Hargeysa (ANN)- Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiisay Guddidii Qabanqaabada 18 May, Telefishanka HCTV iyo shaqaale ka tirsan SOMTEL.
Xafladda SOMTEL shahaadooyinka ku bixisay oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirrada boosaha iyo isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Oday, Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), maayirka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Mr. Abiib Diiriye Nuur, madaxa baratakoolka madaxtooyadda, Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Hargeysa iyo Golis, agaasimaha telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Illig, maamulka Shirkadda SOMTEL, saraakiil ka tirsan Dahabshiil iyo martisharaf kale oo lagu casuumay.
Madaxa hawlgelinta Shirkadda SOMTEL Mr. Cawil Saalax Cabdi oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedadda shahaadooyinka loo guddoonsiiyey Guddida qabanqaabada munaasibadii 18 May ay tahay qaabkii quruxda badnayd ee ay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uga qabsoontay, arrintaasi oo muujisay sida dadweynaha reer Somaliland ugu heelan yihiin midnimada iyo jiritaanka Somaliland, waxa kale oo Mr. Cawil xusay in telefishanka HCTV isna shahaadada ku mutaystay baahintii tooska ahayd ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa looga wada daawanayey xusaskii kala duwanaa ee lagu maamuusayey maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, iyada oo shaqaalaha SOMTEL oo HCTV dhinaca farsamada Internet-ka ka caawinayeyna la guddoonsiiyey shahaado sharaf.
Waxa Mr. Cawil Saalax Cabdi ballanqaaday in shirkadoodu dhawaan furi doonto adeega maqal iyo muuqaal ee dhinaca isgaadhsiinta moobilka gacanta ah si dadka macmiisha ah ee wada hadlayaa si toos ah isu arki karaan, isla markaana adeegooda Internetku noqon doono mid tayadiisu sarayso oo suurtogelinaya in si toos ah ardaydu ula socon karaan casharada jaamacadaha dalka dibadiisa ah.
Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo madaxa baratakoolka madaxtooyadda Mr. Maxamed Ilkacase oo u hadlay gudidii qabanqaabada xaflada 18 May iyo agaasimaha telefishanka HCTV Mr. Maxamed Cabdi Illig, ayaa dhammaantood shirkadda SOMTEL uga mahadceliyey shahaadooyinka ay guddoonsiiyey ee lagu qiimeeyey kaalintii ay ku lahaayeen xusaskii loogu dabaaldegayey sannadguuradii 20aad ee ka soo wareegtay dib-ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland, iyada oo xusay in baahiyda ugu weyn ee Somaliland taal tahay dhinaca internerka oo haddii Internet awoodii aad u sarayso la helo baahiyo badan laga bixi lahaa.
Masuuliyiintii kale ee xafladaa ka qaybgalay oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa shirkadda SOMTEL uga mahadceliey doorkii ay ka qaateen xuskii 18 May iyo baahintii tooska ah ee telefishanka madaxbannaan ee HCTV.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *