munaasibadabiyaha1Hargeysa(Arraweelo News) Agaasimaha guud ee Wasaaradda khayraadka Biyaha Somaliland, Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa maanta xadhiga ka jaray shirkadda HORN DRILLING COMPANY, ayaa ah shirkad ka shaqeynaysa

 

qodidda ceelasha biyaha iyo sahaminta goobaha ay biyuhu ku jiraan ee baahan in ceelal biyood laga qodo.

Shirkadda HORN DRILLING COMPANY, oo ay aasaaseen dhalinyaro reer Somaliland, oo u istaagay inay cilmiga ay soo barteen ee riigaga biyo soo saarka uga faa’ideeyaan shacabka ku dhaqan Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika, ayaa waxay wadataa qalabkii lagu qodayey ceelasha biyaha iyo weliba qalabkii sahaminta.

Munaasibadda lagu daah-furey shirkadda HORN DRILLING COMPANY, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Agaasimaha Waaxda Biyaha, Madaxda shirkadda HORN, Masuuliyiin ka socday hay’adda FAO, Waaxdeeda Sahaminta iyo weliba Marti sharaf kale oo tiro badnaa.

Eng. Cumar Daa’uud Axmed, oo ah Injineerka guud ee shirkadda HORN DRILLING COMPANY, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedada loo aasaasay shirkaddan oo ay ku mideysan yihiin dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka soo baxay Jaamacadaha dalalka dibadda iyo kuwo qurba-joog ah “Shirkaddan waxa aasaasay dhalinyaro dalka jooga iyo kuwo Qurba-joog ah, annaga oo doonayna inaanu dalkan uga faa’ideyno aqoonta aanu baranay, ka dib markii aanu ogaanay inay jirto baahi dhanka biyaha ah” ayuu yidhi, Eng. Cumar Daa’uud Axmed, waxaanu intaasi ku daray in shirkaddani ay kaga duwan tahay shirkadaha kale ee la mihnadda ah inay leedahay xafiis oo mar walba uu dadka u furan yahay, isla-markaana tahay shirkad ay u diyaar yihiin qalabkii lagu qodayey ceelasha biyaha iyo weliba qalabkii lagu sahaminayey “Shirkadda Horn Drilling, waxa ka hawl-galaya dad aqoon u leh, waxaanu qodeynaa ceelasha ugu dhaadheer dalka, waxa naga balan ah in aanaan qodin meel aan la sahamin”

Eng. Daa’uud, waxa kale oo uu sheegay in shirkaddoodu hayso qalabkii lagu sahaminayey meelaha la doonayo in ceelal biyood laga qodo “Waxaanu haynaa qalabkii sahaminta oo isku dhan, hawsha markaanu bilaabayno waxaanu la socodsiinaynaa wasaaradda Ganacsiga”ayuu yidhi, Injineerka guud ee Shirkadda HORN DRILLING COMPANY, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxaanu rejaynaynaa inaanu kafeyn doono baahida biyood ee dalalka Geeska Afrika”.

Agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, Maxamed Maxamuud Cawaale, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirkadda qodista ceelasha biyaha iyo sahamintooda ee HORN, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in dhalinyaro reer Somaliland ee ay aasaasaan shirkadda awooddaasi leh oo dalka biyo soo saar ka samaysa, isaga oo tilmaamay in dhalinyaradani ay tusaale fiican u yihiin dhalinyarada kale ee dalka ka tahriibaysa, waxaanu xusay in xukuumaddu ay muhiimadda siinayso shirkadaha Waddaniga ah iyo kuwo ajaanib ah ee dalka ka shaqeynaya “Dawladda Somaliland waxay shirkadaha shisheeye iyo kuwo waddaniga ahba u arkaysaa muhiim, waxaana jira xeer dhiirigalinaya Maalgashiga dalka” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, in wasaaradda ganacsigu dhiirigalinayso in dadka intii isku mihnad ahiba ay midoobaan, si wax soo saarkoodu u hirgalo “Wasaaradda ganacsigu waxay dhiirigalinaysaa in dadka intii isku xirfad ahiba midoobaan oo ay aqoontooda mideeyaan”

Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu farxay shirkadan oo uu ku tilmaamay inay isugu tageen dhalinyaro wadaniyiin ah wuxuuna halkaasi gudoomiyuhu ka balan qaaday inuu u hayo shirkada kuna soo dhoweynayo ceelkii ugu horeeyey ee ay ka bilowdo Somaliland Waxaana uu Gudoomiyuhu Hadalkiisa Ku Bilaabay sidan “Waxaan u mahad-naqayaa dhalinyarada aasaastay shirkadda HORN DRILLING COMPANY iyo ganacsatada debada ka riixaysa, waxaan leeyahay waxaad arkaysaan baahida biyood ee ka jirta dalka, weliba waxaan leeyahay anniga iigu horeysiiyo oo ceel biyood diyaarsan noo sii wada” ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Hawd, oo sidoo kale balan-qaaday inuu Badhasaabada dalka oo uu isla maanta shirka kala qayb-galayey uu la socodsiinayo in dalka laga aasaasay shirkad biyo soo saar oo ay ka shaqeynayaan dhalinyaro aqoon leh taasi oo Bulshada ka haqab tiri doonta Qodista Ceelal Biyood.

Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Faarax Darwiish, ayaa isaguna tilmaamay in loo baahan yahay in la cilmiyeeyo biyo soo saarka dalka, maadaama oo aan guul laga gaadhin ceelashii Somaliland laga qodayey ilaa 1991-kii “ilaa 1991-kii wax ayuunbaa laga qodayey Somaliland, laakiin waxay u baahan tahay in la cilmiyeeyo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo hoga tusaaleynaya dhalinyarada aasaastay shirkadda HORN DRILLING COMPANY “Waxaan idinku hambalyeynayaa inaad riig keentaan, waxaanan idinkula talinayaa inaad isku daydaan inaad wax isku darsataan (Dadka kale ee aqoontan leh), dadkuna waxay idinka sugayaan adeeg nadiif ah, annigana xafiiskaygu wuu idiin furan yahay”

Masuul ka socday xafiiska Somaliland ee hay’adda FAO, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka balan qaaday inuu Maamulka shirkadda HORN DRILLING COMPANY siinayo sahamin laga sameeyay guud ahaan Somaliland, kaasi oo muujinaya sida uu dhulku u samaysan yahay, isla-markaana shirkaddu markay bilaabayso hawlaha qodista ceelasha biyaha u fududaynaya ogaanshiyaha dhulka biyuhu ku jiraan ee ay sahaminayso.

Munasibadda oo uu sidoo kale uu ka hadlay Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Faysal Sheekh Xasan Muuse, ayaa waxa soo gunaanaday Agaasimaha guud ee Wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland, Cabdirisaaq Jaamac Nuur, waxaanu halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku sheegay inuu soo dhaweynayo aasaaska shirkadda HORN DRILLING COMPANY, oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonto dhimista biyo yaraanta dalka ka jirta.

Shirkadda HORN DRILLING COMPANY, ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee qabsata Munaasibad lagu soo bandhigo hanaanka ay u shaqeynayso, halka shirkadaha kale ee ku Magacaaban biyo soo saarku ay si hoose uga dhex shaqeystaan dalka, iyaga oo aan la aqoon xafiiskooda ama meel kale oo lagala xidhiidho haddii loo baahdo.

Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *