Hargeysa(ANN)”Dawlada Somalia iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa.

Hadaan wax yar ka idhaahdo ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somalia, arintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somalia balse waxay iminka agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida ukordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya dhawaaqa Maraykanku dhowaan ku sheegay inuu ku aqoonsaday dawlada cusub ee Somalia.

Hase yeeshee wuxuu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in aanay arrintaasi ahayn mid saamayn ku yeelanay qaranimada Somaliland iyo aqoonsigii ay dunida ka raadinaysay, isla markaana aanay waxba ka bedelayn xidhiidhkii Somaliland iyo Maraykanka, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo taa bedelkeedana qudbadiisa ku xusay in fariin ay kasoo gaadhay dawlada Maraykanka,  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Somaliland iyo Dawlada Maraykanka xidhiidhkii inoo dhexeeyay waxba iskama bedelin,wada shaqaynteenu waa sideedii, waxaad illa dhugataan fariintan oo wasaarada arimaha debadu igasoo gaadhay “U.S. recognition of the government of Somalia will not prevent the U.S. government from engaging in Somaliland nor prevent us from conducting our programs in Somaliland. We made sure to clarify this with the Somali government before deciding to recognize them”.

sidoo kale wuxuu jawaab ka bixiyay aragtida Somaliland ee dhawaaqa dawlada Britain, isagoo yidhi, “Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo jawaab ka bixinaya dhawaaqa dawlada Britain ku sheegtay inay muwaadiniinteeda kala baxay Somaliland sababo dhinaca amaanka ah.”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadalkaa ka sheegay qudbad sanadeedii 30 Jan, 2013 uu ka jeediyay laba gole Baarlamaan, wuxuuna isagoo la hadlaya golayaasha, axsaabta, shacbiga iyo dhamaan Bulshada Somaliland iyo doorkooda yidhi, “Walaalayaal, baahida ugu weyn iyo shayga ugu muhiimsan ee qarankan Somalilandku naaloonayaa waa aqoonsi iyo ictiraaf uu ka helo dunida, waxaynu soo samaynay dedaal badan iyo dhabar adayg aynu 22 sanadood ku raadinaynay qadiyadeena ummadnimo, waxaana marag-madoon ah in wax weyni inoo qabsoomeen meel fiicana aynu joogno balse waa masiir umadeed oo inooga baahan tacab intaa kasii badan, dedaalkeena labanlaabno, gacmaha is-qabsano oo si wada-jir ah uga wada shaqayno xukuumad, golayaasha, shacbiga , xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba.

Wax kasta oo qaaliya waxaa lagu gaadhaa, qiimo badan iyo wax qaaliya, ummadani waxay madax-banaani iyo gobonimo ku gaadhaysaa iyadoo loo guntado, in garasho sax ah lagu baadi-doono oo loo wada fahmo madaxbanaanidu inay tahay masiirka ummadeed oo cidkasta xil iyo masuuliyadi ka saarantahay, ma aha wax maalin iyo habeenkeed meel lagasoo qaadayo, ma aha wax xukuumadu iska leedahay, waase shaqo loo igmaday, ma aha meel aad mucaaradnimo ka daydo, ama aad istidhaahdo cid ku xumee ee waa qaranimadii oo xil baa inaga wada saaran dhamaanteen.” ayuu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya doorkiisa hogaamineed ee aqoonsiga Somaliland, ka midha dhalinta siyaasada iyo himilooyinka qaranka, waaya aragnimadiisa, isla markaana si sarbeeb ah uga jawaabaya dhaliilaha lagu xanto ee lagula xidhiidhiyo inay hoos mariyaan kooxda la shaqaynay, ama cid kale, waxa uu yidhi,    “Madaxweyne ahaan intii aan xafiiska joogay waxaan qaaday talaabooyin badan waxaan garaacay albaabo badan, waxaana iga go’an in aan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii aan dalkan aqoonsi iyo madax-banaani u gaadhsiin lahaa, si aan yoolkaa u xaqiijiya diyaar u ahay inaan hor fadhiisto cid kasta, talaabo kasta oo arintaa lagu gaadhi karana waxaan diyaar u ahay inaan qaado.

Waxaanan ogsoonahay in xilka koowaad aniga iga saaranyahay, balse Ictiraafku ma aha wax aniga gacantayda ku jira ee waa wax gacan kale inagaga xidhan, Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo qudbad sanadeedii 2013, taas oo uu maanta ka jeediyay fadhiga labada gole baarlamaan ee Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *