dhawacataliyaha

 

Hargeysa(Araweelo News Network)Taliyihii Booliska Magaalada Arabsiyo oo dhinaca Galbeed kaga beegan Caasimada Hargeysa, ayaa geeriyooday. Kadib

 

markii dhaawac kasoo gaadhay Tacshiirad rasaas ah oo uu la beegsaday mid ka mid ah Askartiisa.

Taliyiha oo magaciisu ahaa Maxamed Ismaaciil (Maxamed Case), ayaa saaka la keenay Cusbitaalka magaalada Hargeysa, isagoo dhaawac ah, balse waxa uu geeriyooday gelinkii danbe ee maanta. Sida ay xaqiijiyeen hawlwadeenada Caafimaadka ee Cusbitaalka Hargeysa.

Askariga toogtay Taliyaha ayaa gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal, wuxuuna sheegay in Maxkamadda Ciidamada deg deg loo horgeynayo Askariga geystay dilkaa oo  loo gudbiyay xabsiga.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *