Saamiga Jabuuti ka heshay kaalmada Maraykanka + Ugandha iyo Burundi oo loogu dayuurado iyo dhaqaale lagula dagaalamo Al-shabaab + Pentagonka oo ka hadlay xidhiidhka Al-shabaab iyo Al-qaaciidada Yaman

Washington (ANN/AP)- Dawladda Maraykanka ayaa la sheegay inay diyaarado kuwa dagaalka ah iyo mallaayiin doollar ugu deeqday dalalka Ugandha iyo Brundi si ay ugula dagaalamaan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya oo lagu eedeeyo inay xidhiidh la leeyihiin Alqaacida. Dukumantiyo ka soo baxay


xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka oo wakaalada wararka ee AP heshay, ayaa tibaaxay in qalab milatari oo qiimahoodu gaadhayo $45 million loogu deeqay dalalka Ugandha iyo Brundi, kuwaasi oo ay ku jiraan afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah si loogu caawiyo ciidammada AMISOM ee magaalada Mudisho kula dagaalamaya kooxda Al-shabaab.
Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Maraykanka Mr. Leon Penetta oo dhawaan xilka la wareegi doona, ayaa ka digay khatarta isa soo taraysa ee kooxda Al-shabaab, isaga oo xusay in xidhiidh xooggan oo sii kordhayaa ka dhexeeyo Al-shabaab iyo Al-qaaciidada ka jirta dalka Yaman, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in duqaymo loo gaysto goobaha Al-shabaab ku sugan tahay, iyada oo toddobaadkan gudihiisana deegaanno u dhaw magaalada Kismaanyo ay duqeeyeen diyaaradu aan ilaa hadda la ogayn cidda lahayd.
Sarkaal ka tirsan Pentagonka Maraykanka ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal lagu dhisayo xarumo lagala dagaalamo Al-qaacidda oo laga hirgelinayo waddamada Uganda iyo Burundi oo ah labada dal ee Soomaaliya ciidamadu ka joogaan, lamana oga waxa dhaqaalaha iyo dayuuradaha loogu deeqay ciidamada Burundi iyo Ugandha ee jooga Muqsdisho ay ka beddeli karaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, balse waxa Maraykanku ka cabsi qabaa in Soomaaliya noqoto xarumo ay Al-qaacida gabaad ka dhigato, iyada oo dhaqaale xooggan lagu bixinayo sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab.
Waxa kale oo Maraykanku bixinayaa lacag kale oo gaadhaysa ilaa $4.4 milyan oo dalka Ugandha lagaga taageerayo dhinacyada isgaadhsiinta iyo qalabka injineernimadda milatariga, lacagtaasi oo qayb ka ah dhaqaale gaadhaya $145.4 milyan oo Pentagon-ku ugu tallogalay hannaanka wargelinta ka hor inta aan la bilaabin dagaalada lagula jiro argagixisadda wixii ka dambeeyey dilkii Osama Bin  Laden, lacagtaasi oo toddobaadkii hore loo gudbiyey xarunta baarlamaanka Maraykanka si loo ansixiyo.
Waxa kale oo Maraykanku diyaariyey lacag kale oo gaadhaysa $350 milyan oo loogu tallogalay kaalmo milatari oo la siinayo dalal kale oo laf-dhabar u ah dagaalka Argagixisada, iyada oo sannadkiiba Maraykanku afar jeer soo daayo lacago kaalmo milatari ah, balse lacagtii u horraysay ee sannadkan la soo daayey oo gaadhaysay ilaa $43 milyan ayaan waxba laga siin wadanka Yaman oo hoy u ah kooxo Al-qaaciida ka tirsan, balse sannadkii hore ee 2010 ayuu Maraykanku ugu tallogalay Yaman lacag gaadhaysa $155 milyan oo doollar, iyada oo hoggaamiyeyaasha militariga Maraykankuna soo jeediyeen in sannadkan Yaman la siiyo $200 milyan oo doollar, balse saraakiil Washinton jooga ayaa aad uga cabsi qaba quluqulatooyinka xooggan ee ka socda Yaman, iyada oo dad mudaharaad dhigayaa ay codsanayaan in madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo hadda Sucuudiga lagu dawaynayo iscasilo.
Waxa kale oo wasaaradda gaashaandhigga Maraykanku diyaarisay taageero milatari oo loo fidiyo dalalka waqooyiga Afrika oo ay ka jirto koox Al-qaaciida ah oo khatarteedu badan tahay oo la yidhaahdo Al-qaaciidada Maqrib-ta islaamiga ah, qorshayaasha Maraykankana waxa ku jira $22.6 milyan oo doollar oo loogu tallogalay wadanka Mauritaniya oo loo siinayo diyaaradaha ciidammada lagu daadgureeyo, isla markaana lagaga taageerayo ka war haynta dhaqdhaqaaqyada iyo tababaro kale oo muhiim ah. Waxa kale oo jira $18.1 milyan oo loogu tallogalay hannaanka madaarada milatariga, dhismaha iyo qalabka isgaadhsiinta si loo horumariyo xarumaha hawlgalada wadanka Mauritaniya.
Wadanka Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland ayuu Maraykanku ugu tallogalay lacag gaadhaysa $17.7 milyan oo doollar oo loo siinayo diyaarado, iyada oo Jabuuti tahay dalka qudha ee Maraykanku ku leeyahay xarun milatari. Wadanka Kenya ayaa isagana loo qorsheeyey $12.1 milyan doollar oo loo siinayo diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah oo tayadoodu sarayso iyo tababaro kale oo dheeraad ah. Wadanka Mali ayaa isagana loo qorsheeyey lacag gaadhaysa $1 milyan doollar oo loogu tallogalay qalabka miinooyinka.
Waxa kale oo jira $12 milyan oo wadanka Maldives loo siinayo doonyo kuwa yaryar ah iyo dhinaca qalabka isgaadhsiinta. Wadanka Philippines oo ay kaalmooyinka Maraykanka ka soo gaadhayso $12 milyan oo doollar oo loogu tallogalay doonyaha badaha ilaaliya iyo kaalmooyin kale oo milatari. Waddanka Bangaladhes ayaa isna la siinayaa $8.4 milyan doollar oo dhinaca hubka ah. $900,000 dollar (Sagaal boqol oo kun oo doollar) oo dalka Cumaan la siinayo, taasi oo loogu tallogalay aaladaha soo ururinta macluumaadka iyo dalka Malaysiya oo la siinayo kharash lacageed oo gaadhaya $850,000 doollar oo loogu tallogalay raadaaro lagu rakibayo waddankaasi.
Dhinaca kale, waxa Maraykanku diyaariyey lacag gaadhaysa $600,000 (Lix boqol oo kun oo doollar) oo loogu tallogalay tababaro lagu kobcinayo ilaalinta xuquuqda aadamaha dalalka kaalmada milatari siiyo Maraykanku.
Waa markii ugu horraysay ee Maraykanku taageero milatari oo ballaadhan u fidiyo dalalka adduunka ee xulafada kula ah la’dagaalanka argagixisadda.  taasi oo salka ku haysa qorshe istaraatijiyadeed oo lagu wiiqayo awoodaha kooxaha argagixisada isgarabsada ee adduunka ka jira.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *