Hargeysa(Araweelo News Network) Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade oo ah La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee gobollada Bariga oo dhawr

 

todobaad ka hor si cadho ah ugu laabtay deegaanka uu kasoo jeedo ee Xudun, ayaa kusoo laabtay caasimada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay dagaalka Ciidanka Qaranku kula wareegeen tuulada Saax-dheer ee kooxda Cali Khaliif Galaydh laga saaray.

Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu sheegay inuu ka xunyahay in dhiig ku dadaato gudaha Somaliland, isla markaana aannu jeclayn cidda wada khal-khalgelinta nabadgalyada dalka.

“Inta warbaahinta ku qoran uunbaa Saax-dheer ka war-hayaa, dadka dhintayna aad iyo aad ayaan uga xumay, in Somaliland dhexdeeda dhiig ku daatana ma jecli, cidda khal-khal ka wadda dhexdeedana ma jeceli, Wallaahi anigu ciidanka Qaranka si gaar ah waxaan u arkaa ciidan fiican oo wanaagsan, Saax-dheer weligay maan arag, laakiin waxaan u malaynayaa inay xuduudda ku taalo. Caalamka sidaas darteed inoo leeyahay kasoo baxa,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde oo waraysi siiyey telefishanka Bulsho. Kadib markii uu soo gaadhay Magaalada Hargeysa.

Siyaasiga Fu’aad Aadan cade,  waxa uu mar kale ku celiyey in aannu marnaba ka tegayn Somaliland, balse si cad uga hadal ujeeddada socdaalka uu ku tagay degmada Xudun, “Ilaa Shan casho meelahaas Burco ayaan joogay, maantana Hargeysa ayaan ku suganay, waana la nabad qabaa oo waa la fiican yahay, tasaana waa markhaati inaanan marna Putland tagin, niyadana ku hayn inaan tago.”ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cade.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *