa aannu iskaga soo horjeeday aragtida siyaasadda, taasina wakhtigii ololaha ayay ku dhammaatay, maantana wax ka nooli ma jiraan.”

Wasiir Gabboose, waxa uu sheegay inaanay Wasaaradda arrimaha gudaha ee uu maanta la wareegay noqon doonin mid dadka laga jaajuuso, ama laga basaaso, oo dadka laga soo xidho, hase ahaatee, ay Wasaaraddu fulin doonto siyaasadda guud ee arrimaha gudaha, arrimahaasna loo dhaafayo hay’adaha Qaranka ugu xilsaaran.

“Ma dhici doonto in halkan Wasaaradda dadka laga soo xidho, in qof C.I.D.-du isaga yeedho, ma jiri doonto cid dambe oo bilaa sharci la iska xidhi doono oo Guddiga nabadgalyadu dadkii ay iska xukumaysay ma jirayaan, Guddigaasna waa la baabiiyey oo madaxweynaha cusub ayaa baabiiyay.” ayuu yidhi wasiir Gaboose

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, oo ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay si fiican isu yaqaannaan Taliye ahaan iyo Wasiirka cusub ee wasaaraddaas maanta la wareegay Dr. Gabboose, oo uu sheegay inuu si fiican u soo dhawaynayo.
Munaasibada xil wareejinta arrimaha gudaha, waxa kasoo qayb galay badhasaabyada inata badan gobolada dalka iyo maayarada, iyadoo uu maayarka caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir hadal kooban halkaa ka jeediyay, isla markaana uu xusay inay la shaqayn doonaan wasiirka cusub maadaama wasaaradda arrimaha guduha iyo golayaasha deegaanku si gaara u wada shaqeeyaan.

Wasaarada arrimaha debeda ayaa iyadu todobaadkii hore xilka wareejisay, taas oo ahayd wasaaradii ugu horaysay ee xukuumada Madaxweyne Rayaale xilkeeda wareejiso, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay xilalka wareejiyaan ilaa todobada wasaaradood oo hadhay. Basle wasaarada Maaliyada oo la filayay inay maanta xilka la kala wareegaan wasiirka cusub ee loo magcaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo wasiirkii hore Cawil Cali Ducaale ayaa munasibadii loo balansanaa maanta baaqsatay. Kadib markii la waaayay masuuliyiintii xilka wareejin lahayd

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *