Hargeysa (ANN)Taliyaha guud ee Laanta baadhista danbiyada Booliska ee CID-da Daahir Muuse Abraar ayaa markii ugu horaysay waxba ka ma jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Sheekh Aadan Siiro looga yeedhay xarunta CID-da, isagoo intaa ku daray inay jirtay qoraal

xeer ilaalinta gobolku ay ugu soo qortay in wax laga weydiiyo arrimo uu ka hadlay, balse waxa uu sheegay in wararkaasi suuqa la galiyay oo aanay jirin qoraal rasmi ah oo loo diray Sheekh Aadan Siiro.
Taliyaha guud ee laanta baadhista denbiyada ee CID-da Daahir Muuse Abraar oo waxa uu sidaa u sheegay mar uu  xalay Wargeyska Haatuf wax ka waydiiyey wararka suuqa ku jira ee sheegaya in Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada Hargeysa uu isagu qoraal u yeedhid ah u qoray iyo waxa wararkaasi ka jira.

Mr. Abraar oo arinkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Arinkaasi iyo wararka sidaa sheegaya suuqa ayuunbaa la galiyey oo aan ka maqalnay, aniguse qoraal rasmi ah oo aan u qoray Sheekhaasi oo aanu kaga dalbanay inuu noo yimaado haba yaraate ma jiro, waxa weeyi warar suuqa lagu dhex tuuray oo aanay waxba ka jirin”

Mar aanu weydiinay taliyaha waxyaabaha sababay in wararkaasi ay suuqa galaan madaama aanay iyagu u yeedhin waxa u yidh “Waxa jiray qoraal xeer ilaalintu noo soo qortay oo ay leedahay ha la soo baadho arintaasi waxna ha laga weydiiyo, balse anigu meel aan warqad ugu qoray iyo meel aan ugu yeedhay ma jirto ilaa aan taliyahayga guud la tashado iyo inta aanu go’aan isla gaadhayno uma yeedhayo”.

Xigasho Haatuf

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *