Hargeysa (ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa maanta go’aan kama-dambays ah ka gaadhay dacwadii loo haystay duuliyayaasha diyaarada Saanada Milatari u sidday Maamul goboleedka Puntland, waxayna eedaysanayaashii watay Diyaarada oo u dhashay Dalka Russia ku xukuntay

midkiiba    hal sanno oo xadhig ah, kuwaas oo ahaa  Lix duuliye. Sidoo kale waxay xukuntay Maxkamaddu   in dhammaan lala wareego saannadii Milatari ee ay sidday Diyaaraddu.

halka ay Maxkamadda Gobolka Hargeysi, ganaax lacageed oo dhan 23 Milayn oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay diyaaradda saannada sidday, iyadda oo duuliyayaashana mid walba ku xukuntay saddex Milyan oo Shilinka Somaliland ah, oo isku noqonaysa 18,000,000 oo Somaliland shilin ah.

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, oo saaka isagu xukunkan ku riday diyaaradda iyo duuliyayaashaba, ayaa maxkamadda oo ay xaadir ku ahaayeen guud ahaan lixda duuliye oo u dhashay dalka Ruushka ka akhriyay cadaymaha ay xeer-ilaalinta guud ee qaranku u cuskatay dacwadda lagu soo oogay kooxdaa ruushka ah, waxaanu sheegay in markii ay si waafi ah uga fiirsatay eedaha ee cadeymaha ay ku qanacday, sidaas daraadeedna maxkamaddu iyadda oo cuskanaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee adduunka uga yaala  falalka noocaas ah ay go’aan ku gaadhay inay duuliyayaasha ku xukunto min hal sano oo xadhig ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxa uu sheegay in cadaymaha xeer-ilaalintu soo bandhigtay ay ahaayeen kuwo dhammaantood run ku salaysan, isla markaana duuliyayaashani ay ku soo xad-gudbeen hawada Somaliland, iyagga oo sidoo kale ka been sheegay shixnada ay siddeen oo ahayd saannad Milatari, balse ay iyaggu ku sheegeen inay siddaan qalabka baabuurta lagu dayactiro (Spare-Parts), taasina ay beenowday.

Sidoo kale, Guddoomiye C/raxmaan Hayaan, waxa uu tilmaamay in duuliyayaashan iyo diyaaradooduba ay jabiyeen cunaqabatayntii hubka ee saarnayd dalka Soomaliya, maadaama oo ay gobolo dalka Soomaliya ah u wadeen hub sharci darro ah.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay Somaliland ka mabnuuc yihiin shirkaddaha magacyadoodu ku xusnaayeen Maano-feestada ay siteen duuliyayaasha diyaaradu, kuwaas oo ay ka mid tahay shirkada Magaceedu yahay (Puntland Development Group).

Diyaaradan maanta duuliyayaasheeda la xukumay ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigal International Airport soo cago dhigatay 10 bisha December 2010-ka, iyadda oo ilaa wakhtigaa dawlada Somaliland ka baaran-deysay wixii laga yeeli lahaa, waxaana mudadii ay Xukuumadda Somaliland Diyaaradda haysay baadhitaankeeda ka qaybgalay koox ka socotay Guddida cunaqabataynta hubka ee Qaramada midoobay iyo Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo indhohooda ku arkay qalabkii iyo saannadii Milateri ee saarayd Diyaardda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *