Berbera (ANN) Tacriifad cusub oo ka duwan tacriifadda caadiga ah ee dawladda Somaliland wax ku cashuurto oo uu wasiir-ku-xigeenka maaliyadda Md. Warsame Siciid Cabdi jideeyey, ayaa la ogaaday in dalka lagaga lunsado lacag gaadhaysaa malaayiin shilinka Somaliland ah.Nuqul ka mid ah wax

ka beddelka qiimaha badeecadaha lagu cashuuro oo wasiir-ku-xigeenku soo saaray 14 December 2010 oo Jamhuuriya helay, ayaa waxa ku cad in qiimaha halka litir ee sharaabka carruurta ee Junior fruit juice uu ka dhigay $0.22, qiimahaasi oo xoggo Jamhuuriya helay lagu ogaaday in lagu cashuuro sharaabka Maangaha nooca dadka waaweyn ah, iyada oo lagu khaldayo in sharaabkaasi yahay maangaha yaryar ee carruurta loogu tallogalay, iyada oo halkaasina ay dalka kaga lunto lacag gaadhaysa malaayiin Shillinka Somaliland ah. Iyada oo falalkana inta baddan dhacaan xiliyada wasiirka maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi dalka ka maqan yahay, kaasi oo wakhtigan arrimo caafimaad iyo nasasho u jooga wadanka Sucuudiga.

Alaabooyinka tacriifada cusub u sameeyey wasiir-ku-xigeenka maaliyadu waxay kala yihiin;
1.Shalmado oo uu amray in darsinkii lagu cashuuro lacag gaadhaysa $7.5
2. Shalmado oo waarkiiba (per yard) waxa uu ka dhigay $0.25
3.Khamuun oo halkii  Kgrm  uu ka dhigay $0.8
4. Sharaabka yaryar ee carruurta (Junior fruit juice) oo uu litirkiiba ka dhigay $0.22, isaga oo isku qiimo ka dhigay sida warqadan ku cad cashuurta sharaab- carruureerka iyo sharaabka caadiga ee Mangada oo $0.35 litirkiibaa, kaasi oo u xidhay   shirkad ka mid ah shirkaddaha ka ganacsada sharaabka wadanka Somaliland, taasi oo sida la sheegay        xidhiidh dhaw laleh wasiir-ku-xigeenka maaliyada iyo qayb ka mid ah shaqaalaha maaliyadda
Dooni dekedda magaalada Berbera ku soo xidhatay 10 May 2011 oo siday 97 kun oo kees oo shaarabka baangada waaweyn ah oo lagu cashuuri lahaa lacag gaadhaysa,    ayaa waxa lagu cashuuray  tacriifadda cusub ee wasiir-ku-xigeenku sameeyey ee loogu   tallogalay sharaabka yaryar ee Junior Juice-ka ah, iyada oo ay ka soo xerootay lacag gaadhay 344, 846,956 milyan oo shilinka Somaliland ah,  halka ay haddii siddii saxda ahayd loo cashuuri lahaa laga heli lahaa dakhli gaadhaya 548  , 574, 712 milayn oo shilinka Somaliland ah,  waxaana sida cad halkaasi lagu lunsaday adduun gaadhaya 203, 727,755 oo shilika Somaliland.
Sida ilo-wareedyo kala duwani Jamhuuriya u xaqiijiyeen, sharaabkan tacriifadda qaladka ah lagu cashuuraa, waxa uu labadii biloodba mar yimaadaa dekedda magaalada Berbera, iyada oo safar kasta oo sharaabkani yimaadaba dalka lagaga lusado lacago xad-dhaaf ah oo wax weyn ka tari lahayd koboca dhaqaallaha Somaliland.
Xigasho Jamhuuriya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *