Shabeel Koox Dhalinyaro Ah Ku Weeraray Duleedka Dilla Ee Gobolka Awdal Dilla(ANN)Koox Dhlinyaro ah, ayaa Shabeel  ku weeraray Duleedka Degmadda Dilla oo ka tirsan Gobolka Awdal , wuxuuna dhaawac gaadhsiiyay Wiil yar oo

la yidhaahdo Ina Cabdi Cilmi Geedi oo dadiisa lagu qiyaasay 17- 18 jir.
Gudoomiyaha Degmada Dilla Ibraahin Cabdi Xaaji u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in dhawr caruur ah oo xoolo la joogay  shalay galabnimadii Dhagax-caska oo qiyaastii  3 Km ka xiggta Koonfur magaalada Dilla uu soo weeraray Shabeel, kuwaas oo ku diray Shabeelka markay arkeen Ey ay wateen.
Gudoomiyaha Dilla Ibraahin oo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Caruurtu Xoolo ayay eegayeen, markay arkeen Shabeelka ayay ku direen Eydii ay wateen, iyagoo caruurtuna dhagxinaya Shabeelka. Laakiin markii danbe Caruurtii iyo Eydii ayaa soo cararay. Kadibna Wiilka yare ee dhaawacmay, wuxuu qaatay dhagax markuu arkay Shabeelkii oo wax yar usoo jira, wuxuuna Shabeelkii soo gaadhay Wiilkaa oo naxdintii kufay. Kadibna Cidiyo ayuu kaga qabtay Luqunta wiilka yar. Laakiin Eygii ayaa ka riday oo dabada qabtay shabeelka. Sidaa ayayna kaga badbaadeen Wiilka yar iyo Eyguba” ayuu yidhi Ibraahin.
Wuxuuna intaa ku daray in Wiilka yar xaaladiisu fiicantahay, isla markaana  lagu hayo magaalada oo lagu daweeyay. Gudoomiyaha Dilla wuxuu sheegay inay tahay markii u horaysay ee ay deegaanka ku arkaan Shabeel, kaas oo aan hore loogu ogayn, balse hada uu cabsi ku keenay dadka deegaanka Shabeelkaasi .

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *