Hargeysa(ANN) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augstina Mahiga, ayaa qirtay qoraal uu usoo diray xafiiskiisu Madaxweynaha Somaliland oo nuxurkiisu xanbaarsnaa weedho iyo ereyo gef iyo meel kadhac ku ah qaranimada Somaliland, balse Madaxweyne Siilaanyo

 

jawaab kulul ka bixiyay waqtigaa.
Ambassador Augstina Mahiga oo maanta booqasho gaaban ku yimi Somaliland, waxa uu kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafiiskiisa ku qaabilay, wuxuuna  Augstina Mahiga oo saxaafada la hadlay ka qirtay Madaxweynaha hortiisa qoraalka gefka ku ahaa qaranimada Somaliland oo wargeyska Geeska Afrika daabacay todobaadkan, balse waxa uu Mahinga sheegay inuu arrintaa oo u dhacday si khalad ah uu raali gelin ka bixinayo, isla markaana uu aqoonsanyahay waxa ay Somaliland qabsatay iyo nabadgelyada ka jirta.
Mahinga waxa uu sheegay weedhaha ku qornaa qoraalkaa qadaf ah ay sameeyeen shaqaalihiisu sida uu ku dooday mar uu xafiiskiisa ka maqnaa oo ay warqad ciwaan khaldan ah u soo direen Madaxweynaha Somaliland.
Mr. Mahiga waxa uu sheegay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta iyo qaranimadda Somaliland, wuxuuna mar labaad ku celiyay inuu  Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba ka raali gelinayo khaladkaa dhacay.

Wakiilka Qarramadda midoobay waxa uu sheegay in socdaalkiisa oo qaadan doona laba maalmood ay ujeedadiisu tahay sidii uu goob joog iyo markhaati uga noqon lahaa qaabka ay u dhacayso doorashadda deegaanka ee maalinta beri dalka ka dhici doonta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xafiiskiisa Hargeysa uu ka shaqaynayo sidii qarramadda midoobay xidhiidh adag ula yeelan lahayd Somaliland, wuxuuna  intaa  ku daray inay gacan siinayaan sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalladda u bilaabmay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaa  ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, taas oo madaxweynaha Somaliland ay ku sifeeyeen Madaxweyne dawlad goboleed. (halkan ka akhri qoraalka mahinga ee uu daabacay wargeyska geeska Afrika todobaadkan)

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *