Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inay  xukuumadda Somaliland hakisay wada hadaladii ay la lahayd dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay inay dawlada cusub ee la filayo in lagu

soo dhiso shirka ka socda Muqdisho la bilaabi doonaan wadahadaladii ay la bilaabeen dawladda sh. Shariif.

Dr. Maxamed C/llaahi, wuxuu  sidaa  ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, wuxuuna isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Wada hadaladii aanu dhawaan u furmay Somaliland iyo Soomaaliya anigu waan soo dhaweynaynaa, sida la og yahay Soomaaliya waxa ka bilaabmsay tartan dhanka siyaasada ah, markaa maamulka cusub ee la filayo ayaan halkaa wada hadalada kasii wadi doonaa markaa arrimahaa ayaanu si  ku meel gaadh ah ugu hakinay.Maamulka KMG ah ee aanu wada hadaladu furnay raali ayaanu ku ahayn,laakiin hada  isbdal baa jira oo waxaanu ka war sugaynaa isbedelkaa.”ayuu yidhi.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland, ayaa dhaleecayn u jeediyay  shir urur diimeed lagu magcaabo Al-islaax oo ka mid ah kuwa ka jira Soomaaliya dhawaan ku yeesheen magaalada Hargeysa oo aanay xukuumadda Somaliland waxba kala socon, kaas oo ay kasoo saareen baaqyo la xidhiidha jiritaankooda iyo xubno ay sheegeen in laga saaray ururkaa oo la yidhaahdo Ictisaam, wuxuuna isagoo arrintaa  ka hadlaya yidhi,  “Arrintaasi waxay  xidhiidh lahayd shir koox xagga Diinta ahi Magaalada Hargeysa ku qabteen, hadalada ay saaxafada caalamka siiyeen waxa ay kaga hadleen siyaasada, waxa ay farogelin ku ahayd siyaasada wadamada deriska ah sida Soomaaliya, cidii doonaysa inay ka hadlaan arrimo siyaasadeed oo dalka halkan lagama ogola.” Ayuu yidhi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *