images/stories/suxufiga geeriyooday.jpg Hargeysa(ANN)Alle ha u naxariistee waxa shalay duhurkii ku geeriyooday magaalada Hargeysa  Marxuum- Muuse Maxamuud Axmed oo lagu naanaysi jiray  ( Muuse Ilkacase), oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Wasaarada Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Wargeyska Maandeeq.

 

 

Marxuum- Muuse Maxamuud Axmed, waxa uu u geeriyooday xanuun hayay muddo sanad ah waxaana aaskiisii ka soo  qeyb galay boqolaal qof oo isugu jiray Suxufiyiin iyo dadweyne tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa.

 Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan  (Geel Jirre)  ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahda Saxaafada Somaliland iyo Wasaarada Warfaafinta ee uu ka baxay Marxuum- Muuse Maxamuud Axmed (Ilkacase) oo shalay  ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isla markaana  galabnimadii  lagu aasay xabaalaha Xeedho ee caasimada Hargeysa.

 Wasiirku wuxuu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 Dhinaca kale, waxa Dhambaalo tacsi ah oo kala duwan u diray qoyskii uu ka geeriyooday marxuum- Muuse Maxamuud Axmed (Ilkacase) Suxufiyiin tiro badan oo ka mid ah  Suxufiyiinta ka hawl gala Ha’yadaha kala duwan ee Warbaahinta. Waxaanay sheegeen inuu ahaa nin  karti badan oo shaqadiisa ku fiicnaa.

 

 

 Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee marxuum- Muuse Maxamuud Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1974-kii waxaanu waxbarashadiisii dugsiga Hoose/Dhexe  iyo Sare ku soo qaatay magaalada Hargeysa, waxaanu 10-kii sanadood ee u dambeeyay uu ka hawl galayay Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan Wargeyska Maandeeq.

Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay sadex carruur ah oo kala ah laba gabdhood iyo hal wiil iyo laba xaas.
Maamulka hawlwadeenada iyo suxufiyiinta shebekada Araweelonews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan geerida suxufigaa tacsi u dirayaan eheladii, asxaabtii, qoyskii, qaraabadii iyo suxufiyiinta somaliland inaa Lilaah wa Inaa Ilayhu raajiciin, waxayna ilaahay ugu baryayaan inuu marxuumka janadii fardawsa ka waraabiyo dhamaan ehelkii qoyskii qaraabadii iyo bahada saxaafadana samir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *