madax8Hargeysa(ANN) Kumanaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa maanta isu soo baxay shaaracyada waaweyn ee magaalada Hargeysa, iyagoo dareenkooda ka bixinaya dhawaaqa dawlada Britain dhowaan ku sheegtay

 

 

inay muwaadiniinteeda uga digayso inay sii joogaan Somaliland sababo aanay fasiraad badan ka bixin oo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada.
Dhawaaqa dawlada Britain oo ka cadhaysiiyay bulshada Somaliland ayaa sababay inay saaka kumanaan qof isugu soo baxaan wadooyinka waaweyn ee Caasimada, kuwaas oo ku dhawaaqayay halku dhegyo ay ku dhaleecaynayaan cabsida dhinaca nabadgelyada ee Britain sheegtay, isla markaana ku tilmaamay talabaadaa mid gef ku ah nabadgelyada, qaranimada iyo sumcada jiritaanka Somaliland.

“Down Britain” ayay qaar ka mid ah kumanaanka qof ee isugu soo baxay shaaracyada Hargeysa ku dhawaaqayeen, iyadoo ay wejiyadooda ka muuqato cadho.

Madaxweynaha1

“Dawlada Britain waxaan u sheegaynaa inay Somaliland tahay nabadgelyo ka fayow falalka ay sheegtay ee agagixisada iyo amaandarada, waxaana ugu baaqaynaynaa inay raali gelin ka bixiso hadalkaa” sidaa waxa ku dhawaaqayay qaar ka mid ah dadka isu soo baxa ka qayb qaatay.
“Somaliland waa qaran nabdoon oo dunida ka doonaya aqoonsi, dawlada Britain waxay ahayd mid ay shacbiga Somaliland iyo dawladoodu ixtiraam u hayaan, waana inay ogaataa Britain inaan shacbiga Somaliland maysayrkooda aanay cidna u daba fadhiisanayn oo aanay cidna ku khasbi karin wax aanay raali ka ahayn, mana jirto cid aanu u baahnahay, haddii aanay macaamilkayaga dani ugu jirin.” weedhaha iyo kuwo kale ayaa iyana ka mid ahaa dhawaaqyada.


madax6

 

Debedbaxyada ka dhacay saaka Hargeysa ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo qudbad ka jeedinayo labada gole Baarlamaan, taas oo uu kusoo qaaday dhawaaqa dawlada Britain oo uu ku tilmaamay talaabo lagu deg-degay, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo socod lug ah kaga soo baxay dhismaha qasriga Madaxtooyada Somaliland ee uu deganyahay, isagoo markii uu qudbada ka jeediyay halkaa socod lug ah ku maray wadada weyn ee halbowlaha caasimada, taas oo ay xiliggaa marayeen kumanaan qof oo isu soo baxay, isagoo la qaybsanaya shacabka dareenka ay ku diidan yihiin dhawaaqa dawlada Britain, isla markaana si dadban ugu muujinaya dunida in aan waxba iska bedelin amaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo dadka u gacan haadinaya qaarkoodna ay doonayeen inay salaan gacan qaad ah la tiigsadaan ayaa markaa ka dib ku laabtay qasriga madaxtooyada, isagoo sii wata socodkiisii.

Dhinaca kale magaalooyinka Somaliland ayaa laga sameeyay isu soo baxyo sidan oo kale lagu muujinayo in shacbiga Somaliland ka cadhoodeen dhawaaqa dawlada Britain, kaas oo ay bulshadu ku tilmaantay inuu ahaa mid siyaasadeed oo la doonayo in lagu wiiqo sucmada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *