Hargeysa(ANN)Rabshad gacan kahadal ah ayaa saaka subaxnimadii hore ku dhexmartay cutub ka tirsan Ciidamadda Booliiska Somaliland iyo qoysas deganaa Cusbitaalkii Jajabka ee Duleedka dhinaca Bari ee Cusbitaalka guud oo uu dhismayaasheeda sameeyay 1979-kii Bile Rafle oo ahaa

 

Badhasaabkii xiligaa ee dawladii Somalia.
Rasaas ay is weydaarsadeen ciidanka Booliska iyo qaar ka mid ah qoysaska goobtaa degaanaa ayaa socotay qadar saacad iyo dheeraad ah. Kadib markii ay dadka dhismayaasha ku jiray oo lagu wargeliyay inay ka guuraan goobtaa oo ay dawladu sheegtay in laga samaynayo cusbitaal casri ah ku gacansaydheen, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo uu ku geeriyooday falkaa Marxuum Maxamud Iid Ibraahim oo ahaa wiil da’adiisa lagu qiyaasay 18-20 jir, oo kasoo jeeda qoys danyar ah, isla markaana ka mid ahaa Aradayda sanadkan ugu saraysay Jaamacadda Hargeysa.
Aabaha dhalay wiilkaa yar dhalay Iid Ibraahin oo ah nin Naafo ah, ayaa meherad yar ku haysta  afaafka hore ee dhismahaa. Sidoo kale waxa falkaa ku dhaawacmay laba qof oo waayeel ah, kuwaas oo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo dhismahaa ku qabsan loola cararay.
Xukuumadda ayaa mar danbe keentay ciidamo dheeraad ah, iyadoo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ay hogaaminayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kale goobtaa gaadheen. Kadib markii rabshadahaasi sababeen inay dadka xaafadaa deganaa Taayiro ku shidaan wadooyinka laga galo dhismayaashaa, balse mar danbe ayaa la xaliyay mushkiladaa, waxaana dadkii ku jiray guryahaa loo raray goobtii hore loogu qorsheeyay oo ku taala Koonfur galbeed magaalada Hargeysa.
Mudooyinkii u danbeeyay waxa soo baxayay muran ku saabsan sidii ay dadka degan dhismayaashaa uga guuri lahaayeen. Kadib markii wadahadalo gudi dadka halkaa deganaa iyo masuuliyiinta dawladda dhexmareen,  balse waxa jiray muran iyo doodo dadka qaarkood qabeen. iyadoo xukuumaddu ku wargelisay dadkaa inay ka guuraan goobtaa oo ay sheegeen in laga dhisayo Cisbitaal casri ah oo ay dawladda Talyaanigu maalgelinayso.
Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda arrimha gudaha Somaliland mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta ka hadlay dhacdadaa ayaa  shir jaraa’id  oo uu ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda arrimaha gudaha waxa uu Tacsi ugu diray eleladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah Hawnaxariistee   marxuun Maxamed Iid Ibraahin oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku geeriyooday hawl galkaasi ay ciidamada Boolisku kaga rarayeen dadkii daganaa dhismaha cisbitaalkii hore ee jajabka, wasiirku waxa kale oo ILAAHAY caafimaad uga baryay dadkii kale ee ku dhaawacmay hawlgalkaa ay ciidanka Boolisku fuliyeen.
“Waxa maanta dhacday hawlgal uu ciidanka boolisku fuliyay kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac aan lagu tallo galin, ugu horayn waxaan halkan Tacsi uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha naxariistee marxuun Maxamed Iid Ibraahim oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ay laba geeriyood ku dhaceen, waayo waalidka dhalay waxa uu ahaa waalid taag daran oo naafo ah markaa waa laba geeriyood Tacsi tiiraanyo leh baanu udiraynaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan baadhayaan sababta falkaa rabshada keenay u dhacay, isagoo yidhi,  “Sidii ay wax u dheceen baadhis  baanu ku haynaa, waana ku guda jiraa. Hawlgalka Boolisku ku socdayna  wuxuu  ahaa hawl-gal qaran markaa tallaabo kasta oo ciidan marka la qaadayo waxa ka imanaya dhibaato, markaa dhimasho aan lagu tallo galin maadaama oo ay dhacday dhiiga qofka bina aadanka ahina uu yahay wax qaali ah oo aanay ahayn in la dhaylsado , waase wax adduunyada dhaca. Waxaan aad uga ugu xumahay sidii ay wax u dhaceen waxaan amar ku bixinay in baadhitaan la galo oo sidii ay wax u dheceen la baaadho. waayo geeri  lagu tallo galay may ahayn, falkasta oo la fulinaayo waxaan lagu tallo galin baa ka yimaada. Masuuliyada  geeridaasi waa masuuliyad qaran, laakiin waxa noo garab socota siday wax u dheceen,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha gudaha Duur wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inaanay ku dagaalamin dhulka danta guud  isagoo yidhi,  “Waxa la fulinaayay waxay ahayd danguud, dan qof gaar ahi leeyahay may hayn. Dhismihii cisbitaalka jajabka ayaa waxa loo baahday in cisbitaal kale laga dhiso, horena cisbitaal bay u ahayd danta guudna waa hanti ummadeed, waxaan leeyahay tani way inagu dhacday.  laakiin dan guud oo dalku leeyahay qofawna ha ku dagaalamin, waxa kale oo aanu ka xumahay in iska horimaado hubaysan amma dhimasho keenaa dadka dhex maraan wixii dhibaato ah ee ka dhashayna wada hadal baanu ku xalinaynaa. Arrintani may ahayn qof-qof boos ka kicisanaaya laakiin waxay ahayd arrin qaran oo danta guud ah.”
Dhinaca kale warar soo baxay saacado kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha shirkaa jaraa’id qabtay ayaa sheegaya in rabshadaa uu xilkiisa ku waayay Xoghayihii Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur, kaas oo xil kaqaadistiisa wasiirka arrimaha guduhu  u xaqiijiyay Idaacada VOA galabta, iyadoo loo magacaabay xilkaa  Mawliid Waris Cabdillaahi oo ahaa Guddoomiye Ku xigeenkii Gobolka Hargeysa, kaas  oo saaka shaaciyay inuu iska casilay xilkaa uu hore u hayay.
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *