Hargeysa (ANN)- Ururka ugu balaadhan ee ay ku bohoobeen qurbajooga Somaliland ayaa ku baaqay in la garab istaago Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana waxay usoo jeediyeen Axsaabta Siyaasada iyo Saxaafadba inay ilaaliyaan xeerarka Anshaxa ee ay saxeexeen.

 

 

 

Qoraal kasoo baxay gudida fulinta ee Ururkaa ayaa u qornaa sidan;- “Ururka Somaliland Forum waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland sida xilkasnimada leh ee ay u wadaan hawshii loo igmaday oo ah suurogelinta qabashada doorashooyinka Somaliland. Komishanku waxa uu ku ammaanan yahay sida ay u abaabuleen diiwaan gelinta iyo beddelaadda waraaqaha aqoonsiga iyo codaynta, go’aanka adag ee ay ka gaadheen muddaynta doorashada Madaxtooyada oo ay maantaba ku dhawaaqeen xilliga uu furmayo Olalaha doorashadu, iyo guud ahaan sida ay u dareensan yihiin xilka qarannimo ee ka saaran hawlaha mas’uuliyadda badan ee ay qaadeen.

Waxa kale oo uu Ururka Somaliland Forum hambalyo iyo bogaadin usoo jeedinayaa dhammaan shaqaalihii ka hawl galay qaybinta waraaqaha aqoonsiga ee cusub, gaar ahaan Ardayda Jaamacadaha, oo si waddaniyad ah door aad u muhiim ah uga qaatay hirgelinta qaybinta kaadhadhka cusub. Ururka Somaliland Forum wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Somaliland ay ku nabad-iyo-caano maashay wax-qabsiga ummaddeeda iyada oo aan hore iyo danbayso toona ku xidhin taageero dibedeed waxa ay qabsan karto ummaddeedu. Waxa sidaa darteed uu Somaliland Forum dhallinyarada waddaniyiinta ah ku dhiirrigelinayaa in ay ogaadaan in qof kasta oo muwaadin ah uu xil gaar ahi ka saaran yahay ka qaybqaashada dhiska tiirarka qarannimo oo ay doorashadu ka mid tahay.

Waxa uu ururka Somaliland forum xusuusinayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaanna inta mas’uuliyaddu gaar uga saaran tahay habsami u socodka doorashada (komishanka, dhinacyada loolanka ugu jira hanashada maamulka waddanka, shaqaalaha), in waxqabadka dhabta ahi uu ku xidhan yahay in ay dhacdo doorasho xaq ahi, oo ay ku dhacdo waqtigaa loo cayimay. Xubnaha Ururka Somaliland Forum waxay Ilaahey uga baryayaan in komishanka iyo dhamaan inta ku howlan meelmarinta doorashooyinka uu ku guuleeyo hawlaha iyo masuuliyadda baaxadda leh ee hayaan.

Ururka Somaliland Forum wuxuu shacbi-waynaha Somaliland ku ammaanayaa sida habsamida leh ee uu uga qayb galay qaadashada Kaadhka cusub. Waxaana uu ka codsanayaa dadwaynaha inay si anshax iyo waddaninimo ku dheehantahay ay u hirgeliyaan doorashooyinka, u codeeyaan si nadiif ah, una taageeraan Komishanka Qaranka sidii ay si nabad ah inoogu qabsoomi lahayd doorashooyinka sanadkan. Komishanka qaranku waa xilkas u baahan in la isku garabtaago hawsha ballaadhan ee ay ummadda u hayaan.

Ugu danbeyn waxa uu ururku ugu baaqayaa dhammaan axsaabta siyaasadda iyo saxaafadda Somaliland in la dhawro heshiiskii anshaxa doorashooyinka (Code of Conduct) lagana fogaado waxkasta oo dhaawici kara habsami u socodka arrimaha doorashooyinka qaranka.

Guul iyo Gobannimo,

Ururka Somaliland Forum

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta Somaliland ee qurba-joogga ah iyo kuwa ku nool waddanka gudihiisuba. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxana uu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani waxa uu rumaysan yahay in dadka Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh xubnaha Guddiga Dhexe ee Somaliland Forum adiga oo u diraya email: chair@somalilandforum.com.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *