Hargeysa(ANN)Ciidamada amaanka ayaa saaka subaxnimadii hore ku waaberiistay wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimada Somaliland ee Hargeysa iyagoo si taxadir ah u baadhaya gaadiidka, taas oo ahayd mid aan hore looga baran inay sidan oo kale ciidanka amaanka oo tuban

 

wadooyinka xili subaxnimo ah baadhaan gaadiidka gebi ahaanba wadooyinka Magaalada, waxayna dadku is weydiinayeen waxa dhacay, balse mar danbe ayay dad badani  ogaadeen inay tahay sadex sanadood ka hor maalintii ay Somaliland gashay murugada ee ay dhaceen qaraxyadii lagu weeraray Dhismaha xarunta Madaxtooyada, Xafiiska Dawlada Ethiopia ee Hargeysa iyo Xarunta UNDP ee Soamliland oo ku taal Hargeysa.
Weerarkaa oo aaha mid keenay khasaare dhimasho iyo dhaawaca. Kadib Markii qaraxyo lagu fuliyay sadex gaadhi oo nooca loo yaqaan Surf, abaara  10:00 subaxnimo  lala beegsaday goobahaa,  kuwaas oo qadar ilbidhiqsiyo ahi u dhexeeyay. Qaraxyadaa oo aanay cidna sheegan ayaa lagu eedeeyay kooxda Al-shabaab  ee ka dagaalama Koonfurta Somalia, waxayna sababeen   in Magaalada Hargeysa isku badasho goob murugsan .
Waxaana ku nafwaayay qaraxyadaa  29 qof oo ku kala sugnaa saddexda meelood ee qaraxyada lala beegsaday, kuwaas oo ay ku jireen askar badan oo ka mid ahayd ilaalada aqalka Madaxtooyada oo ahayd bartilmaameedka ugu weyn ee kooxda qaraxa ka danbaysay. Sidoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaacamay ayaa  qaarkood  ahaayeen dad safaarada Ethiopia u joogay inay ka qaataan fiisaha lagu galo dalkaa, kuwaas oo markii dambe maydadkooda laga helay burburka dhismaha safaarada oo gebi ahaanba dhulka galay.
Dhaawacyada qaraxyadaa  29 Oct, 2008,  ayaa  oo cisbitaalada Magaalada Hargeysa buux dhaafiyay maalintaa, iyadoo  markii dambe qaarkood u dhinteen dhaawacyada kasoo gaadhay qaraxa. Kadib markii dhakhaatiirka caafimaadku ay sheegeen in waxyaabaha qaraxa loo adeegsaday ahaayeen kiimiko ay adag tahay in qofku ka dhaawac kaco, isla markaana dhaawac-yadaa qaarkood  ayaa loo qaaday wadamada jaarka ah.
Qaraxyada ayaa lagu soo beegay iyadoo  ay Somaliland isu diyaarinay doorashada Madaxtooyada  Somaliland, taas oo diwaan gelinteeda oo bilaw ahi  ka socotay gobolada dalka, waxaana xiligaa Madaxtooyada   ku sinaa Madaxweynihii waqtigaa Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna isagoo qaraxa ka dib dareenkiisa cabiraya yidhi, “Aad iyo aad ayaan uga xumahay waxa maanta ka dhacay Somaliland, waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa in  nabadoodii iyo jiritaankoodiiba la handaday, waxaan kula talinayaa inay foojignaadaan indhahana kor u qaadaan, cadowga ku dhex-jirana ay gudahooda ka baadhaan oo nin kasta oo muwaadin ahi ciidamada nabadgalyada soo ogaysiiyo, wixii  ay
dareemaan iyo wixii  ay ka shakiyaan.  Ciidamada qaranka iyo kuwa nabadgalyadana waxaan leeyahay heegan buuxa saacadaa laga bilaabo waa inaad gashaan oo aad sugtaan amniga dalka.” wuxuuna isagoo fariin u diraya kuwii qaraxaa ka danbeeyay yidhi, “Waxaanu idiin sheegaynaa in aanaan is-dhiibayn oo aanu si geesinimo leh uga hortagi doono (Cadowga), qarankuna wuu soconayaa.”

Dadka Qaraxyadaa  ku nafwaayay waxa  ka mid ahaa Xoghayihii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Marxuum Daahir Cali  Iid,   La-taliyaha Madaxweynaha ee hay’ddaha caalamiga ah  Marxuum Xuseen Afgaab, Xildhibaan Marxuum Maxamed Cismaan (Libaaxo) oo Golaha Guurtida ka tirsanaa, Madaxii Nabadgalyada ee hay’dda UNDP Axmed Cali Geelle, Taliyihii Sirdoonka gobolka Maroodi-jeex  Marxuum Ibraahin  iyo waliba shaqsiyaad kale oo aan magacyadooda halkan lagu koobi karin.
Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana ah  simaha Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta hadal oo ku wajahan maalinta murugada leh eek u beegan sanad guuradii sadexaad ee qaraxyadaa ugu baaqay shacbiga Somaliland inay ka feejignaadaan oo ay ciidammadda amaanka kala shaqeeyaan sugida xasiloonida dalka.
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sidaa ka jeediyay hadal kooban oo uu ugu tallo galay sanad guuradii sadexaad ee kasoo wareegtay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay dalka 29-kii Ocbtober 2008-kii oo maanta ay ku beegnayd , waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay qaraxyadaa.
“Runtii maanta waxay ku beegan tahay dhacdadii naxdinta lahayd waxay ahayd maalin ku madow Somaliland taariikhdeeda waana maalintii niman isa soo biimeeyay ay qaraxyo ka gaysteen sadex xarumood oo ku yaala Hargeysa oo kala ahaa Madaxtooyada, xafiiska Itoobiya iyo xaruntii UNDP, waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaaa qoysaskii dadku kaga dhinteen qaraxyadaasi waxaanan dadkii ku dhintay ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.
Madaxweyne Ku xigeenka wuxuu shacbiga ugu baaqay inay ciidamada ammaanka gacan siiyaan isla markaana feejignaadaan. “Waxaan shacbiga Somaliland ku dardaarayaa inay si aanay waxaasi mar kale inoogu dhicin waa inay ka feejignaadaan dadka dhibaatadaasi wada ee meelaha kale inooga imanaya oo ay ciidanka nabadgelyada ka gacan siiyaan wixii nabadgelyadeena wax u dhimaya anigoo aad iyo aad ugu mahad naqaya shacbiga sida wada jirka ah ee ay u ilaashadaan nabadooda kana feejigan yihiin wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah,”ayuu yidhi C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *