Boorame (ANN)-Mid ka mid ah  saraakiisha sare  ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa ayaa  ka warbixiyay mushkiladihii ay kala kulmeen mudadii Ololaha iyo codbixinta doorashada madaxtooyada masuuliyiinta xukuumada iyo xisbigeeda UDUB ee gobolkaa.

 

Wuxuuna xusay  in  maalmihii ay ku jireen bulshada gobolka Awdal codbixinta la kulmeen  cadaadis, cagajuglayn iyo cabsi galin ka dhan ah xuquuqda aadamaha

oo qaar ka mid ah saraakiisha heer gobol xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ee ku sugan gobolka Awdal lagula kacay.

 

 

 Mr.  Axmed Xaddi Sidci oo ka mid ah saraakiisha gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay gobolka Awdal, kaas oo uu ku xusay  in isaga laf ahaantiisa lagula kacay  Cagajuglayn, taas oo sida uu sheegay inay ujeedadeedu ahayd  sidii saraakiisha firfircoon ee xisbiga kulmiye ee Gobolka Awdal loo curyaamin lahaa,  markii uu dhaqdhaqaaqoodu u cuntami waayay xisbiga loolanka adagi ka dhexeeyay ee Udub masuuliyiintiisa. 

 

Wuxuuna isagoo arrintaa sharaxaya yidhi, “ Gobolka Awdal si adag ayaa loo tartamay Sedex Musharax ayaa ku tartamayay maalintii doorashadu dhacaysay, shacabka gobolkan waxa culays ka saarnaa inay sedexda xisbi kala doortaan, baabuur badan ayay isticmalayeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha UDUB ilaa ay gaadhay dacwadayadu komishanka, waxa jiratay in canaasiir ka mid ah askartu ay u xaglinaysay Udub, Lacago tiro badan ayaa  la keenay gobolka  si doorashada loogu adeegsado iyada oo ay waxaas oo dhami jireen hadana Kulmiye si haboon ayuu u diyaar garoobay waxayna hawsha u galeen si guul soo hoyn karta. Ayuu yidhi sarkaalku.

Mar uu si gaara u sharaxayay  handadaadaha iyo cagajuglaynta  loo gaysatay masuuliyiinta Kulmiye ee gobolka ku sugnaa waxa uu yidhi “ xadhig ayaa lala beegsaday qaarkood uu ka mid ahaa Afayeenkii Xisbiga ee gobolka Awdal Maango, waxa jitray salaadiin iyo saraakiil kale oo la afdouubay lana xidhay oo ay ka mid ahaayeen Sul. Daahir Taajaro iyo Cali Xaamud. Aniga laf ahaan tayda waxa la ii gaytay hanjabaado ay wadeen koooxo taageerayaal ah oo abaabulan oo dagaal doon ah ama ugu talo galsanaa inay baabuurta wax yeelaan, ma yarayn cadaadisku xitaa hargaysa waxa lagu xidhay sarkaal sare oo xisbiga ah oo la yidhii Dr. Axmed xaashi.

Mr.  Axmed Sidci isaga oo tilmaamaya warbixinta cabashooyinkaa ka dib xalka waxa uu yidhi “Xisbiga Udub waxaan  leeyahay cambaarayn kadib komishnaka ayaan talada u dhiibanay oo ah mid dhex dhexaad ah,  inta ka horaysa natiijooyinka ay ku dhawaaqayaan waxaan ku dardaarmi lahaa inay haboon tahay in la is ixtiraamo oo loo ogolaado qofka inuu xoriyadiisa ku raaco xisbiga uu rabo”.

Ugu danbayntii waxa uu u hambalyeeyay sedexda xisbi qaran iyo umada reer Somalailand oo uu xusay inay ka soo gudbeen maalmo aad u adag oo uu olole socaday iyuo maalintii doorashada waxana uu yidhi “ waan hambalyaynayaa Axsaabta qaranka iyo umada reer Somaliland, doorashooyinka sida haboon u dhacayna waxa ay astaan u yihiin in umada reer Somaliland aya u bixlaatay dimuquraadiyad ugu dambayntii waxa aan si gaar ah u  hambalyaynayaa Masuuliyiinta musharaxiinta ah ee xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashooda sida muga leh ugu soo baxay doorashada.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *