Istanbuul(ANN)Shirka Arrimaha Somalia  ee lagaga  hadlayay xaaladdaha siyaasadeed dhaqaalle, nabadgelyo,  horumar iyo dib u dhiska, ayaa  maanta ka furmay Istanbuul oo ah magaalado caan ku ah ganacsiga, Wershedaha,

 

tiknoolijiga iyo dalxiiska ee dalka Turkiga.
Shirkaa waxa ka qaybgalay wakiilo ka kala socda in  ka baddan afar iyo  konton dal, kuwaas oo doonaya in wax laga qabto mustaqbalka Somalia oo dhawr iyo labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay beesha caalamku ku jaahwareertay, isla markaana dagaalo, macaluul iyo dib u dhac weyni ku habsaday.
Hogaamiyayaasha adduunka, siyaasiyiin Soomaali, ganacsato Soomaali. Odoyaal dhaqameed ayaa isugu yimi shrikaa  oo muddo labo maalmood ah socon doona, waxaana  qeybtiisa hore ee maanta  lagaga  hadlay arrimaha horumarinta Soomaaliya.
Furitaanka shirka waxa ka hadlay Raysal Wasaaraha Turkiga oo sheegay ahmiyada shirkaasi u leeyahay Soomaalida.  Raysal Waasaraha Somalia oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay inay xukuumaddisu u baahanatahay taageerada beesha caalamka oo ay dagaal kula jiraan kooxda Al-shabaab, taas oo sida uu sheegay inta baddan ay ka qabsadeen meelihii ay gacanta ku hayeen. 
Sidoo kale Raysal wasaare  ku xigeenka Turkiga Bakir Bosdag oo hadlay shirkaa,  ayaa ballanqaaday in aanay  Turkigu ka hadhayn sidii Somalia nabad iyo deganaansho looga dhalin lahaa, isla markaana bulshada Soomaalida horumar loogu samayn lahaa, isagoo xusay inay Turkigu ahayd dawladii dhaqaallaha ugu baddan ku bixisay macaluushii dhowaan Somalia ku habsatay. 
Shirkaa oo soconaya ilaa 2 jun,  ayaa wejigiisa labaad lagaga hadlayaa arrimaha siyaasadda soomaaliya iyo sidii xal  looga gaadhi lahaa caqabadaha siyaasadeed ee horyaala dib u heshiisiinta Somalia iyo dib u dhiska, isla markaana loo samayn lahaa Baarlamaan cusub oo soo doorta dawlad inta ka horaysa Augusta fooda inagu soo haysa.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *