Muqdisho(ANN)Shirkii Odayaasha dhaqanka Soomaalida ee ka socday Muqdisho, ayaa la hakiyay. Kadib  markii buuq iyo sawaxan ka bilaabmay maanta  hoolka uu shirku ka socday, isla markaana qaar ka mid ah ergooyinku isku maandhaafeen dooda dastuurka qabyada ah ee

 

la doonayo in la ansixiyo.
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah ergada ka qaybgalay shirkaa, waxa maanta shirka hakiyay buuq iyo sawaxan ka dhashay dooda ku waajahan dastuurka qabyada ah, kadib markii qaar ka mid ah ergooyinku ku doodeen in dastuurka madmadaw badani ku jiro, isla markaana aanay ku cadayn xuduudaha dhinaca Badda,  Beriga iyo Hawada ee uu yeelanyo dalku.
Sidoo kale waxay xubnaha ku sugan madasha shirku sheegeen in ay  jirto kala qaybsanaan ay ergooyinku ku kala aragti duwan yihiin qodobada dhaliisha loo jeedinayo, iyadoo ergooyinka qaarkood doonayaan in sidaa lagu meelmariyo dastuurka, halka kuwa kalena doonayaan in qodob qodob  loo naaqisho, isla markaana qodobada dhaliisha loo jeedinayo wax laga bedelo.
“maanta markii doodii gashay khilaaf iyo inay qaar ka mid ah ergooyinka deegaanada kala duwan ka yimi gacanta isula tagaan, ayaa shirkii la xidhay, laakiin waxa jira kulamo ay ergooyinka deegaanda Muqdisho iyo kuwa  ka mid ah dhinaca kale ee diidan in sidaa lagu ansixiyo dastuurka oo ay iska soo horjeedaan kuwa ka yimi deegaanada dhinaca Puntland oo doonaya in sidaa lagu ansixiyo dastuurka ay wada yeesheen, waxayna isla garteen in gudi la sameeyo, markaa waxa socda is xulufaysi. Laakiin waxaad moodaa inaanu jirin ajande ku waajahan dastuurka oo aan ahayn in la doonayo in sidaa lagu ansixiyo. “ ayuu yidhi mid ka mid ah ergada ka qaybgashay shirkaa ee k u sugan hoolka shirka ku socdo oo ka gaabsaday in la xuso magaciisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xeer hoosaadka loo qaybiyay ergada loogu sheegay si cad in haddii ay ansixiyaan iyo haddii aanay ansixin dastuurka oo ay diidaan in lagu dhaqayo Soomaaliya ilaa inta la helayo dastuur cusub oo ay Soomaaliya yeelanay, “waxa muuqata inaan dadka meesha laysugu keenay waxba la weydiinayn oo waqtiga lagu luminayo , sababtoo ah marka sidan maanta oo kale buuq uga dhasho madasha , waxa beri oo kale nalagu xeraynayaa hool halkaas oo heeso ay lagu maaweelinayo dadka, waxaana meesha ka baxaya  wixii laga hadlayay iyo in lasii wado doodii shalay socotay ee dastuurka.” Ayuu yidhi ergaygaa ku sugan hoolka shirka la doonayo inay odayaasha dhaqanku ku ansixiyaan dastuurka Somalia.
Dhinaca culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaleeceeyay dastuurka qabyo qoraalka ah, waxayna sheegeen inay mudaharaadyo lagu diidanyahay samaynayaan, iyagoo ku tilmaamay dastuurka  mid aan anfacayn ummada Soomaaliyeed oo ay wataan dawlado shisheeye, taas oo ay sheegeen inaanay ka soconayn Somalia. sidoo kale waxa shirka la doonayo in lagu ansixiyo dastuurka si weyn uga soo horjeeda kooxda al-shabaab ee dagaalka kula jirta dawlada taagtadaran, kuwaas oo balanqaaday inay weerarayaan hoolka shirka oo ay dhowaan ka sameeyeen albaabkiisa qarax aan khasaare geysan, balse cabsi geliyay ergada ku sugan halkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *